Jamster Posted May 29, 2005 Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Xasan Daahir Max’ud Iyo Wafti Uu Horkacayo Ayaa Maanta U Dhoofay Dalka Ethiopia. Warkii: May 28, 2005 Boosaaso(Radiossc.com):-Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Xasan Daahir iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka ka dhoofay Gagida Diyaaradaha ee Boosaaso,iyagoo ku sii jeeda Magaalo madaxda Dalka Ethiopia ee Addsi Ababa. Waftigan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Maaliyada ee Puntland Max’ed Cali Yuusuf (Gaagaab) iyo xubno kale,Waftigan ayaa waxa lagu wada inta ay joogaan Addis in ay la kulmaan Madaxda sar sare ee dalkaasi,iyadoo lagu wado in ay ka wada hadlaan sidii kor loogu sii qaadi lahaa Cilaaqada u dhaxeeya Ethiopia iyo Dawlada Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ,gaar ahaan dhinaca Ganacsiga.. Waftigan uu hogaaminayo Xasan Daahir ayaa ah waftigii ugu heerka sareyey ee taga dalka Ethiopia tan iyo markii isbadalka Siyaasadeed ka dhacay Puntland. Radiossc.com Quote Share this post Link to post Share on other sites