Liqaye Posted May 16, 2004 Guddoomiyaha midowga ganacsatada gobolka Banaadir oo galabta guddoomin doona fadhi ay yeelanayaan ganacsatada ka soo kala jeeda beelaha ay ka dhasheen Muqdisho Guddoomiyaha midowga ganacsatada gobolka Banaadir Max’ud C/kariin Cali (Gabeyre) oo xubin ka ah guddi nabdeyn ah oo uu dhawaan ku dhawaaqay Imaamka beelaha Hiraab Imaam Max’ud Imaam Cumar ayaa lagu wadaa in uu galabta guddoomiyo fadhi ay ku yeelanayaan Waqooyiga Muqdisho ganacsatada beelaha Warsangali iyo Wacbuudhan oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka ka soo cusbnooday deegaano ka tirsan Waqooyiga Muqdisho. Warkaan oo aanu ka soo xiganay idaacadda Horn Afrik ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayey idaacaddu sheegtay in ganacsatadu kaga hadli doonaan sidii wax looga qaban lahaa xiisadda soo kala dhex gashay dhinacyada walaalaha ah ee ka soo jeeda beesha Mudulood. Guddoomiye Gabeyre oo xubin ka ah guddiga nabadeynta ee xallinta dagaalka u dhaxeeya dhinacyadaasi ayaa sheegay in dagaal uusan wax faa’iido ah u laheyn shacabka, isla markaana loo baahan yahay in lala yimaado ALLE ka cabsi, lagana digtoonaado wax kasta oo abuuri kara xiisad colaadeed, wuxuuna guddoomiyaha midowga ganacsatada gobolka Banaadir ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Waqooyiga Muqdisho in ay khilaafaadkooda ku dhameeyaan wada hadal una turaan shacabka danyarta ah ee horey u soo daashaday dagaalada sokeeye, isaga oo xusay in magaalo madaxda Muqdisho ay maanta u baahan tahay nabadgalyo iyo xasilooni, balse aysan u baahneyn colaad hurin iyo dagaal. Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted May 16, 2004 ^^^It's nothing you don't do. :rolleyes: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted May 17, 2004 wow slow down boys, before this goes down south let me atleast clarify. I thought that the automatic posting censor was going to take care of the qabiil names in the post. Secondly i posted the article because of the potential for peace it conveys. Waryaa jamacow i told you to watch and learn before bouncing into topics like that. Just a little advise from a guy who aint going to watch you do it again :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites