Sign in to follow this  
Cige

Gratitude - Eriterea Abaal nooma gelin intii aan la joognay.. Cumar xaashi

Recommended Posts

Cige   

Col. Cumar Xaashi oo intaa ku daray ineysan jirin in Eritreya ay abaal u gashay intii ay joogeen magaalada Asmara ee halkaasi ay ku aasaaseen isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee ka horjeeday ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladii hore.

 

Wasiirka Amniga Qaranka ee DF oo Dowladda Eritreya ku eedeeyey iney hub ku socda mucaaradka soo gelisay dalka Somalia

 

Col. Cumar Xaashi Aadan oo ah wasiirka amniga Qaranka ee xukuumada federaalka Soomaaliya oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey Dowladda Eritreya in maaalmihii ugu dambeeyey ay hub sharci daro ah soo gelisay dalka Somalia.

 

Wasiirka ayaa intaa ku daray in hubkaasi oo dayuurado lagu soo qaaday sida uu sheegay laga soo dejiyey garoonka dayuuradaha bali doogle ee gobolla Sh/hoose, maalintii Jimcaha ee ina dhaaftay iyo maalmihii ka horeeyey, kaasoo uu sheegay inuu ku socday mid ka mid ah kooxaha ka horjeeda DF sida uu warka u dhigay taasoo hase ahatee uu ka gaabsaday magaca kooxda ay yihiin.

 

“Waxaa nasiib daro ah in dowladda Eritreya oo sheegan jirtay in madax banaanideeda iyo qaranimadeeda ay suurta gelisay taageeradii ay ka heleen shacabka Soomaaliyeed, kuna andacoon jirtay iney aad ugu farxi laheyn Soomaalia oo Qaran dhisan ah ay maanta u tafaxeydatay iney carqaladeyso nabada Soomaaliya soona geliso dalka hub ay isku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed waana Dowlada kaliya ee ka horjeeda dowladda soomaaliya caalamka guud ahaan” ayuu yiri Col. Cumar Xaashi oo intaa ku daray ineysan jirin in Eritreya ay abaal u gashay intii ay joogeen magaalada Asmara ee halkaasi ay ku aasaaseen isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee ka horjeeday ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladii hore.

 

Waa markii ugu horeysay ee dowladda cusub ee ee Soomaalia ay eedeeyn noocan ah dusha uga tuurto Dowladda Eritreya tan iyo itii lagu soo dhisay dowladda magaalada Jabuuti, mana jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya ama beenninaya eedeynta wasiirka Amniga

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this