Sign in to follow this  
SOO MAAL

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in aan loo sheegi karin dadka sidiisa oo

Recommended Posts

SOO MAAL   

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in aan loo sheegi karin dadka sidiisa oo kale ilbaxa ah in hubkii magaalada Muqdisho laga saaray

 

"Ninkii ciidan meel geystay isagoo u hubeysan hadhow marka uu doono ayuu ku soo celin karaa, waxaana loo sheegayaa in hubkii magaalada laga saaray dadka aan wax ogeyne dadka anigoo kale ilbaxa ah waxaas looma sheego"

 

Isniin, May 23, 2005(HOL)@20:30GMT: Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo haatan magaalada London ee dalka Ingiriiska u jooga hubinta caafimaadkiisa guud ahaan, gaar ahaan Beer lagu rakibay sanadkii 1996-kii ayaa shaaca ka qaaday in aaney waxba ka jirin warar horay u soo baxay oo sheegayay in qalliin lagu sameeyay, isla markaana uu caafimaadkiisa wanaagsaneyn.

 

Madaxweynaha oo u waramayay Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa mar wax laga weydiiyay sida uu u arko maleeshiyooyinka iyo hubka ay magaalada ka saareen xubno ka tirsan Dowladda Federaalka waxa uu sheegay in aan loo baahneyn hub magaalada laga saaray balse loo baahan yahay in ay hubka dhigaan "Hubka magaalada ayaa laga saaray hadal maahee hubka in la dhigo ayaa loo baahan yahay oo gacan aamin ahna lagu wareejiyo"ayuuna yiri madaxweynaha oo ku faanay in aan loo sheegi kari dadka sidiisa oo kale ilbaxa ah in hubkii oo ay weli gacanta ku hayaan hoggaamiyayaashii lahaa in laga saaray magaalada, "Ninkii ciidan meel geystay isagoo u hubeysan hadhow marka uu doono ayuu ku soo celin karaa, waxaana loo sheegayaa in hubkii magaalada laga saaray dadka aan wax ogeyne dadka anigoo kale ilbaxa ah waxaas looma sheego" ayuuna hadalkiisa sii raaciyay.

 

Dowladdu waxay sheegtay in ay degeyso Jowhar iyo Baydhabo, xubnaha Baarlamaanka qaarkoodna waxay leeyihiin goaankaas ka soo baxay baarlamaanka looma dhameyn oo xitaa guddoomiyihii waa ka maqnaa, marka arrintaas maxaad ku daweyneysaan ayay ahayd suaal kale oo madaxweynaha la weydiiyay, wuxuuna ku jawaabay "Guddoomiyuhu xubin buu ka yahay baalamaanka, guddoonka marka uu joogo isaga ayaa leh, balse marka uu maqan yahay guddoomiye ku xigeenka ayaa shirka guddoominaya, haddii ay labadooda wada maqan yihiina baarlamaanka ayaa fadhiisanaya waxa ay aqlabiyaddiisa isku raacaan ayaana sharci ah, aqlabiyadiina waxay isku raacday in dowladdu ay ku sii hakato Baydhabo iyo Jowhar, Xamarna xafiis laga furo, kadib marka ammaanka Muqdisho hagaagana ay dowladdu dhammaantood u wada guurto".

 

"Aniga waxay ila tahay dad aan xasilooni rabin, nabadna rabin waa iska jiraan, waxaana arrintaas ka masuul ah dadka sidaas u fekeraya, aniga oo kale ka masuul maahi, aqlabiyadda baarlamaanka ka masuul maaha, aqlabiyadda golaha wasiirrada ka masuul maaha, waxaanu dooneynaa in Soomaaliya si dhab ah wax looga qabto oo markaasina sidey ahaan jirtay laga dhigo"ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo ka jawaabcelinayay suaal ahayd sababta aaney wax uga qaban dowladda Federaalka dib u heshiisiintii loo soo doortay.

 

Waa kuwee kuwa aan nabadda rabin, caddee Md. Madaxweyne ayay ahayd suaal kale oo la weydiiyay, wuxuuna ku jawaabay "ma caddeyn bey u baahan tahay waa loo jeedaaye, Guddoomiye baarlamaanoo inta Baarlamaankiisii ka tegay nin marti u ah oo Dayniile la fadhiya miyaa caddeyn u baahan waa loo jeedaa waxa uu ku dhex jiree".

 

"Guddoomiyaha haddii uu i eedeynayo dad baa nala jooga oo arrinta aan isku heyno garsoor ka noqon kara, Shakhsiyaddiisa wax ka sheegi maayo laakin anigu waan arkaa in ay siyaasaddiisu qaldan tahay oo waan u jeedaa"ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynaha oo ka jawaabayay sida uu u arkay eedeyn uu horay ugu soo jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka oo ahayd in uu doonayo in uu isku fuuqsado awoodaha masuuliyiinta sare ee dowladda.

 

Baydhabo hadda waa la isku heystaa, xiisad baana ka taagan, markaa sidee bey suurtagal ku noqoneysaa Md. Madaxweyne in ay dowladdu sii degto ayay suaal kale oo la hordhigay madaxweynaha, wuxuuna ku jawaabay "Baydhabo la iskuma heysan karo, waa magaalo Soomaaliyeed, Soomaaliduna ma kala xigto dowladduna waa tegeysaa adeer haddii alle idmo".

 

Adiga oo madaxweynihii ah iyo Raiisal Wasaaraha ayaa la idinku eedeynayaa in aad dooneysaa in Nairobi aad waqti dheer iska sii joogtaan, isla markaana aad soo wadataan dowlado ay Itoobiya ka mid tahay oo Soomaaliyana cadaawad kala dhaxeyso arrintaas maxaad ka leedahay ayaa hadana la weydiiyay Madaxweynaha "Adeer nin Dayniile ama Hotelka Saxafi ku xiran hadalkiisa wax ka soo qaad ma leh, maba ahan nin xor ah"ayuuna suaashaas kaga jawaabay.

 

Madaxweyne Yuusuf wuxuu sheegay in dhibaatada Xamar wax looga qaban karo in dadka la heshiisiiyo, isla markaana ay iyagoo raali ah iska dhigaan hubka, haddii aysan hubka iska dhiganna aysan weligood nabad heli doonin, qarannimana heli doonin, dhibkana ay ku jirayaan, isagoo shacabka Soomaaliyeedna ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan dowladda oo dalka soo degeysa dhowaan, isla markaana ay dadka Muqdisho oo uu si gaar ah ula hadlay ka leexdaan dadka shidada wada oo ayna taageeraan dadka midnimada wanaaga iyo qarannimada ka shaqeynaya.

 

Intaas kadib ayay isla Idaacaddan wareysi la yeelatay wasiirka Amniga Qaranka Md. Maxamed Qanyare, kaasi oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo wareysigii uu bixiyay madaxweynaha wuxuuna Qanyare arrintaas ka yiri "hadalka ka soo yeeray madaxweynaha ma ahan hadal uu nin weyn ku hadlo, si ay ka noqotayna ma aqaano hayeeshee waxaan leeyahay alle ha caafiyo hana soo uruuriyo".

 

Maxamed Qanyare waxaa si gaar ah uga kululaaday hadalkii uu madaxweynaha ku weeraray guddoomiyaha baarlamaanka ee ahaa in uu Dayniile nin la joogo oo uusan xor ahayn, wuxuuna arrintaas kaga jawaabay Qanyare " Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu joogaa Muqdisho oo aan laga xigin, waxaase is-weydiin leh haddii uusan Dayniile joogin guddoomiyaha Baarlamaanka ma wuxuu joogi lahaa Gaalkacyo Waqooyigeeda".

 

Wasiirka Amniga Qaranka, Maxamed Qanyare waxaa uu difaacay howsha ay xubnaha labada gole ka wadaan magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in ay arrintaasi meel wanaagsan mareyso, isla markaana aysan jirin cid ay uga heybeysanayaan in ay wax ka qabtaan nabadgelyo darrada ka jirta magaalada Muqdisho.

 

Si kastaba Arrintu ha ahaatee wareysiyadan lidka isku ah ee ay kala bixiyeen Madaxweynaha iyo Wasiirka Amniga ayaa waxay bannaanka u soo saareen bidhaan ah in khilaafka u dhaxeeya xubnaha labada gole ee dowladda Federaalka uu salka ku hayo Maxamed Qanyare iyo C/llaahi Yuusuf waayo wareysiyadooda ayaa ahaa kuwo ay si shakhsi isugu weerarayeen, waxaana la moodaa in labada masuul khilaafkooda loo aaneynayo ballamo ay wada galeen xiligii doorashada oo ay isaga baxeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by SOO MAAL:

"Ninkii ciidan meel geystay isagoo u hubeysan hadhow marka uu doono ayuu ku soo celin karaa, waxaana loo sheegayaa in hubkii magaalada laga saaray dadka aan wax ogeyne dadka anigoo kale ilbaxa ah waxaas looma sheego"

Waxaad uu sheegta 'odeyga jahiilka ah' inta uu nin reer Pukeland ah oo hub heysto nin reer Xamar ah oo uu dhibaya hubkiisa cidama ajanabi ma jirto mana dhaceyso. Only and when he realises that would he come to his senses.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this