Sign in to follow this  
Paragon

Boosaaso: 60 arrested for being Southerners

Recommended Posts

Paragon   

Dad lagu xirxirey Bosaso

22 Dec 22, 2006, 10:59

 

Ugu yaraan 60 qof oo shacab ah oo u dhashay Goboladda Koonfureed ee Somalia ayey ciidamada Booliiska Puntland ka qabteen magaalada Bosaso.

 

Mar wax laga weydiiyey taliye ku-xigeenka ciidanka Booliiska sababta dadkaas loo qabtay ayuu sheegay ay amniga sugayaan, laguna qabtay hawl-gal amni sugid ah.

 

Sidoo kale, Taliyuhu wuxuu sheegay in dadkaan lagu celin doono Goboladda Koonfureed ayna gaarsiin doonaan magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

 

Dad xogogaal ah oo aan khadka taleefoonka kula xiriiray ayaa noo sheegay in Maxaabiista markii xabsiga la geeyey laga xiiray Timaha, taas oo aan la aqoon sababte keentay.

 

Ma jirto wax dambi ah oo ay ciidamada Booliisku ilaa iyo hadda ku soo eedeeyeen dadkaan laga qabtey suuqyada magaalada Bosaso.

 

Axmad Maxamad, Garoweonline

Share this post


Link to post
Share on other sites

Do you have other sources Paragon.

 

dadkaan lagu celin doono Goboladda Koonfureed ayna gaarsiin doonaan magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Amazing. A Somali is being deported from Somali land. Reer Puntland should seriously look at the actions of those that rule the land.Complacency in the face of injustice mounts to an endorsement.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^Yes Che. Here is PuntlandPost's take on it adding 10 to the count of the arrested:

 

BOOSAASO : 70 Dhalinyaro ah oo looga shakiyay falal-burcadnimo ah oo ka yimid Koonfurta dalka oo Ciidanka Booliska ay gacanta ku dhigeen

Posted to the Web Dec 22, 17:41

 

Boosaaso:-Taliyekuxigeenka Ciidanka Booliska Puntland G/sare C/casiis Siciid Gacameey ayaa sheegay in Ciidanka Kaantaroolka ay maanta qabteen in ka badan 70 dhalinyaro ah oo u ku tilmaamay kuwo tababar oo doonaya in ay khal-khal galiyaan ammaanka gobolka.

 

Taliyekuxigeenku wuxuu sheegay in ay dhalinyaradaani ay yihiin kuwo tababaran oo ka yimid Koonfurta islamarkaasna doonaya waa siduu hadalka u dhigaye in ay fowdo iyo qas ka sameeyaan magaalada Boosaaso si la mid ah qaska ka socda Koonfurda dalka.

 

“Shaki anaga noogama jiro in ay yihiin dhalinyaradaani kuwo fowda-wadayaal ah , maxaa yeelay cidkastaaba waa garankartaa dhalinyaro tiradaas le’eg oo hal-gaari la wada socda maxay yihiinb danaha ay leeyihiin ? , anaa iskujawaabaya waa in ay dhibaato ammaan-xumo sameeyaan ayuu yiri”.

 

G/sare wuxuu sheegay in aysan iminka diyaar u ahayn in ay xabisaan balse ay si dhakhso ah ay dib ugu celinayaan deegaamaadi ay ka yimaadeen.

 

Dhalinyaradan oo ah kuwo aad u da’yar ayaa oo wax laga waydiiyay ujeedada safarkooda Boosaaso ayaa qaarkood waxay sheegeen in ay doonayaan in Tahriibaan halka qaar kalana ay sheegeen in ay shaqooyin u soo raadsadeen magaalada Xeebta ah ee Boosaaso.

 

Maamulka Puntland ayaa inta badan dib u celiya dad ay sheegeen in ay uga shakiyeen in ay doonayaan in ay fuliyaan falal-burcadnimo , ku waa soo ay sheegeen in laga soo diray Koonfurta dalka islamarkaasn aad u tababara.

 

 

Axmed C/salaam

 

Garoowe , Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this