Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: the curfew was a success,

Recommended Posts

Bandowgii ay DFKS ku soo rogtay Muqdisho oo xalay dhaqan galay

Last Updated::2007-06-23 12:16:08

 

Muqdisho:-Bandowgii ay DFKMS horay shaaca uga qaaaday in dhaqan gelintisu bilaabmanayso habeenkii xalay ahaa ---

Ayaa ka dhaqan galay xalay magaalada Muqdisho .

 

iyada oo ciidamada boliska ee dawlada laga arki karay iyaga oo roondo ku samaynaya wadooyinka magaaladasi

 

Waxase wax yar kadib markii uu dhaqan galay bandowgu laga maqlay degmooyin kala gedisna oo ka tirsan magaalada qaraxyo waaweyn kuwaas oo ilaa iminka aan la sheegin qasaaraha ay geysteen

 

Masuuliyinta maamulka Banadir oo saaka la hadlayay saxaafada ayaa waxa ay sheegeen in xalay si rasmi ah uu bandowgu u dhaqan galay isla markasna qaraxyadii ka dhacay magaalada aysan wax qasaare ah geysan

 

waxayna sheegeen in ay jiraan dad badan oo ay ciidamada boliska ay qabeen habeenimadi xalay

 

 

Wakaalad@hotmail.com

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Maamulka gobolka Banaadir oo ka warbixiyay bandow xalay ka dhaqan galay magaalada Muqdisho.

 

23. June 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay qaabkii uu ugu dhaqan galay magaalada Muqdisho bandowgii xalay ka bilowday caasimada iyadoo uu maamulku sheegay in guud ahaan 16-ka degmo uu si rasmi ah uga hirgalay bandowgaasi.

 

Afhayeenka gobolka Banaadir ahna agaasimaha warfaafinta gobolka Maxamed Muxiyaddiin Cali ayaa sheegay in 16-ka degmo ee gobolka uu si rasmi ah ugu dhaqan galay iyadoo ciidamada Booliskana ay qeyb weyn ku lahaayeen sugida amaanka.

 

Maxamed Muxiyaddiin wuxuu intaa raaciyay in bandowgii xalay ka dhaqan galay gobolka Banaadir aysan ciidamadu wax dhibaato ah la kulmin balse waxaa uu qiray in dhowr qarax ay ka dhaceen degmooyinka qaar, qaraxyadaasi oo uu sheegay in aysan geysan wax dhibaato ah maadaama buu yiri ay ka dhaceen meel cidla ah oo ciidamadu ama dad rayid ah aysan ku sugneyn, wuxuuna ku tilmaamay weerar fuleynimo.

 

Afhayeenka ayaa sheegay in tiro dad ah ciidamada Booliska ay xalay qabqabteen kuwaasi oo uusan cara baabin waxa ay yihiin hase ahaatee uu maamulka dhawaan shaacin doono.

 

Dhinaca kale waxaa xalay magaalada ay aheyd caasimad haawaneysay inkastoo dhowr qarax uu barbar socday bandowga ay dowladda ku soo rogtay mana jiraan ilaa iyo weli khasaarooyin la sheegi karo oo qaraxyadaasi geysteen.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

With seven bombs going off in the first night. I'd say it was a tremendous success. For the resistance, that is.

 

LOOOL.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Castro:

With seven bombs going off in the first night. I'd say it was a tremendous success. For the resistance, that is.

 

LOOOL.

macnaha bandow meel loogu soo rogo xitaa Duke ma yaqaan...success aa la iska dhahaa..........Awalba odayga Sahaafkii Soomaaliya ayuu ahaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bandowgi Muqdisho Wuu Hirgalay

--------------------------------------------------------------------------------

Muqdisho(Calanka.com) 23-Jun-2007

 

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Max'ed Muxuyidiin Cali oo saakay ka hadlay bandowgii caasimadda Muqdisho lagu soo rogay habeenkii xalay ayaa waxa uu sheegay in uu dhaqan galay, wuxuuna intaa raaciyay in tiro dad ah oo jabiyay amarkan bandowga ey soo qabqabteen ciidamada boliska.

 

Afhayeenka ayaa sheegay in xalay abaarihii todobada habeenimo uu bilowday bandowga dadka badankiisna ey guryohoodi ku jireen xiligaa, wuxuuna intaa raaciyay in dhamaan isgoysyada wadooyinka magaalada lasoo dhoobay ciidamo aad u tiro badan kuna hubeysan gawaarida gaashaaman.

 

habeenkii xalay ayaa waxaa wadooyinka xaafadaha iyo jidadka waa weyn ee magaalada lagu arkayay ciidamo bolis ah oo koox-koox u socdo kuwaasoo kormeerayay in uu bandowga hirgalay.

 

Xiligi bandowga ka hor ayaa waxaa laga maqlayay xaafadaha qaar ee Muqdisho qaraxyada bomb-gacmeedyada kuwaasoo aan haba yaraatee wax qasaare ah geysan.

 

Waxaa dhinaca kale uu ka hadlay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Muxiyadiin Cali wargeys maanta kasoo baxay magaalada Muqdisho oo ku hadla afka maamulka gobolka Banaadir looguna magac daray CODKA BANAADIR kaasoo uu sidoo kale masuul ka yahay isla afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo in mudo ah kusoo jiray saxaafadda kana mid ahaa aasaasayaasha wargeyskii PANORAMA ee Muqdisho.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwan, yes a few hand grenades were launched and made some noise however due to the curfew no civilan was injured none killed.

This is a success no?

 

It will be easier to hunt down thugs, bandits and terror groups who hide behind the skirt of women and children.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bandowgii Xalay ka Hirgalay Muqdishow iyo Qaraxyadii ka dambeeyey.

 

 

Somaliweyn Media Center(SMC) Mog.23/6/07

 

 

 

Waxaa Saakay Aroornimadii Hore laga Qaaday bandowgii lagu soo Rogay magaalada Muqdishow bandowgaas oo aan la xaddidin muddada uu socondoono .Hirgalinta bandowgaas waxaa iska kaashaday Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaalia iyo Kuwa Itoobiya .

xalay oo ahayd habeeynkii ugu horreeyey oo bandoowgu bilaawdo waxaa dariiqyada waaweeyn oo xaafdaha magaalada Muqdishow ka kooban tahay Gaafwareegayey ciidamo si aad ah u hubaysan,waxaana laga bilaabo 7:dii fiidnomo Joogsaday Isku socodkii dadka iyo Gaadiidkaba .

Bandowgii lagu soo Rogay Caasimadda waxaa barbar socday Qaraxyo talantaali ahaa oo ka dhacayey qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdishow Sida Hodan iyo Huriwaa,wali ma cadda khasaaraha dhabta ah oo qaraxyadaasi gaysteen iyo in aay ahaayeen iyo in kale kuwo lala beegsanayey ciidamada bandowga Hirgalinayey.

Faahfaahinta Wararkaas waxaad helidoontaan marka aanu xog buuxa ka helno qaabka aay u dheceen iyo haddii dhimasho iyo dhaawac aay gaysteen

 

 

Somaliweyn Media Center

(SMC)Mogadishu /Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/fataax Shaaweeye:- “Waxaan xalay fashilinay dhowr qarax oo lagu carqalladayn lahaa Bandowga lagu soo rogay Magaalladda Muqdishu”

 

Mogadishu, Sabti, Juun 23, 2007

 

Guddoomiye-ku-xigeenka Maamulka Banaadir ee dhinaca Ammaanka, Md. C/fataax Cumar Shaaweey, ayaa shaaca ka qaaday inay Ciiddamadda Ammaanka ku guuleysteen inay fashiliyeen falal qarxyo ah oo ay Kooxaha wax qarxiya doonayeen inay ku carqalladeeyaan Deganaanshaha Guud ee Magaalladda Muqdishu.

 

Md. C/fataax Shaaweeye, ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu Saxaafadda kula hadlayey Xaruunta Maamulka Gobalka Banaadir, wuxuuna xusay inuu si wanaagsan ku hirgelay Amarkii DFKMGS bandowga ugu soo rogtay Magaalladda Muqdishu, inkastoo uu xusay inay Kooxihii wax tuuri jirey ay xalay bambooyin qarxiyeen.

 

Mar uu ka hadlayey goobihii ay xalay kooxahaasi qaraxyadda ka geysteen waxa uu sheegay inay bam ku tuureen Xaafadda Geed-jacayl, isla markaana ay miinooyin ku aaseen degaannadda Gubta iyo Degmadda Xamar-jajab, inkastoo ay Ciiddamadda kala furfureen miinooyinkaasi.

 

Dhinaca kale, Afhayeenka Warfaafinta ee Maamulka Gobalka Banaadir, Md. Maxamed Muxiyaddiin Cali, ayaa sheegay inuu Bandowga si fiican xalay uga dhaqan galay Magaalladda Muqdishu, kadib, markii ay Ciiddamadda Ammaanka iyo dadweynaha ku nool gobalka Banaadir iska kaashadeen sidii loo hirgelin lahaa Amarka Bandowga ee ka soo baxay Guddiga Ammaanka Qaranka iyo Maamulka Gobalka Banaadir.

 

Md. Maxamed Muxiyaddiin Cali, oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, waxa kaloo uu ka hadlay dhowr goobood oo miinooyin lagu aasay, balse ay Ciiddamadda Ammaanka kala furfureen, wuxuuna tusaale ahaan u soo qaatay Deegaanka Gubta iyo Degmadda Xamar-jajab oo lagu aasay miinooyin loo soo bandhigay Saxaafadda.

 

Afhayeenka Warfaafinta ee Maamulka Gobalka Banaadir, Md. Maxamed Muxiyaddiin Cali, ayaa waxaa uu saadaalin ku bixiyey inay maalmaha soo socda Magaalladda Muqdishu ku soo laaban doonto Ammaankii lagu yaqiinay Caasimadda Muqdishu.

 

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Habeenkii Labaad oo ah Caawa ayaa waxaa bilowday bandow lagu soo rogay Magaalada Muqdisho, iyadoo Ciidamada Police-ku ay bilaabaan in ay wareegaan wadooyinka Magaalada.

 

Hobyonet. Muqdisho Sabti, June, 23, 2007

 

Bandowgaasi oo bilowday Caawa 7:00 fiidnimo ayaa waxaa la shaaciyay inuu ku eg yahay 5 aroornimo. iyadoo amarkaan uu ka soo baxay Guddiga Amniga Qaranka.

 

Bandowgaasi ayaa si weyn looga dareemay xaafadaha Magaalada Muqdisho, iyadoo dadweynuhu ay ku sii qul qulayeen xaafadahooda.

 

Sidoo kale, Gaadiidka dadweynaha ayaa galabta ahaa mid cariiri ah oo dadweynuhu ugu diyaar garoobayeen sidii ay xaafadahooda ku gaari lahaayeen.

 

Bandowga waxuu sababay in goobaha ganacsiga xaafadaha la xiro , isla markaana masaajida ayaa laga Adimay goor hore si Salaada Cishaha looga soo hormariyo waqtigii la dukan jiray.

 

Bandowgaan oo ah habeenkii labaad oo laga dhaqangeliyo Magaalada ayaa waxaa amar ku bixiyay dowladda Federalka waana markii ugu horeysay oo muddo 16 sanno ah oo bandow lagu soo rogo Muqdisho.

 

Ahmad Dahir

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^At least the thugs who used to live on loot are now subdued. After 16 years the militias ofMogadishu have been tamed by this governemnt, the method matters not the ends is governemnt of Somalia arresting, executing criminals and giving legitimate folks theirland back.

Share this post


Link to post
Share on other sites

slow down homie...now u have raw meat eaters raping every innocent gal they see!

 

relax, the jig is up! uncle yeey will be going to addis pretty soon. hopefully, this time next yr.

 

hope u can send him some money to get the next liver transplant. good luck.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sharciyo adag oo ku aadan bandowga

24 Jun 24, 2007 - 7:43:06 PM

 

Ku simaha duqa magaalada Muqdisho Md. C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) isla markaana ka mid ah ku xigeenada duqa magaalada oo maanta shir Jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay kulan ay yeesheen guddiga nabadgelyada Qaranka, kaasoo looga hadlayay waxyaabaha ku soo kordhay xaaladaha magaalada Muqdisho.

 

Md. Firimbi waxa uu sheegay in bandowga saaran Muqdisho ay si wadajir ah u soo rogeen go'aankiisa guddiga nabadgelyada Qaranka, hase yeeshee fulintiisa waxa uu hoosta ka hariiqay in maamulka G/banaadir uu si gaar ah ugu xilsaaran yahay.

 

Md. Firimbi waxa uu intaasi ku daray in kulankaasi sidoo kale la soo hadal qa-aday qodobo sharci ah oo xadidaya ku xadgudubka bandowga, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay dhallinyarada Muqdisho oo uu tilmaamay suurtagalnimada burinta go'aanka bandowga inay sabab ka dhigtaan ayaa waxa uu si rasmi ah u shaaciyay in la ganaaxayo cidii ku xadgudubta wakhtiga bandowga, isla markaana la ganaaxayo lacag dhan 200,000 Sh.So., iyadoo cidii kharashka-asi bixin weysa muddo hal bil oo xabsi ah loogu bedeli doono, halka sidoo kalena uu sheegay in qofkii dembi lagu soo qabto loo gudbin doono dembi barista.

 

Ku simaha duqa Md. C/llaahi Xasan Ganey Firimbi waxa uu mar kale ugu baaqay qeybaha magaalada Muqdisho inay guryahooda ku ekaadaan isla mark-ana dhowraan awaamiirta dowladda ee ku aadan bandowga.

 

Shirka Jaraa'id ee Md. Firimbi ayaa ku soo aaday xilli magaalada Muqdisho ay bandow tahay muddo saddex habeen ah, kaasoo u muuqda inay dadweynaha u hoggaansameen isla markaana u arkeen mid qeyb weyn ka qaadanaya nabad ku soo dabaalida G/Banaadir.

 

Cali Muxiyaddiin, GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Isbadal ku yimid 48-kii saac ee la soo dhaafay xaalada magaalada Muqdisho

24. June 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Kaddib markii habeenimadii Jimcaha ee la soo dhaafay uu si rasmi ah dhammaan qeybaha magaalada Muqdisho uu uga dhaqan galay bandowgii ay soo rogeen guddiga nabadgelyada Qaranka ayaa waxaa la tilmaamayaa in dhammaan degmooyinka G/Banaadir laga dareemay dhaqdhaqaaq ciidan iyo howlgalo nabad sugid ah oo ay ka qeyb qaadanayeen qeybaha ciidamada Qaranka.

 

Inkastoo ay dhaceen falal qaraxyo aan waxyeelo geysan, kuwaasoo qaarkood fashilmay ayaa hadana waxaa la xaqiijinayaa in xaaladda nabadgelyada ee magaalada Muqdisho ay wax weyn iska bedeleen.

 

Wararku waxay intaa ku darayaan in marka la eego qaraxyada dhacay ay ahaayeen kuwo ka duwan qaraxyadii hore, iyadoo sida ay Saraakiisha ciidamada xaqiijinayaan walxaha qarxa ee la riday ay ahaayeen Bam gacmeedyo sida Bambada F1.

 

Waxaa intaa dheer iyadoo qasaarooyinka iyo waxyeelada qaraxyadaasi ay ahaayeen kuwo si gaar ah u waxyeeleeyay dadka rayidka ah, sida dhacdadii barqanimadii maanta Isgoyska Howlwadaag ka dhacday kaasoo ilaa saddex ruux oo rayid ah ay ku waxyeeloobeen.

 

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sharciyo adag uu maanta shaaciyay waxaa uu sii adkeynayaa bandowga saaran magaalada Muqdisho oo galay habeenkii sadaxad.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this