Liqaye Posted January 22, 2004 Waxa Qoray Eng. Faisal Cali Waraabe (Gudoomiyaha Xisbiga UCID). Maqaalkan waxaan u qoray in ummadda Soomaliyeed ee ku nool Geeska Afrika iyo inta wax ma garatada ah ee Xamar joogtaa ay ogaato cidda xumaysay Soomalinimadii iyo Cidda baabiisay himiladii Soomaliweyn iyo sidii loo khiyaameeyay dadkii reer Soomaliland ee qaarnimadoodii dhaafsaday midnimada oo ah sida ay xaqiiqadu tahay. Waxa kale oo qoralalkan aan ugu sheegayaa siyaasiyiinta ********* inay ogaadaan in dadkan maanta jooga ee Soomaliyeed aanay ahayn kii 60kii, oo maanta aanay khiyaamayn karin xitaa Mawliid Macaane. Waxaad moodaa in beyahan dambe intii u hanaqaday shirkan sannad jirka ah ee dalka Kenya , in Cabdillaahi Yuusuf uu isku dhigay madaxweynaha dowlada faderaalka ah ee ee Soomaliweyn- Somaliland iyo Somaliya. Cabdilalahi wuxuu uu muuqdaa nin ku guulaystay in uu soo celiyo dowladii lixdankii ee Governo ******* ee uu ku taamayay ilaa 1979 kii markii u ka dhicisoobay Afgembigii 9kii Apriil 1978kii iyo burburkii iyo isa soo dhiibkii jabhadii SSDF ee 1982. Cabdillahi wuxuu hoos u eegayaa macalimintiisii soo celin kariweyday dowladii *******, kuwaas oo ah Cabdirizaaq Xaaji Xuseen, marxuum Bardacad iyo Maxamed Abshir iyo yarkii firfircoona ee ka soo qalan jabiyay dugsigii Afweyne ee Daaroodaynta Soomaliya - Xassan Abshir. Cabdillaahi Yuusuf hadda wuxuu isku haystaa qofkii isku dhararin laha madaxdii Adduunka ee caanka noqotay siiba qarniikii 20naad. Cabdillaahi wuxuu isku haystaa in uu iska dhigi karo General Diigool ama Marshaal Tito. Labadaa hoggaamiyaba wuxuu isleeyahay waxbaad la wadagtaa . General Diigool waxuu ku guulaystay in uu sameeyo Jamhuuriyada 5aad ee Faransiska, halka uu Cabdillaahina is leeyahay waxaad ku guulaysatay in aad samayso Jamhuuriyadii 2aad ee ******. Marshal Tito wuxuu ku guulaystay in u abuuro dawladii Fadaraalka ahayd ee Yuguslaafiya oo ka kobnayd 8-d qowmiyodood oo kala jaad jaad ah. Cabdillaahi waxuu is leeyahay waxaad ku guulaysatay in aad ka adkaatay qabqablayaasha dagaal ee Soomaliya is la markaan aad ku guulaysatay in aad burburiso dawlada Somliland. Waxaynu eegi doonaa waxa ku kalifay in uu Cabdillaahi Yuusuf, hawadan beenta ah iyo hamadan aan suurtagalka ahayn isku laab raaciyay. Waxa lama huraan ah in aynu dib u raacno taariikhda siyaasadeed ee dalkii la odhan jiray Italy Somalia iyo Jamhuuriyadda Soomaliya ee 1960-1969. Waxaynu garan karnaa waxa ku kalifay in uu Cabdillaahi Yuusuf uu had iyo jeer u gashado kabo ka waaweyn, dhul aanu lahayna oo aanu xiitaa haysan awood uu ku qabsado uu mar kasta u sheegto sida Gobalada Mudug, Kismayo Sanaag iyo Sool markay noqoto arrimaha siyaasadeed ee Soomalida. Dowladii gumaysika ee Talyaanigu markay qabsanaysay Koonfuurta Soomaliya waxay heshiis la gashay Boqortooyadii ****** ee Gobalkii ********* ee Jamhuuriyadda Soomaliya . Hishiiskaasi waxa ka mid ahaa in ay ********** gacan ka siiyaan Talyaaniga in ay gacanta ku dhigaan qabaaa’ilka Soomaliyeed ee kale, ka dhibna ay abaal marin u siin doonto awooda hoose ee hoggaanka dhulka. ******teenku wuxuu gacan ka siiyay Talyaaniga sidii ay u qabsan lahayd qabaa’ilka Soomaalida. Talyaanigu markii uu ku guulaystay taladii iyo awoodii Soomaliya wuxuu ******teenka ugu abaal guday in uu ka dhiga Qabiilka ugu sareeya qabaa’ilka Soomaaliya isaga oo u dhiibay xilalka markaa ugu badnaa ee ay in ay Somalidu qabato. Mar kaliya ayay ****** noqdeen awooda labaad ee Soomaliya Italy ee ku xigta dadka Talyaaniga. Mamulkii hoose ee Soomaliya ayaa gacanta u galay dadkii ********** ee ka soo haajiray gobolka ********* ugu nolasha liitay dalka iyo gobalka mudug. Hogaankii siyaasadeed ee ********** waxuu ku guulaystay in uu gacanta ku dhigu maamulki talyaaniga ee Qaramadda Midoobay u igmadeen in ay Soomaliya gobanimo garsiiyaan muddo 10 sanadood ah. Waxa kale u ay gacanta ku dhigeen Wakiilki Q.M. kamaal-Diin oo aha nin Masriya. Kamaal-Diin waxay ka raarideen in ay ka soo jeedaan carab oo ay ka duwanyihiin ****** iyo dad kale ee Soomalida uu ka soo jeeda Bantuu. U diyaar galowgii gobanimada 60ka , waxa Kamaal-Diin ka dhisay dhaaman tuulooyinka ****** iyo Mudugta ****** Madarasado Af Carabi ah, waxaanu Xamar ka dhisay dugsigii sare ee Allaahiga, oo sida la wada ogayahay khaas uu aha dadka ******. Dhinaca kalana Talyaanigu wuxuu ku caweeyay ****** in uu tuula kasta oo ay dagaan, amba ha ahaato gobalka ****** amba ha ahaato Wagooyiga Mudug in ay ka degaan degmo si ay u yeeshaan xubno Baarlamaan marka dowladnimo la helo. Taliskii Talyaanigu waxuu u diyaariyay ****** in ay la wareegaan talada Soomaliya 1960. ****** waxuu gacanta ku dhigay awooda dalka 70% tallada iyo hogaanka Booliska 80%. Waxay la wareegiin dhul beeraadkii iyo magaalada Kismaayo oo ay dhismaheeda yeesheen 90%. Waxa ay aad uga faa'idaysteen Baankii Credito De Somaliya oo ganacsatadoodu kaligood ay aamaahda ka heli jiriin. Waxaa u fududaatay ****** in ay la wareegaan dhismayaashii iyo Beerihii asandooyinka ee shabiga Talyaangu iska ibinayeen markii xornimaddu soo dhawaaty. Mar kaliya ayey ********** isla heleen awood dhaqaale iyo awood xukun. Waxay isticmaleen habkii gumaysiga ee ahaa (Qaybi oo Xukun). Waxay aad u kala qaybiyeen Beelaha ****** iyaga oo is aamin dara wayn ku kala dhex riday Beelaha ****** iyo taas u ilaa maanta taagan. ****** iyagan qaar bay u sheegeen in ay ka soo jeedaan ******* marka ay ku guulaysteen in ay hogaanka u hayaan sida Suube. Markii 60kii la gaadhay, hogaankii siyaasaadda ee ********** waxuu ahaa quwada kaliya ee isku duuban ee qorsha siyaasadeed oo danatooda ah lahaa. Waxay qorsheeyeen siidi ay awooda dalka gacanta ugu dhigi lahaayeen iyo sidii ayna uga bixi lahayn waligeed. waxay qorasheeyeen kuna guulaysteen in maamulka dalka 50% ay qayb u qataan 50% kalaana in ay ka shaqeeyaan siidi ay wax u ga helilahaayeen. Baarlamaankii konfuurta ee 60kii waxay degmooyinkii yar yaraa ee Talyaanko u qorshay in ay ku helaan kurasii u guyeen 33%. kuraasida guud ee Soomaliya oo ka kobnaa 60 markii danbana ay ka dhigeen 90 kursi. Kursiga xubin Baarlamaan ee ********** waxuu joogay 70-100 cod halka u kursiga dadka kale joogay 1000-2000 oo cod. Waxaa kale oo ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan ciidanka Booliiska, markaa ma jirin ciidan mililatari oo konfuurtu amba Somaliya lahayd. Hogaanka adag ee ********* waxay ka shaqayeen in dalku qaato habka dowladnimo ee dalka Talyaaniga oo ah habka (Parliamentary System), habkaas oo ay fulita dowladu leeday Madaxweyne maamuus iyo Raa'isal wasaare fulineed. Marka waxay qorshayeen siidi ay u qaadan lahayeen Raa'isal wasaaraha awood leh, waanay ku guulaysteen Waxay noqdeen Beesha kaliya ee leh aqlabiyad balaadhan ee baarlamaanka ah, Raa'isal wasaare iyo talladi ciidanka Booliiska, waa quwad aan la horjoogsan karin. Markii Soomaaliland keentay fikradii isku darka labada dal, ********** ma filayn in ay arintaasi suurtagal noqonayso, waxay arkayeen in Soomaliland la imaan doonto shuroodo kuwaas oo isbel ku keenidoon qorshahoodii iyo samigoodi awooda, marka waxay u diyaar ahaayeen in ay gaashanka ku dhuftaan isku darkii laba dal, mar hadduu wax yeelayo dantoodii Beelnimo. Markii reer Soomaliland yidhahdeen midnimo bilaa shuuruud ah, ********* farxad iyo filanshawaa ayay ka noqotay. Siyaasiyiin reer konfuurid ah oo waxa jiray damiir leh oo danaynayay niyaad waanaga reer Soomaliland ee ku fakaray in si xaq ah loo qaybiyo awooda dalka mar haddii ay reer Soomaliland xilkii dusha ka saareen reer Soomaliya, oo soo jeediyay in wax loo qaybsaado siidi laba dal, oo uu midna qato madaxwynaha midna qaato RaaisaL wasaaraha dalka. Markiiba waxa ka howlgalay siyaasiyiintii ********** si aanay arintaasi u dhacdeen. Iyaga oo isticmaalaya habkii guumaysiga ee (Qaybi oo Xukun) ayay hogaankii reer soomaliland oo marka ay hayso jibadii Somaliweyn( greater Somalia) oo aan qabiil maskaxda ku haynin ku bilaabeen in ay reer u kala saaraan, si ay meesha uga saaran figrada laba dal- Somaliya iyo Soomaliland oo ay ka dhigaan Qabaa'il ku soo biiray qabaa'iilkoodda kale , awood qaybsigana loo daayo siidii ay qabaa'ilka Soomaliya hore ugu qaybsadeen. Hoggaanka reer Somaliland wax dan ah oo uga sokeeya danta soomaliweyn ma jirin, shacbigu aad ayay uga baqayeen haddii ay diidaan qaybta la siiyo. Khiyaamo ********** ayay ku timid in dalkii Somaliland loola macamilo shakhsiyaad lana siiyo 3 saddex Wasiir iyo guddomiyaha Baarlamaanka-( Khiyaamadii qarnigii 20aad iyo Masiibadii reer Soomaliland dheh) Jamhuuriyaddii Soomaaliya 1960-1969 Muddadii 1960- 1969, waxaynu odhan karnaa in ay ahayd wakhtigii dahabiga ahaa ee beesha ********** (Golden Time), waana ta uu ku hamiyayo maanta Cabdillaahi Yuusuf in uu soo celiyo. Wakhtigaasi waa markii ********** si rasmi ah u mulkiyeen awooddii Soomaliya iyo Somaliland. Waxay ku guulaysteen in xataa Madaxweynenimadii aan awooda distuuri aan lahayn ee lagu khiyameenayay beesha ****** ee magac u yaalka ahaa in aanu ka baxsan ee ay mariyeen in la doorto Aadan Cabdillaahi Xasan, oo ahaa nin la xidid ah oo qabay Taliyaha Ciidaanka Booliiska Gen. Maxamed Abshir Edadii. Sannadihii i 1960- 67, waxay lahaayeen Shan Wasiir oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo Taliyaha ciidanka Boliiska iyo Raysal Wasaaraha. Sanbadihii 1967-69, waxay lahayeen 5 Wasiir oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Madaxweynaha. Siyaasiinta ********** waxay awoodeen in ay labadii Beelood ee gobalada Somaliland iyo Soomaliya ee lahaa labada Raysal Wasaare in ay khiyaameeyaan oo ay ku caameeyaan laba jago oo aan awood Dastuuri ah lahayn, kuwaas oo kala ahaa Madaxweyne iyo gudomiyaha Baarlamaanka. Intaa waxa ka darnaa iyagaoo la soo baxay labada nin ee ay labadaa jago la rabeen. Waxaad odhan kartaa wakhtigaa wax qaan gaadh siyaasadeed lahaa ma jirin oo aan ********** ahayn. Beryahaa waxa soo baxay hadal badan oo sheegaya awoodaha qayral caadiga ah ee ********** dadka ******ku wuxuu ku shirbiyay ( Marna Rashiid marna Risaaq, inta kale ma Rootibaa). waxay la yaabeen markii la badalay 1964 Raysal Wasaarihii Cabdirashiid , ********* ayaa la magacabay Cabdirisaaq **********. Wakhtigaa maagaalada Kismaayo waxa loo bixiyey Alabaama state, iyada oo aan qof aan ********** ahayni guri ka dhisan karin shaqana ka qabsan karin, Kismaayo awoodeeda 100% ********** ayaa gacanta ku hayay ilaa uu Shire Suudi oo ahaa guddoomiyihii Jubadda Hoose xukunkii Siyaad Bare iyo Cascasay oo la dhashay Siyaad Barre ay ka xoreeyeen. Dawladii Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay kula baxday Governo. waxa mudan in aynu weedhan layaabka xanbaarsan darisno. , ***** waa laf ka soo jeeda reerka ********** , waxay u gaybsamaan saddex jilib: · ***** · ***** · *****. Markaa waxa muuqata in weedhani ka turjimayso saamiiga saddexdan jilib oo aan midkoodna lahayn magaalo micno leh amba ay ku noolyihiin 1000 qof, marka laga reebo ****** oo dhinac ka daga GAalkacayo, oo u ahayd ta ugu dadka yar marka laga reebo Boosaasso siddeedii magaalo madax gobaleed ee Jamhuuriyaddii Soomaliya ka kobnayd intii ka horaysay taliskii Afweyne. Markaa aynu eegno waxay ka heleen jagooyinka sarsare ee Jamhuuriyaddii Soomaliya waa sidan. · *******- Raysal Wassaare iyo hal Wasiir 1960-64, iyo Xoghaye Guud ee xisbigii SYL oo awood buuxda lahaa 1967-69, Madaxweyne iyo Wasiirka arrimaha gudaha. · ****** - Waasiir, Taliyaha Booliiska , iyo Madaxweynaha oo seediigii ahaa. · ***** iyana waxay heleen Raysal Wasaare iyo Wasiir ****** kumay ekaan in ay hantiyaan dawladii iyo Baarlamaanka oo keliya ee waxay gacanta ku dhigeen xisbiyadii siyaasada, xisbigii SYL, oo markii danbe u xub siibtay hay’ad ********** lahaa. waxay qabsadeen jagadii Xoghayihii Guud oo u dhigmaysay jagada Raysal Wasaaraha, Yaasiin Nuur Bide ayaa jagadaa hayay, marka waxay marayeen in aanay kuraasida ********** ee baarlamaanku ku ekaan dhulka gaar ahaan ay u degaan ee ay awood u yeeshaan in ay ka soo baxaan gobalada Koonfuur oo dhan. Waxa Yaasiin u suurto gashay in uu xubno ********** ah ka soo sharaxo magalooyinka Jawhar, Xamar, Marka, Jilib, Kismayo iyo Xudun,oo inta badan ay ku guulaysteen. Dhinaca kale xisbigii ugu adkaa xagga mucaaradka ee siyaasada bidixda raacsanaa SDU-( Calan Cas) oo taageero laxaad leh ka heli jirtay dawladihii Shuuciga waxay tala ahaan gacanta u galiyeen madaxna uga dhigeen ********* Bardacad oo ahaa nin ****** ku gaamurtay hase ahaatee Soomaali u xidhay shaadh guduudan. Bardacad magac xisgiga SDU wuxuu sannadkii ku helii jiray deeq waxbarasho oo dalalkii shuuciga ahaa ay bixin jireen, deeqdaas oo dhammayd ilaa 300 oo arday, ha u badato dalkii Midawga Soofiyeti oo kaligii bixin jiray ilaa 120 arday. 300 ee arday boqolkii 80% waxay ahaayeen ********** 20% kalena waxa ay ahaayeen waxay cagaha ku qataan sida ***** , *****, ***** iyo ******. Markaa waxa u suurtagashay ****** in ay wixi kuuraasi Baarlamaan ka soo baxa SDU-na ay gcanta ku dhigaan, taas oo marka lagu daro magaalooyinka kale ee konfuurta kuurasdii Baarlamanka ee ********** kor u kaceen 25%, tusaale ahaan waxa suurtgal noqotay in Xamar ay ka soo baxaan dhinac SDU-da Bardacad iyo Cabdi Casiis Nuur Xersi, *****, oo ahaa shoodhe ********** . Marka halkas ayay ka timi naanaystan GOVERNO *******. Waxay siyaasiinta ********** qorsheeyeen xitaa haddii uu mucaaradtku ka guulaystaan doraashooyinka in qofka Raysal Wasaaraha ahi noqdo qof ********** ah. Mar qudha ayuu ********* noqday Qoyskii Soomaliya xukumayay ( The Ruling Family of Somalia). Awoodaa badani dhibaato iyo nabcaansho fara badan ayay u keentay Beesha. Waa mar’e qabaa’ilkii Soomaliyeed oo dhan ayaa cadaawad u qaaday xitaa kuwii ay ku lahayeen dan ******* baanu wadnaa, waa taa labaade iyago sii laxaad leh dhulkoodii kaga soo haajiray, dhul aanay lahayna degay oo ay maal gashadeen. Dhibaatadadaasi waxay si xoog leh u dareemeen markii ay ****** ka saareen koonfuur sannadkii 1992 oo dhan, oo ay xitaa daafici kari waayeen magaalada kismaayo . Mahad waxa leh Siyaad Barre oo dabayaaqadii xukunkiisii u sameeyay Dekedda yar ee Tuulada Boosaaso. Taariikhda Soomaliyeed lama sheegin meel ay dagaaladii qabaa’ilka ay ********** guul ku keenin, hase ahaatee waxaad moodaa in ay siyaasadii Qarnigii 20aad ay Soomali kaga badiyeen in kasta oo ay cidhib iyo cawaaqib xun ku yeelatay. Waxa isweydiin leh halkuu kaga jiray Col. Cabdillaahi Yuusuf, Sannadahaa Barwaaqada. Kornaylku wuxuu ahaa AMIIR ka tirsan ciidankii xoogga Soomaaliya, wuxuu ahaa hoggaamiye aan muran ku jirin isaga oo isku diyaarinaya hoggaanka siyaasada ee jiilka dambe, wuxuu qaabilsana waxbarashada saraakiisha xoogga dalka , halkaas oo boqolkiiba 50% uu ka dhigii jiray ********** saraakiisha dibaada waxbaraashada u tagaysa. Arrintaas waxay wax ugu tartay markii u 1978-79 uu maleegayay afgambigii dhicisoobay iyo markii uu sameeyay Jabhadii la jabiyay ee SSDF Laakiin Kornayka iyo Siyaasiinta ********** waxay garan waayeen in ay qortaan askar ka soo jeeda Beelaha ay kabaha ku qataan si ay u difaacaan dawladooda, sidii Siyaad Barre sameeyay. Cabdillahi wuu ka awood badnaa Gen. Daa’uud waad iska garan karntaa kornayl yar oo qoyskoodu awoodda dalka haystaan inaanay cidna is hortaagi karin. Markii Gen. Siyaad uu qabtay hoggaanka xoogii Soomaliyeed, waxay noqotay jagadaasi tii kaliya ee gacanta ********** amba ciyaal ********** ka maqnayd dalka oo dhan, ka bacdi ********** waxaynu odhan karnaa waxay si buuxda u mulkiyeen awoodihii Baarlamaanka, Xukuumada, Asxaabta , Booliiska iyo xooga dalka. Waagaa lama maqli jirin Beelaha **** ee Konfurtii Jamhuuriyadda Soomaaliya, Beesha ********a, ********* waxay ka raarideen dadka in ay dhammantood degaan Itoobiyana ay qaxooti ku yihiin. Tuulada Afmadow ee jubada hoos ayay u ogaladeen. Cabdillahi kama haybadaysan jirin Gen. Siyaad oo markaa ay tol la'aaani haysatay oo ********* magan u ahaa. Waagaa marka la waydiiyo qof ********** ah haybta Siyaad Barre waxay ku Jawabi jireen " Waa Ciyaalo ********** " Hoggaanka siyaassada ee ********* kumay guulaysan khiyaamaynta iyo boobkii taladii dawaladii J. Soomaliya ee sanaadadii 1960kii ee waxay sii fiicaan ugu guulaysteen been ka sheega taariikhda Soomalida, sida ay dhulka u kala degaan iyo tirada Beelaha Soomaalida. Haddii aad akhrisatid Buugaagta J. Somalia laga qoray waxaad arkaysa in ay been ********* iyo Afweyne ka buuxaan. Cabdillaahi Yusuf wuxuu qabaa in ay Soomalida ku nool dalkii J.Soomaliya ay u qaybsanto **** iyo ****, Daaroodna ka kooban yahay ********** iyo in yar oo soo raacda, sidaa awgeed ay lama huraantahay in ********** yeesho 40% markay timaado awood qaybsi Soomaliyeed. Afganbigii Siyaad Barre ee 1969 , waxuu ahaa inqillaab ******* . Markii la arkay sida ********* awoodii dalka ay u boobeen iyaga oo afka ka leh waa qaybtii ******* . Markii la arkay Beelihi Soomaliyeed ee kale oo aad isugu abaabulay, sidii samayntii Xisbigi SNC iyo kalmada ***** oo israaciisay beelaha ***** , ***** , ********** , ****** iyo *** oo dhan dadka Soomaliyeed ee J.somaliya 80%. Markii la arkay in jagadi dalka ugu awooda badnayd gacanta u gashay reer Somaliland . Cabdillahi Yusuf iyo Afganbigi 1969. Ayaa Siyaad ku fakaray in afganbi la saameeyo, si loo sii wado xukunka Darood ee Soomaliya oo ay khatar galinayso hunguri weynaanta awoodeed iyo xirfad xumida siyaasadeed ee ********** . Siyaad barre wuxu isticmaalay saraakiil badan oo Soomaliyeed oo dhallinaryo ah. Maslan markuu qoranayay saraakiishii ***** oo door weyn ka qaadatay afganbigi siyaad, wuxuu odhanjiray," waa in aynu dalka ka badbaadina musuqmaasuq iyo qabyaalada." Markuu Saraakiisha reer konfurta la hadlayaana waxuu odhan jiray" sidee waaye awoodii dalku- Raysal Wasaaruhu waxay gacanta u gashay reer Waqooyi". Marka uu la hadlayo saraakiisha ***** ayuu sheegi jiray runta, waxaanu odhan jiray" awoodii dalku gacanta ********* way ka sii baxaysaa , waayo ********* ****** wax uma ogola, Isna kaligii ma hayn karo". Col. Cabdillhi yusuf, waxuuu ahaa saraakiishii ********** ee ugu horayntii loo soo bandhigay. Waxa loo mariyay arintaa saraakiil ***** ah. waxa la sheegay in ay saraakiishaasi ay Kornelka ku casumeen Baar lambar konto (no.50) , oo ku yaalay wadada u dhaxaysa Afgoye iyo Marka. Waxaa la sheegay markay u soo bandhigeen in ay haboontahay in ay sameeyaan afganbi ***** sii loo soo eiliyo awoodii dawalada oo hadda gacanta u gashay ***** , danihi ****** ay khatar ku jiraan. Cabdillhi waxuu waydiistay saraakiishii in ay siiyaan saddex malmood in uu arinta kaga soo fakaro. Waxaa la sheegay in saddexdii malmood ka bacdi ay isla meeshi ku kulmeen, Cabdillhai waxuu yidhi" Markan eegay sida tolkay yahay maanta iyo sida u noqonayo afganbiga ka bacdii, waxaan door biday siida u maanta yahay". Cabdillahi siidas ayu afgnbigi ***** u diiday, isaga oo u muujiyay in aanu wax ***** ah danaynayn. Sidaas ayaana loogu badalay gobalada Wagooyi, markii afganibigi guulaystayna loo xidhay. Sida ayuu afganibigi u noqay, Kacaan : ********* , ******* iyo *****,( M.O.D.) bilaa ********* . Cabdillahi yusuf waxuu forsadiisi uriyay markii dagalkii J.S. Soomaliya iyo Itoobia sannadkii 1977, markaas oo Cabdillahi u dhowr sano maareeye ka ahaa wakalad, markii xabsiga laga sii daayay, ayaa dagaaladii loogu yeedhay isaga iyo wax alaale iyo waxii militari ah ee shaqo raa'yid hayay , sida Xasan Kayd, Caydiid , Cawil, Cabdillahi waxaa taliye looga dhigay qaybta dagaalka ee SIDAAMO, IYO BAALI., waxuu gacant ku dhigay ciidankii qaybti 60aad ee gobalka Bay iyo dhoor gaas u fadhiyay gobalda Gedo iyo Xudun iyo ciidamo badan iyo sannad laga kaxiiyay gobalka Banaadir. Dhinaca Waqooyina waxa taliyaha dagaalka laga dhigay Kornel Cirro. Markaa si yar ayay awoodii xooga dalku gacanta u gashay ********* , laakiin dadku waxuu ku jeeday dagaalka iyo xoreynta Soomali galbeed , taas oo ahayd fursad kale oo soo martay, tiiyo markaa Itoobiya dhexdooda ay ka socotay dagal sokeeye. Cabdillahi iyo Cirro, waxay ka shaqeeyeen in dagaalka Soomaliya lagu jabiyo, intaan xitaa Ruushka iyo xulafadoodo aanay gacanta siinin Itoobia. Cirro waxuu bilaabay in uu curyaamiyo dagalka, isaga oo marka la soo weydiisto Nafto diri jiray Bensiin, marka rassaas la weydiistan diri jiray mid qalad ah. Dhinaca kalana Cabdillahi wax dagaal ah ma qaadin, ujeedaasina waxay ahayd nabad ilaa markii dagaalkii dhamanayay. Labada kornel waxay qorsheeyeen sidii Soomaali dagalkan ugu jabi lahayd ka bacadina dadka iyo ciidamada oo cadhaysan ay afgani ********* u sameen lahaayeen. Cirro waxuu sameeyey wax alaale iyo wixii uu is yidhi ciidaamado ha ka gadoodeen. Markuu Sabataajkii dhamayay ayuu bilaabay inuu laayo saraakiil iyo ciidamo ka badan 200 oo saraakil xigeena ahaa. Taariikhdaa taas markhaati iiga ah, haddaanad warkeeda haynin bal adiguba dabagal ku samee. Cabdillahi waxuu sii ficaan fursad ugu helay markii Soomalida laga soo saaray Itoobia, ee ciidamadii oo dhan la fadhiisiyay soohdinta. Markaas magaalooyinka oo dhan ciidama ma joogaan, oo xitaa Xamar waxay ahayd baylah. Sidii lagu yaqaanay Cabdillahi Iyo Ciro , afganbigii waxay ku koobeen ********** , markaas ayey dadka kuwaali jireen shookooyin iyo naxdintii guuldaradii dagaalka iyo jabkii lama filaanka aha ee Soomaliya, 9kii April 1978 ayay afganbigi ka dhucisoobay ku kaceen. Markii u ka fashilmay Xamar waxaa la ga baqaayay inuu Cabdillahi soo dhaqaajo ciidamadiisii fadhiyay gobalka Gedo. Markaa Baydhabana way madhneyd Xamarna cidla ayay ahayd. 10 malmood ayuu hal madfac oo kaliya oo yaalay Xamar kantaroolka loga baxo Xamar- Afgoye. Taageerayasha afganbiguna ay naawilayeen oo ay lahaayeen Cabdillahi Buur Xakaba ayuu oo socdaa. Waxaa noqotay wax la qaadan waayay in Cabdillahi yuusuf ka cararay wixii oo ciidan ahaa, markuu ka war helay Inqilaabkii wuu dhicisoobay. Cabdillahi ma dagaal galin ciidamadiisa, qorshahaa sarakiisha ********* ayaa ahaa in la burburiyo ciidamada waqooyiga , ciidamadda Cabdillahina ay qabtaan Xamar. Markuu Cabdillahi helay telegraamka waxa la yidhi waxuu la joogay ciidamad Geedweyn ee Luuq iyo Doolow u dhexeeya. Waxa la yidhi kalmad ma uu odhan ee intuu gadhigiisii ku dhacay ayuu xadka Ethiopia ka talaabay oo uu Axmaaro isku dhiibay. Waxa la isku raacay Wakhtigaas inuu Cabdillahi si hawl yar uu xamar u qabsan lahaa, maadaama aanay wax ciidani joogin Xamar. Halkaa waxa laga qiyaasi karaa isku halyn la'aanta Cabdillahi Yuusuf iyo awoodiisa Hogaaminta Ciidan dagaalba. Cabdillahi Yusuf iyo SSDF. Cabdillahi wuxuu u abuuray SSDF in ay Soomaali ka daba timaado, si uu dalka ugu qabsado markaana uu ka sameeyo dawlad ***** oo aan ku dhisneyn qaybi oo xukun, laakiin ku dhisan xoog iyo caabudis tii Siyaad Barre la mid ah. Dhinaca kale sameyntii jabada SSDF Beela badan ayay ku soo dhaweysay xukuumadii Siyaad Barre. Cabdillahi iyo SSDF wax ay yeeleen ma jirin taliskii Siyaad Barre laakiin wuxuu wax yeelay ********* oo uu ka dilay nin doorkii ka horyimi taladiisii sida Dr. Cabdillahi Faash iyo Kornel ILGiir iyo qaar kale o badan. Waxaa isna u wiiqay jilibka reer ***** oo ku sameeyay dil fara badan. Waxay u muuqataa in *********ku ka dhaqan duwan yahay soomalida kale. Dhaqanka Soomalida kama suurta gasho in ay Beeli Beel xoog ku maquuniso oo ay ku amar ku taagleyso si ay ugu ogalaato beesha la ga xoog roonaada talada iyo maamulka Beesha kale. Markaad aragtid sida **** aanay ugu aarin dadkoodii Cabdillahi Yusuf dilay sida Soomaalidu yeeli jirtay. Markaad aragtid sida Cabdillahi u qabsaday dekada Boosaassa 1995 ee ka bacdina uu yidhi waxaan sameenayaa dawalad goboleed la yidha Puntland ee u xarun uga dhigtay Garoowe.Markad aragktid dagaalkii sokeeyey ee ka dhex dhacay Cabdillahi yusuf iyo Xasan Abshir iyo Jamac Ali jamc oo isku dhinac ahaa, u micnu ahaa **** oo la dagaalamay ***** sida uu xoog ugu muqooniyay ee xitaa Generaalkii ******* ee ka soo gurmaday dalka Canada uu qasab kaga dhigay in uu ogaalaado xukunkiisa. Isku soo xooriyoo ma jirto beel kale oo Soomaliyeed oo isku dawladaysa. Halgankii hubaysna ee SNM, USC, SPM iyo SDA. Halgamadii huubaysana ee ay ku kaceen jabhadahaasi waxay ka midaysnaayeen in ay ridaan xukunki Siyaad Barre iyo dafoorqiiq jabhaadii SSDF oo la soo saftay 1983, taliskii Afweyne, haase ahaatii Jabhad kasta waxay lahayd qorsha u gaar ah. Waxaa mudan in la ogeeysiiyo shacbiga reer Soomaliland in 80% xasuuqii ka dhacay dalkeena iyo xabaalaha tuulan ee sannadkii 1988 ay gaysteen Morgan iyo askartiisi Dafoorqiiq ee ex. SSDF. SNM waxaa halgankeeda u saldhig ahaa in ay soo ceshaato qarnimadii Somaliland . USC. Waxaa saldhig u ahaa inaanay madaxnimada J. Soomaliya cid kale qaadan. SPM. waxaa saldig u ahaa inaan mar dambe lagu odhan qaxooti, tuulada Afmadowna la qoondeen. SDA. waxaa saldhig u ahaa in aanay ogalan wax aan aheen dawlad Fadraali ah, Afkoodina soo ceshadaan iyo gobaladii Afweyne ka qaaday. Cabdillahi yusuf waxuu raba inuu intaas o qorshe iyo himilo oo ay wataan 95% soomalidii ku noolid dalkii J. Soomaliya inuu burburiyo oo uu suurtagaliyo inuu saacadda lixdankii (60kii) ku ciliyo. Markaa shirka Kenya ee sannadka iyo dheeradka socday waxaa weeye ( Cabdillahi ayaa raba inuu surtgal ka dhigo waxaan suurtoobeynin) sida kale ( ********** VS the rest of Somalis) Qormaddii, Eng.Faisal CAli Waraabe. Gudoomiyaha Xisbiga UCID. Soo DIray: siciid33@hotmail.com [ January 22, 2004, 11:15 AM: Message edited by: Admin ] Quote Share this post Link to post Share on other sites
maakhiri1 Posted February 14, 2020 War ninkan maxaa qabyaalad ka buuxda ,20 sano ilaa ada caqligiisa wax uma kordhin Quote Share this post Link to post Share on other sites