Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Civilians shot dead

Recommended Posts

HERE IS THE TRUE STORY ABOUT THE KILLING

 

 

Allah ha u naxariistee waxa xalay fiidkii toogasho qudha lagaga jaray laba qof oo shicib ah oo deganaa xaafadda Cabbaaye gaar ahaan Isgoyska Cawa Bariyo, labadaas qof oo kala ahaa Wiil iyo gabadh ayaa ay wararku sheegayaan in ay haleeshay xabad uu riday nin shicib ah oo dukaan ley ah.

 

Ninka dukaanka leh ee rasaasta riday ayaa rasaasta haleeshay labada qof waxa uu iskaga difaacayay ciyaal xaafad dukaankiisa shiid hadhka kaga dhigay, dad goob joog ahaa ayaa sheegay in markii hore ay laba kooxood oo ciyaalo xaafad ahi ay is dilayeen isna shiidayeen, kadibna ciyaalkaasi mid ka mid ahi uu dukaanka gabood ka dhigtay iyada oo kooxdii ay iska soo hor jeedeen ee kale ay dukaankii weerareen shiid raaxda kaga qaadeen, markaasi ayuu dukaanlihii la soo baxay qori u yaalay dukaanka dhexdiisa, dabadeedna rasaas uu ooda kaga qaaday, isagoo cirka u ridaayay si uu ciyaalka iskaga kala kexeeyo.

 

Bale, waxa la sheegay in rasaastii ay haleeshay gabadha oo magaceedu ahaa Hana Xusseen Cumar, oo ay xabadu ku dhacday iyadoo waxoogaa yar uun ka hor ka baxday dukaanka, halka wiilka isna la odhan jiray Guuleed Muuse X. Cali uu joogay goob ku dhow Dukaanka, sidaasina ay labadaasi Marxuum ku naf waayeen.

 

Ninkii dilka gaystay ayaa wararku sheegeen in Ciidamada Boolisku ay qabteen una taxaabeen Saldhiga Booliska ee Daloodho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this