Thankful Posted October 14, 2009 Horseednet Waxaa todobaadkii labaad xabsi aan la aqoon lagu hayaa labo macalin oo wax ka dhigi jiray Dugsiyada ku yaal magaalada Bosaso iyo Jaamacada Bariga Afrika ee Bosaso. Macalin Cali Axmed Xuseen oo isagu wax ka dhigi jiray Iskoolka Sare ee Xamdaan ayey ciidamada Amniga kala baxeen isla iskuulka Xamadaan xili uu ku guda jiray hawshiisii macalinimo, waxaana macalimkan la sheegay in su’ aalo ay weydiinayaan ciidamada Amniga oo uu wehliyo Xeer illaaliyaha gobalka Bari, balse illaa iyo hada maamulka wax war ah kama soo saarin xariga macalimkan oo hada asbuucii labaad u galay inta lagu hayo goob aan la shaacin oo kamid ah Bosaso. Waxaa sidoo kale todobaadkan asaguna la xiray Maxamud Samatar oo isagu ka mida Shaqaalaha Jaamacada Bariga Afrika ee xaga maamulka, Mr.Samatar ayey kaxeysteen ciidamada Amniga ayagoo aan wax faah faahin ka bixin xariga ninkan labaad ee ka shaqeenayey Jaamacada Bariga Afrika ee Bosaso. Labada xarig ayaa la sheegay inay fuliyeen ciidamada Amniga iyo kuwa sirdoonka, waxaana la sheegay in labada goor ee lasoo qabanayey macalimiintan uu ciidamada la socday Xeer Illaaliyaha Guud ee gobalka Bari Axmed Taaran. Mar ay Horseed Media isku dayday inay la xariirto Saraakiisha Sare iyo Xeer Illaaliyaha si xog dheeri ah looga helo xariga raggan ayaan waxa jawaab ah laga bixin, ayadoo mas’ uuliyiintu ay diideen inay saxaafadda wax xog ah kasiiyaan arrimaha la xariira macalimiinta la xiray. Sharciga Puntland u yaal ayaa ah in dadka danbiga loo heysto muddo 48 gudahood ah Maxkamad lagu soo saaro, ayadoo lagu cadeenayo danbiyadooda, hase yeeshee xariga macalimiinta ayaa ah mid aan wax war ah aysan dowlada kasoo saarin, illaa iyo hada. Ehelada macalimiintan oo Horseed Media lasoo xariiray ayaa sheegay ineysan jirin wax danbi ah oo ay galeen balse ay rumeysan yihiin in xarigooda ay ka danbeeyaan sirdoonka Puntland. Dhawaan ayey Dowlada Puntland sheegtay inay soo rogeyso hawlgalo amniga lagu sugayo, walow aysan jirin shuruuc gaar ah oo ay kasoo saartay dadka lagu tuhmo arrimaha amni xumada in la heyn karo intii la doono, ayadoo ehelada macalimiintan oo si weyn looga yaqaan Puntland, ay sheegeen inay wel wel weyn ka qabaan xariga lala beegsaday, iyo jawaab la’aanta Maamulka. Waa markii ugu horeysay oo Puntland macalimiinta Dugsiyada qaab noocaan ah loo xiro ayadoo xiligan ay Puntland sheegtay inay ka feejignaan doonto falalka weerarada argagaxisada ama amniga wax u dhimi kara. Hase yeeshee marar badan oo hore ayey ka dhacday Puntland in dad aan danbi lagu helin balse lagu tuhmo oo kaliya arrimo aan la shaacin ay ciidamada Sirdoonka Puntland ay la tagaan, isla markaana qaarkood aanba lasoo taagin wax maxkamad ah, ayadoona horey u jireen dad la siidaayey xarig kadib markii wax danbi ah lagu waayey. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted October 14, 2009 Bosaso: “ Cid kasta oo laga shakiyo waa la qaban,ayadoon dhib iyo waxba loo geysan ayaan la baarayaa, hadii waxba lugu waayo waa la siidaynayaa” Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Amniga Puntland. 14. oktober 2009 Bosaso(AllPuntland)- Ciidamada Sirdoonka ee Puntland oo la xoojiyey bishii ugu dambeysay, galayna heegan sare markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay jiri karaan dad ka soo horjeeda amaanka Puntland, ayaa qaaday howlgalo ay uga soo horjeedaan qof kasta oo ka shaqeynaya amaan la’aan. Saraakiisha amaanka ayaa xaqiijiyey in ay qaban doonaan cid kasta oo ay ka shakiyaan, ayna marin doonaan wadada sharciga oo aysan cidna sharciga ka awood badneyn, waxaana warkan uu soo baxay markii ay ciidamada sirdoonka Puntland ee la yiraahdo PIS-ta qeybtooda magaalada Boosaaso ay soo xireen macalin ka tirsanaa sida ay sheegayaan wararku Jaamacadda Bariga Africa ee magaalada Boosaaso. Ciidamada ayaa soo qabtay Macalin Maxamuud Samatar oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacadda Bariga Africa, ayagoon waxba tafaasiil ah ka bixin, balse Wasaaradda Amniga ee Puntland ayaa sheegtay in ay sababtu tahay in qofkii laga shakiyo baaritaan la marinayo. Booliska magaalada Boosaaso iyo ciidamada kale ee Puntland ayaa su’aalo weydiinaya Maxamuud Samatar, ayagoo sheegay in looga shakisan yahay Samatar in uu xiriir la leeyihiin kooxaha ka dagaalamaya Koonfurta Soomaaliya, isla markaasna ay wax badan arrimahaasi ka ogaan doonaan. Saraakiisha Wasaaradda Amniga Puntland ee jooga magaalada Boosaaso ayaa ugu sheegay APL qaarkood khadka telfoonka, in qof kasta sharciga la marin doono, ayadoo lasii deyn doono hadii uusan qofna qalad laheyn, raali galin laga siin doono xarigii lugu sameeyey, hadii uusan dambi laheyn,hadii kale oo uu leeyahay dambina la marin doono. Dawladda Puntlanda ayaa todobaadkan magaalada Boosaaso ka soo saartay amaro xasaasi ah oo ku saabsan xaaladaha amaanka ee magaalooyinka Puntland, waxaana shaaciyey warkaasi Wasiirka Amniga Jeneraal C/laahi Siciid Samatar oo sheegay in ay ku dadaalayaan in qof kasta oo ay ka shakiyaan ay xarig la beegsan doonaan, ayna baaritaano marin doonaan. Hotelada iyo guryaha la kiraysanayo ayaa sidoo kale lugu soo rogay xukun adag oo ku aadan,in ay soo wargaliyaan goobaha amaan sugid ee ugu dhaw, si loohubiyo dadka laga kiraynayo ay noqon kuwa dhibaato ugeysta amaan deegaanada Puntland, ayadoo laga ficil qaadanayo qaraxyadii ka dhacay magaalada Boosaaso sannadkii hore, kuwaas oo sidii loogu talagalay aan uhirgalin, markii ay fashiliyeen ciidamada amaanku. F. C. Maxamed AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted October 14, 2009 Puntland is determined to streghten security and arrest and investigate anyone it feels is a threat to the stability of their region. If someone is found innocent they will be released free, if not they will be taken before the courts for further proceedings. Puntland is serious about streghtening security, Dr. Farole wasn't just joking around when he said security was one of his key policies. This is another act of the current administration showing that it will take on the security challenges facing the region and tackling it head-on. The security minister also declared the other day, the borders are being shut at galkacyo, noone can come into puntland anymore, which is another measure that the current admin is taking to streghten security. Quote Share this post Link to post Share on other sites