Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The khusuusi is on the run

Recommended Posts

Kooxdii SSC oo galabta ka Carowday magaalada buuhoodle iyagoona uga baxay Cago Cadaan, iyo Garaad jamac garaad Cali oo saaxdheer gaadhay Caawa.

Posted: August 11/2010, 6:53 pm

 

Wararka aanu ka helayno magaalada buuhoodle galabta ayaa sheegaya in Goor gaaban galabtaasi ka Caraabeen buuhoodle kooxdii uu hogaamiyey saleebaan Ciise axmed(Xaglatoosiyey) Waxana buuhoodle ka tagay sida ay sheegaan Wararka laga helayo Buuhoodle Garaad jamac garaad cali xaglatoosiyey, cali sabaray, iyo dhamaan kooxdii ssc oo iyagu dhawaanahanba khilaaf xoogani soo kala dhexgalay.

 

 

Warka ayaana intaasi ku daraya in Kooxdaasi Caawa joogaan magaalada dharkayn geeyo halka uu garaad jamacna ku sii jeedo magaalada saaxdheer oo la sheegay inuu doonayo inuu halkaasi ku soomo.

 

 

Wararka ayaana intaasi ku daray in kooxdaasi Xaglatoosiyey gabi ahaanba doonayaa inay ka baxaan gudaha wadanka somalia kadib markii ay ku guuldarayseen hogaamintii loo igmaday, isla markaana soo kala dhexgalay khilaaf xoogan oo gaadhay halkii ugu saraysay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Waa wararka Gambad iyo shimbiraha with no source... I guess it's the wish of s/l sympathizers to see scc collapsed....

 

How about this news...

 

Sooljoogto(Jidbaale):-Waxaa degaanada hoos yimaada gobolka Cayn ilaa shalay ka bilowday qas lagu qafaalanayo gaadiid xamuul oo raran oo u kala gooshayey gobolada dalka Soomaaliya. Gawaadhidaa la qabsaday ayaa waxa ka mid ah laba shalay lagu qabsaday agagaarka magaalada Dandan iyo mid xalay lagu qabsaday magaalada Sooljoogto.

 

 

Qaskaa oo markii hore lagu eedeyey ciidamada hogaanka midnimada iyo badbaadada gobolada SSC ayaa hadan waxaa soo baxaya in ay ka danbeeyeen shikhsiyaad mucaarad ku ah hogaanka oo la cadaynayo in ay abaabuleen qaskan loogu talo galay in sucmada lagaga xumeeyo gobolada SSC.

 

Dadkaa abaabuley fidnadan una uruursaday ciidamo u fuliya arimahan siyaasadaysan ayaa waxa la sheegayaa in dabada ku hayaan maamulka Soomaalidiidka ah ee ka taliya magaalada Hargeysa oo ay ka soo qaateen mashruucan khalkhal lagu gelinayo goboladan SSC.

 

Arimahaa markii laga war helayna waxaa hogaanka gobolada SSC markiiba diray ciidamo loogu talo galay in ay soo afjaraan arimahan budhcadka ah ee ay soo abaabuleen dadka niceb midnimada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Waxaana hada gaadiidkaa lagu soo waramayaa in ay isugu jiraan wax gacanta lagu dhigay iyo wax budhcadii qafaalatay lagu horfadhiyo dagaalo goos goos ah oo ilaa shalay dhex marayey dadka gaadiidka qafaashay iyo ciidamada hogaanka kadib.

 

Waxaa kale oo lagu daba jiraa ama la doonayaa in dadka gobolka Cayn ku dhaqan la hor keeno ama loo cadeeyo dadkii arimahan ka danbeeyey ee ciidamadan budhcada ah agaasimay kuna bixiyey kharashka la doonayo in amaan xumo xaga gaadiidka ah lagu beero wadooyinka dhex mara gobolada SSC ee uu ka mid yahay gobolkan Cayn.

 

Shikhsiyaadkan sida hada wararku sheegayaan waa kuwo la garanayo magacyadooda iyo goobaha laga adeegsanayo ee ay ka soo qaateen mashruucan loogu talo galay in wax lagu yeelo sucmada dadka ku dhaqan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Waxii arintan ka soo hor yeesha iyo magacyada hantida ku bixinaya fidnada lagu hagardameynayo dadka masaafurka ahaba waxaanu isku deyeynaa in aanu idiinku soo gudbino sida ugu dhakhsaha badan ee ay nagu soo gaadhaan.

 

 

 

Source Buhodle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Koox kalle ayaa ka dhalatay buhoodle ba la sheegeyey oo babuur qabsaday oo khuusuusigi ka bacsaday buhoodle Jidbaale ku jirta lol

So Xaaji when you saw that info, you created this??

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

A khadar nimankan khsuusuusi diidka eeh buhoodla ka dhashay maxay ahayeen?

Siilaanyo waydii isagaa soo diraye..

Share this post


Link to post
Share on other sites

and Jidbaale Confirms this :

 

 

Wararka aanu ka helayno buuhoodle waxay noo xaqiijiyeen dhamaan ciidamadii SSC ee ku sugnaa gobolka Cayn, waxay haatan u soo guureen degmada Dharkayn- geenyo, halkaasi ayeyna ku sugnaan doonaan, ilaa inta ay isu diyaarinayaan sidii ay gacan bir ah ugu qaban lahaayeen dhamaan deegamada gacanta ugu jira maamulka jabhada SNM.

 

Sidoo kale waxay wararku intaasi ku darayaan madaxdii sare ee hogaanka SSC oo ay ka mid yihiin Dr Saleebaan Xaglotoosiye, ku xigeenkiisa, Baashe Cali Jaamac iyo Tamaad oo ay weheliyaan qaar ka mid ah madax dhaqameedyada sida Garaad Jaamac Garaad Cali iyo isimo.

 

Waxaana la soo sheegay inay dhamaan madax dhaqameedyadan iyo hogaankuba ay uga sii gudbeen dhinaca degmada Saaxdheer, oo lagu wado maalmaha soo socda inay kulan wada xaajood ku yeeshaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oodweyne I also like to add a 3th group who associate them self’s with pirate state they call them self’s the nsum group apparently they want to save the pirate state from its failure , recently they became biggest rival of the Khusuusi group they mainly operate outside Africa and are a diaspora group. I think we should hold more conferences with the elders and the traditional leaders specifically those from Buhoodle they seem like they want to talk they are not a fan of the garaads in buhoodle in particular and the ssc group in the hawd region, before the ssc group arrived in Buhoodle the traditional elders used to run the place.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kooxdii SSC oo ka baxay fadhiisimadii Buuhoodle iyo Agagaarka widhwidh una Guuray Dharkayn geenyo

Posted by admin on August 14th, 2010 No Comment YetPosted in: wararka

 

 

 

Buuhoodle(saraarnews) waxa noo suurta gashay in aanu helo waraysi xasaasi ah oo ku saabsan kooxda la baxday SSC oo kala daatay oo ay hayso dhibaato shidaal , raashin iyo daryeel la’aan kale, taas oo ay ku keliftay inay iskaga guuraan degaamadii Buuhoodle iyo dhalaame cune u dhowaa ee ay ku sugnaayeen. waxaana la sheegayaa in kooxdani fadhiisin rasmi ah ka dhigteen Dharkayn geenyo iyo Balicad, Waraysigan oo uu bixinayo taliye ka tirsan kooxdaas oo lagu magacaabo Jaamac Adan Askar (Jaamac dheere) halkan Ka dhagayso.

 

 

Listen to the wareysi

 

http://saraarnews.com/?p=3512

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Kooxdii SSC oo ka baxay fadhiisimadii Buuhoodle iyo Agagaarka widhwidh una Guuray Dharkayn geenyo

Posted by admin on August 14th, 2010 No Comment YetPosted in: wararka

 

 

 

Buuhoodle(saraarnews) waxa noo suurta gashay in aanu helo waraysi xasaasi ah oo ku saabsan kooxda la baxday SSC oo kala daatay oo ay hayso dhibaato shidaal , raashin iyo daryeel la’aan kale, taas oo ay ku keliftay inay iskaga guuraan degaamadii Buuhoodle iyo dhalaame cune u dhowaa ee ay ku sugnaayeen. waxaana la sheegayaa in kooxdani fadhiisin rasmi ah ka dhigteen Dharkayn geenyo iyo Balicad, Waraysigan oo uu bixinayo taliye ka tirsan kooxdaas oo lagu magacaabo Jaamac Adan Askar (Jaamac dheere) halkan Ka dhagayso.

 

 

Listen to the wareysi

 

:D:D:D I am fasting but honestly this is a laughable waraysi with unexisting taliye.. My best guess that men is from Saraar wherever that place is. How funny this is unknown man calls the so call Taliye ciidan then that taliye just tells him everything.. :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

You missed the point.. That is the fabrication of your news resource..

 

Anyway, the title of this topic is Khususi on the run: Here the actual news eventhough you won't be happy about it.

 

Masuuliyiintii Hogaanka SSC ayaa ku sugan fadhiisinkoodii horre ee Dharkayngeenyo, iyadoo halkaas ka socdaan shir balaadhan oo ay iskugu imaanayaan-

 

 

Hogaanka SSC iyo xubnaha Khusuusida ah ee dhawaanihii ugu danbeeyay deegaamadaas ku sugnaa.

 

Imaanshaha Hogaanka ee Dharkayngeenyo ayaa lagu macneeyay shir wada tashi iyo dhexdhexaadin ah oo halkaas ku dhexmaraya Hogaanka iyo xubnihii khusuusida ahaa ee khilaafku u dhexeeyay.

 

Waxaan lagu soo waramayaa in dhamaan laga heshiiyey oo xal loo helay khilaafkii dhex yaalay Hogaanka iyo Khusuusiga.

 

Waxaa la filayaa maalmaha soo socda in Hogaanka oo ay weheliyaan ciidamo ay halkaas kusii sugnaan doonaan inta laga dhamaystirayo wada xaajoodka xubnaha khusuusida iyo Hogaanka Sarre.

 

Dhexdhexaadintan ayaa sida la sheegay inay wadaan xubna badan oo ay kamid yihiin 3dii xubnood ee dhawan ka yimi baarlamanka Puntland,Cabdixamiid Garaad Jaamac iyo Cabdilaahi Cali Xirsi Timacade kuwaasoo waqtiyadii ugu danbeeyay ku sugnaa Buuhoodle isla markaana la shaqaynayay Hogaanka SSC.

 

Masuuliyiintii Hay'adaha kala duwan ee Hogaanka ayaa ku sugan deegaankaas Dherkayngeenyo marka laga reebo Dr:Cabdirashiid Barkhadle oo isagu ku hadhay Buuhoodle.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Hogaanka SSC ay damacsanyihiin inay isku fidiyaan deegaamada Nugaasha oo arrimahaasna halkaas lagaga tashanayo.

 

 

 

Wariye: Abdiqani I. Goox

admin@lasanod.com

Xafiiska Wararka Lasanod Online, Laascaanood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Jacaylbaro:

and Jidbaale Confirms this :

 

 

quote:

Wararka aanu ka helayno buuhoodle waxay noo xaqiijiyeen dhamaan ciidamadii SSC ee ku sugnaa gobolka Cayn, waxay haatan u soo guureen degmada Dharkayn- geenyo, halkaasi ayeyna ku sugnaan doonaan, ilaa inta ay isu diyaarinayaan sidii ay gacan bir ah ugu qaban lahaayeen dhamaan deegamada gacanta ugu jira maamulka jabhada SNM.

 

Sidoo kale waxay wararku intaasi ku darayaan madaxdii sare ee hogaanka SSC oo ay ka mid yihiin Dr Saleebaan Xaglotoosiye, ku xigeenkiisa, Baashe Cali Jaamac iyo Tamaad oo ay weheliyaan qaar ka mid ah madax dhaqameedyada sida Garaad Jaamac Garaad Cali iyo isimo.

 

Waxaana la soo sheegay inay dhamaan madax dhaqameedyadan iyo hogaankuba ay uga sii gudbeen dhinaca degmada Saaxdheer, oo lagu wado maalmaha soo socda inay kulan wada xaajood ku yeeshaan.

You can put the news as you wish but the fact stays on the ground like this:

 

 

Khilaafkii Dhexmaray Hogaanka Iyo Golaha Khusuusiga Oo La Soo Afjaray Dhagayso

Written by Jidbaale.com

Monday, 16 August 2010 10:36

 

Khilaaf lagu soo afjaray magaalada Dharkeyn oo dhexmaray Hogaanka sare Ee SSC iyo qaar ka mid ah khusuusiga halkan ka dhegeyso..

 

 

 

Waraysi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this