Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Sharif Hotel remarks, a man lost out of touch with TRUTH...

Recommended Posts

Muqdisho: Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in ay dowladdiisu guul-gaartay....Warb ixin ka hadleysa waxyaabihii uu ka hadlay oo dhan & Sida ay uarkayeen Mudanayaashu....

27. juli 2009

 

APL

Tool

 

Muqdisho(AllPuntland )- Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta baabuur qalifan, wuxuu ku tagay Xarunta maamulka gobalka Banaadir oo ah meel ay maanta iskugu tageen Xildhibaanada ku sugan magaalada Muqdisho ee magaalo Madaxda dalka Soomaaliya.

 

Shariif uu maanta hadalkiisan ku bilaabay dagaalka Muqdisho, isagoo wax yar kadibna lugu qaaday weerar culus oo Madaafiic loo adeegsaday sababteyna in uu ka baxo Xaruntaas si deg deg ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalka Muqdisho.

 

Shariif Sheekh Axmed ayaa usheegay Mudanayaashaas in uu wax badan ka qabtay xaalada dalka Soomaaliya, isagoo ka soo sheekeeyey dagaalo qaraar oo ay dowladdiisa lugu soo qaaday, sida uu sheegay qaarna ay qaaday ayadu, isagoo qiray in ay dagaalka guul ka gaareen.

 

" Ilaah Mahadiis cadowga naga soo horjeeda, waan jabiney waxaan ugeysan jabab xun-xun waad aragtaan meel xaalmaraya, waxaan gaarnay guul taaban karo, gobalo badan ayaan gaarsiineyn Maamulkeena"

Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

 

Mr. Shariif ayaa hadaladiisa qaarkood Mudanayaasha baarlamaanku ay ku sheegeen kuwa aan marnaba loo dulqaadan karin, ayadoo qaar ka mid ah Xildhibaanadan oo ka hadlay hoolkii shirka ay sheegeen in aysan dowladda Soomaaliya ka talin gobal iska daaye gudaha caasumada Soomaaliya oo dhan, isla markaasna ay maamusho Madaxtooyada iyo meelo kale oo ka mid ah goobaha ay joogaan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM layiraahdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kahadalka Ehlu Suna.

 

Shariif wuxuu mahad ujeediyey ciidamada Ehlu Suna Waljameeca oo uu sheegay in ay bilaabeen geedi dheer oo lugu raadinayo nabad ka dhacda dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in cid walboo la dagaalaysa mucaaradka hubeysan ee ka soo horjeeda ay soo dhaweynayaan.

 

" Mahad ayaan ucelin ciidamada Ehlu Suna oo bilaabay howl lugu raadinayo Qaranimadii Soomaaliyeed, waxaana ku boorinayaa in ay dagaalkii wadaan"

Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo umuuqanayay mid doonaya taageero uu ka helo Ururka Ehlu Suna oo ay siyaasad isku keentay dhawaan, balse horay aan isku mawqif uaheyn xiligii uu ku jiray maxkamadaha iyo Isbaheysigii Asmara.

 

Dagaalkii Baladweyne.

 

Madaxweynaha dowladda KMG ah ayaa sidoo kale soo qaaday dagaaladii ka dhacay magaalada Baladweyne, isagoo sheegay in uu dagaalkaas bilow cusub uyahay dagaalo baahsan oo ay gaarsiin doonaan buu yiri ciidamadiisu magaalooyinka uusan joogin dowladdiisu, isagoo balan ku qaaday in ay qaadi doonaan talaabo kasta oo arimahaasi ku aadan.

 

Wuxuu sheegay in ay dagaalkaasi la kaashan doonaan cid kasta oo taageeraysa maamulkiisa, taasoo shaki galisay Mudanayaal baarlamaan oo ka shakisan in hadalkaas loola jeedo in ciidamada dowladda Itoobiya lasoo galiyo gudaha Soomaaliya,taasoo oo ay ku sheegeen in loo baahan yahay in laga feejignaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhaqaalaha dibada & Beesha Caalamka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa cadeeyey in ay heleen Dhaqaale badan oo ay ka sugayeen beesha Caalamka, wuxuuna ugu baaqay wadamada aan wali dhaqaalihii ay balan qaadeen aan soo xareyn in ay deg deg ku soo gaarsiiyaan dowladda Soomaaliya dhaqaalahaasi oo uu sheegay in ay aad ugu baahan tahay.

 

" Waxaan dooneynaa dhaqaale waayo waxaa ku jirnaa xaalad qatar ah, waxaana la dagaalamaynaa Argagixiso ku soo duusay dalkeena Hooyo"

:D

Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo dhinacyada ladagaalamaya ay saaxiibo soo ahaayeen mudo dheer kadibna uu raacay dowladii uu ladagaalamayay.

 

AMISOM.

 

Madaxweynaha dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed wuxuu ku sheegay ciidamada AMISOM kuwa kaliya ee sugida amaanka madaxda dowladda Soomaaliya.

 

Isagoo aan waxba ka soo qaadin ciidamada dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay ciidamada AMISOM heleen dhaqaalihii ay ubaahnaayeen isla markaasna ay dhawaan bilaabi doonaan howlgalo wax looga qabanayo xaalada dalka Soomaaliya, taas oo ula jeeday amaanka in ay sugi doonaan.

 

Madaafiicdii lugu garaacay & Joojintii Khudbada.

 

Mr. Shariif ayay mucaaradyada hubeysan kaga argagax galiyeen Madaafiic culus markii uu jeedinayay Khudbada, taasoo keentay in Ilaaladii khaaska ah ay ku soo dhawadaan, isla markaasna ay Xoghaymihiisu usheegeen xaalada waxa dhacaya iyo talaabada ay qaadayaan, waxaana markiiba uu Shariif soo afmeeray Khudbadiisii, ka dibna wuxuu dib ugu laabtay Aqalka Madaxtooyada oo ay amaankiisa ilaaliyaan ciidamada AMISOM ee Midowga Africa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jawigii goobta.

 

Hadalka Shariif Sheekh Axmed oo ay Mudanayaashu umuuqdeen kuwa siyaabo kala gedisan udhageysanayay ayaa qaarkood ay uqorsheyneyd in ay su'aalo weydiiyaan, balse Mucaaradka dowladda ayaa taasi ka biyo diiday oo xaalada ka dhigay kala carar, waxaana aan la xirin fadhiga markii ay kala carareen Mudanayaashii baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya oo aad uga cabsaday xaalada meesha ka dhacday.

 

Mahan markii ugu horeysay oo sidan oo kale ay ku dhacdo Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, waxaana horay ay uga soo baxeen Xaruntii lugu qabtey Shirkii Dibu heshiisiinta ee degmada C/casiis ee caasumada Soomaaliya, markii lugu garaacay sidan oo kale Madaafiic argagax iyo baqdin ku beertay Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

He is not far from the truth. They have achieved victory in the sense of withstanding a coup. They have spread government influence through Ahlu Sunna and government forces in Beledweyne. You must remember, this government was intended to be a government that brings peace through negotiation. Thats why they lost so much ground in the first stages of the coup. They did not even have proper forces of their own, they relied on former MMI troops for protection who fought for individuals not a country. But now they for the first time have full direct control over Beledweyne and advancing, full indirect control over South Gaalkacyo and Galguduud plus have re-established Xooga Dalka Soomaaliyeed, with trained military and navy personnel equipped with military hardware. So in essence for a government that was intended to be a negotiation government to achieve all that which is outside it's original mandate is success.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its laughable that you belive in this hype. The Ahlu Sunna groups are a new faction and not part of Sharif. Thus you have a man who does not control a single region. Out of 18 not a single one.

 

As for the new army, it is hiding behind AMISOM who even transport him from Villa Somalia to the Airport.

 

No success, just hot talk. The courts militias of his as you have stated have been decimated and no longer exist, he is a clown and is a war with the truth itself. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this