General Duke Posted June 25, 2007 Maamulka Gobolka Banaadir oo u digay dadka ku xadgudba Bandowga lagu soo rogay Magaalada Muqdisho Isniin, June 25, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa digniin kama dambeys ah u jeediyay dadka aan weli u hoggaansamin bandowga lagu soo rogay Magaalada Muqdisho ee waddooyinka lagu arko xiliyada Bandowga. Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Siyaasadda C/llaahi Xasan Ganey Firimbi ayaa sheegay in qofkii la qabto isagoo socda xiliga bandowga la qaban doono, kadibna uu bixin doono lacag dhan 200,000 Sh. So, taasi oo haddii uu bixin waayo uu muteysanayo xabsi hal bil ah. Amarkan ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa yimid kadib markii xaafado ka mid ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho looga hoggaansami waayay bandowga, isla markaana ay dadka xaafadaas ku dhaqan qaarkood ay Idaacadaha ka sheegeen in aysan arkin wax ciidamo ah oo fulinaya amarka bandowga ah ee ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Arrintaas waxaa u xil saaran Waaxaha Xaafadaha oo xiriir la sameyn doona Degmooyinka oo ay diyaar ku yihiin Gaadiidkii lagu qaadi lahaa Dadka ay Xaaladda deg degta ah ku timaado”ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) oo ka jawaabayay weydiin ahayd sida uu maamulkooda ka yeelayo dadka dhaawacyada soo gaari karaan iyo Haweenka ay Foosha qabato inta xiliga Bandowga lagu jiro. Iyadoo Bandowgan uu ka jiro Magaalada Muqdisho ayaa hadana waxaa habeen kasta dhaca qaraxyo iyo weerarro lala beegsanayo fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo weliba Ciidamada Booliska ah ee howlgallada ku jira, ilaa iyo haatanna ma jirto cid loo qabtay in ay qaraxyadaas ka dambeyso. Si kastaba arintu ha ahaatee, Guddiga Ammaanka Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dabayaaqadii todobaadkii hore waxaa uu soo saaray amar bandow lagu gelinayo Magaalada Muqdisho, iyadoo bandowgana lagu sheegay mid lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites