Sign in to follow this  
General Duke

Cade Gaboow [Mayor of Xamar] 'Courts betrayed us'

Recommended Posts

Gud. Gobolka Banaadir: Afganbiga Maxaakimta u dul qaadan mayno

 

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisjho Maxamuud Xasan Cali Cade (Gaaboow) ayaa aad uga qeyliyay qaabka ay wax ku wadaan Maxaakimta islaamiga ee dhawaan qabsaday Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mida Gobolada dalka.

Cadde Gaaboow oo uu garabkiisa midig fadhiyay Md. Totow ayaa waxaa uu ku eedeeyay Maxaakimta islaamigu in ay Afduubeen lana wareegeen guushii ka dhalatay Kacdoonkii shacabka oo uu sida uu sheegay qeyb ka ahaa kacdoonkaas.

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlayay in guushii ay la gadoomeen maxaakimta oo Gobolkii iyo maamulkiiba laga qadiyay ayaa waxaa uu yiri â€Xaqiiqda kacdoonka maxaakimta iyo Gobolka Banaadir waa isla socdeen Dagalka waa isla galeen laakiin markii guusha la gaaray ayaa waxaa soo if baxaya kacdoonkii oo labo kacleeynaya, taariikhada hadaan dib ugu noqonana kacdoon aan hor kacno oo nalaku inqilaabo ama nalaku dilo naguma cusba marka saas daraadeed dadweynahaan rabaa iney ogaadaan kacdoonka yaa xaq u leh yaasan u lahaynâ€.

 

Duqa Magaalada oo arrinta sidey u socoto aad ula fajacsan oo tilmamaya inaan looga baahnayn Maxaakimta islaamiga iney ictiraafaan ayaa yiri “Horta sideedaba Maxaakimta Islaamiga, gobolka Banaadir aqoonsi loogama rabo. barkee labo isla socoto oo dagaalka isla galay ayaan ahaynâ€.

 

Isagoo sababeynayay waxa ay mar hore la kici waayeen oo ay ujeedooyinkooda u cadeysan waayeen ayuu wuxuu yiri “Dadweynaha ayaa laga dhowrayey isqabqabsiâ€.

 

Guulaha la gaaray oo ay ka mid tahay furida garoonka diyaaradaha iyo dekada ayaa waxaa uu tilmaamay ineysan kaligood guusha keenin waxaana uu yiri “16 sanno ka dib dakada furan garoonka iyo nabadaan waa la wada keenay cid gooni u keentayna ma jirtoâ€.

 

Isagoo dhaliilsan Madaxda maxaakimta firkaradaha ay idaacadaha ka sheegaan ee khuseeya ayaa waxaa uu yiri “Waxaan ka xumaahay masuuliyaanta qaarkood oo idaacadaha ka maqleyno ee cusub iney noo keeneen Doofaar iyo Eey, ayaa isku haysta magaalada waa kalmad aan laysku cafineyne ilaa meel la saaro ,yaa waaya ma murasade iyo ******aa ma habar gidir iyo ******aa waxaan rabnaa cadeynâ€.

 

Waxaana carabka uu ku adkeeyay in uu hormuud ka ahaa Kacdoonkii ka dhacay magaalada muqdisho iyo isbadalkii dhacay ayaa waxaa uu yiri “Isbadelka aad ayuu wanaagsan yahay waana wada keenay cid gooni u lehna ma jirto waana ka qeyb qaadanay, horseed ayaana ka ahayn dadka qaar ee hadlayana anaaba uga horeeyay, sida Yuusuf Indha cade uu u sheegay Maadaama uu kacdoonkahooyo u haay aingana abti iyo adeer ayaan u ahay ee yaan laysku xad gudbin dadka dariishada ka soo galayna tartiibsada ayaan leeyahayâ€.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa walaac laga muujinayaa in xaalada amaanka ay ku soo kordheen dilal dhacay, waxaana soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Maamulkii Gobolka Banaadir ee Dowlada Ku meel gaarka ay soo dhistay, iyo Maxaakimta islaamiga, iyadoo maxaakimtu maamulna dhisin quursanayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this