Sign in to follow this  
General Duke

BALCAD meeting warning.....

Recommended Posts

Bayaan

 

Ku: Mudane Muuse Suudi Yalaxow Wasiirka Ganacsiga

Ku: Mudane Maxamed Qanyare Afrax Wasiirka Amniga Qaranka

Ku: Mudanae Barre Aden Shire Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta

Ku: Mudane Cisman Xasan Cali Caato wasiirka Hawlaha guud

Ku: Mudane Cumar Maxamed Filish Wasiirka Awqaafta

Ku: Mudane Bootaan Ciise Calim Wasirka Dhaqan celinta

Ku: Mudane Maxamed Ibrahim Xaabsade- Xildhibaan

Ku: Sheekh Yusuf Indhacadde

Og: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed

Og: Wasiirka Koowaad ee Jamhuuriyada Mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi

Og: Guddoomiyaha Baarlamanka FKMG Shariif Xasan Sheekh Aden

Og: Dhammaan Beelaha Soomaaliyeed ee aan dhaqan iyo dhalasho wadaagno

 

Ujeeddo: Bayaan iyo Digniin ka dhan ah shirka Balcad la sheegay in lagu qabanayo

 

Hadddii aannu nahay Beesha (qabiil) waxaan intii muddo ahba ka

dhursugeynay in la helo qaran Soomaliyeed oo difaaci kara danaha ummadda guud ahaan, gaar ahaanna inta dulman isla markaana keni kara kala dambeyn lagu kala badbaado. Waxaan aaminsaneyn in ay beeluhu wada noolaan karaan haddii ay ku dhaqmaayaan is-qaddarin, wada shaqeeyn iyo wada noolaansho ku dhisan sinnaan caddaalad iyo kala dambeyn.

 

Nasiib darro, dadku mawada arkin ilbaxnimada qadiimka ah ee ay beeshu hiddo iyo dhaqanka u leedahay taasoo aad ka dhadhansan karto naaneysteeda quraxda badan ee ah “MATAAN IYO MUGGIISâ€. Magacaas taariikhiga ah waxay beeshu ku kasbatay dhaqan wanaageeda iyo martigelinta iyo maamuuska dadka soo muta maganteeda oo ku saleysan diinteenna xaniifka ah. Inkastoo aysan taariikhdu waxba ka tegi doonin, waxay beeshu dareentay in la soo garay xelli ay beeshu difaacdo danaheeda, dadkeeda, iyo deegaankeedaba taasoo ah waajib dadnimo iyo diiniba ah.

 

Ma ogolaan karro gardarro, quursi iyo wixi la mida mana rabno inaan ridno xabbaddii ugu horreysay ee dhalisa dagaal si run ah faraha looga gudbto haddiiba laga maarmi karo ee waxaan rabnaa in uu garaadku taliyo lana garto xuquuqda iyo karaamada ay beeshu leedahay lana ammaan geliyo.

 

Haddaba waxaan mudanayaasha Beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed u sheeegeynaa in aan sharaf iyo qiimeyn u haayno dhammaantood oo aanaanna jecleyn in aanan iska hor imaanno.

Sidaas darted waxaan ka digeeynaa:

 

· In Balcad lagu qabto shirka la shaaciyay uu horseedka ka yahay Mudane Muuse Suudi Yalaxow.

· In mudanayaasha sharafta leh ee Beelaha kale aan khater la gelin.

· In beelaha ay mudanayaashaan ka soo jeedaan ay gartaan halka aan ka

· taaganay shirkan.

· In beelaha Somaliyeed ay ogaadaan in ay noo simman yihiin oo aysan jirin beel ay colaad gaar ahi naga dhaxeeyso.

· Inaanan mas uul ka noqoneeynin wixi ka yimaada oo dhibaato ah.

 

Waxaan si buuxda u caddeyneynaa:

 

Inaan aaminsanahay in nidaam iyo dawlad loo baahan yahay, wax kastana lagu dhammeeyn karo wada hadal laguna wada noolaan karo is ixtiraam, wada shaqeeyn, sinnaan iyo caddaalad.

Ugu dambeyntii waxaan Mudane Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxow u sheegeynaa in uu isaga mas’uuliyadeeda leeyahay dhibaatadii halkaa ka bilaabata oo runtii noqon karta mid aan baaxaddeeda la maleysan karin. Beesha maaaha beel ku degdegta dagaal, hasa yeshee kama waaban karto dhibaato ku soo fuul leh mushatamaceeda, sidaas ayaana ka rajeyneynaa in uu nala fahmo Xaaji Muuse.

 

Waxaana ka rajeyneynaa in uu si fiican uga fiirsado, haddiise ay wax ka khaldameen uu si daacadnimo, walaaltinimo, iyo ehelnimo leh uu u xalliyo isagoo moogeyn inaan nahay dad wada dhashay oo ul iyo diirkeed ah.

 

Bayaankaan wuxuu daba joogaa bayaankii Jawhar ka soo baxay.

_______________

 

Generalka, please, no explicit qabiil names.

 

[ September 25, 2005, 01:43: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this