Sign in to follow this  
Suldaanka

Radio Hargeisa oo Dhawaan Dalka oo dhan laga dhagaysan doono

Recommended Posts

ax.JPG

 

Madxweyne Ku Xigenka JSL Sheekh Axmed Yusuf Yasin Oo Dhagax Dhigey Dhismaha Idacda Cusub

 

 

HARGEYSA SOMALILAND

 

"waxaan ugu bushaaraynayaa Bulshada Somaliland , Kollay ilaa Ishu qabato Malaha rumaysan maayaane, waxaan leeyahay waa waaqaci oo Idaacadii way timid dalkeenana way wada gaadhi doontaa"

 

 

Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , ayaa maanta dhagax dhigay dhisme la dhigayo War laliyaha Idaacada cusub ee Somaliland, kaasi oo laga dhisayo Xarunta Idaacada Raadyow Hargeysa ee Magaalada Hargeysa..

 

Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadal ka jeediyay dhagax dhigii Warlaliyahaa cusub ayaa sheegay in dhagax dhigani uu xaqiijinayo inay xukuumadu ka run sheegayso Ballan qaadkeedii ahaa in ay keenayso Idaacad dalka oo dhan wada gaadha.

 

Waxa uu ka waramay Sooyaalkii Taariikheed ee Wakhtiyadii hore wararka la isugu gudbin jireen iyo wakhtigan aalada casriga ah ee warka laysku gaadhsiiyo.

‘’Inaga waxa Madaxa inaga qabsaday BBC-da markaa bal inagu horta aynu culayska saarno sidii aynu dadkeena ugu heli lahayn Idaacad dalka wada gaadha oo aynu kaga maarano BBC-da,. Sidaa daraadeed waxaan ugu bushaaraynayaa Bulshada Somaliland , Kollay ilaa Ishu qabato Malaha rumaysan maayaane, waxaan leeyahay waa waaqaci oo Idaacadii way timid dalkeenana way wada gaadhi doontaa’’.ayuu yidhi. Madaxweynekuxigeenku.

 

Waxaanu intaa sii raaciyay; ‘’Dawladi haddayna Idaacad haysan dalkeeda ma maamuli karto oo shuruucda soo baxdama fidin karto, Insha allaa waxaan filayaa iyadana waxa ku xigi doonta Idaacadii Maqalka iyo Muuqaalka oo Warlaliyayaashii la keeni doono oo gobollada lagu xidhi doono, waxaan leeyahay Idaacadani waxay noqon doontaa mid ummada u dhaxaysa , waxaanan leeyahay Xisbiyada Mucaaridka waxba ha ka boodina waxaanay noqon doontaa Idaacad ummadu leedahay , xisbiyaduna ay ka midaysan yihiin oo laga wada hadlo, laakiin looga hadlo qaab Anshax’’.

 

Isagoo Madaxweyne ku xigeenku shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta iyo dadweynaha la hadlayana waxa uu yidhi ‘’Waxaan ummada u soo jeedinayaa iyo shaqaalahan Maanta jooga Idaacada heegan u wada noqda , ka wada shaqeeya waa wax ummadu leedahay maaha mid ay leeyihiin Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin’’.

 

Madaxweyne ku xigeenku isagoo la hadlaya Wasiirka Warfaafinta , una Mahad naqay Wasiirkii hore ee Warfaafinta waxa uu yidhi ‘’Wasiirkii hore ee Warfaafinta C/laahi Maxamed Ducaale aad buu u dedaalay oo uga shaqeeyay keenista Idaacadan cusub, waanan u mahad naqayaa , Wasiirkan ka dambeeyay ee Axmed X. Daahir –na waxaan leeyahay adna inta dambe Markaad Idaacada hinjiso (Dhamaystirto) ayaanu kuu Mahad naqaynaa’’.

 

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale ooh ore u ahaa Wasiirka Warfaafinta oo isaguna hadal ka jeediyay xafladaasi dhagax dhiga dhismahan la dhigayo war laliyaha Idaacad cusub , ayaa ka waramay Marxaladihii ay soo martay keenista idaacadan cusub , waxaanu sheegay in dawlada Somaliland ilaa 1991 ilaa hadda ay isku dayday in la helo Idaacad dalka oo dhan gaadha, Balse hadda ka hor aan lagu guulaysan in idaacadii dalka oo dhan gaadhaysay La helo.

 

Waxaanu sheegay in Idaacad cusub ay hadda sugayso Rakibaadii uun, isagoo sheegay in War-laliyihi oo hadhsanaa in uu dhawaan isna soo gaadhi doono dalka, kaasi oo uu sheegay in Idaacadani ay tahay mid dalka iyo dunidaba si fiican looga dhagaysan doono inay noqon doonto.

 

Isagoo arrintan iibsiga Idaacad cusub ka hadlaya waxa uu sheegay in Miisaaniyada qaranka lagu daray lacagtii lagu soo iibin lahaa tii 2004-kii, waxaanu sheegay in caalamka ay adag tahay in dal aan la Ictiraafin laga iibiyo Idaacad isagoo xusay in laga baqdo in loo adeegsado oo kale Idaacadii Rwanda ee ku qayb qaadatay xasuuqii dalkaasi ka dhacay , iyadoo uu sheegay in ay muhiim tahay in shacbigu ay marxalado adag loo soo maray soo iibinteedan Idaacad cusub.

 

Isagoo arrintan ka sii hadlayana waxa uu yidhi ‘’Nasiib Wanaag waxa caalamku ******* in aynu nahay dal iyo dad jira oo Masuuliyad qaadi kara ayaa horta laynagaga iibiyay Idaacadan’’.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mudane Axmed X. Daahir Cilmi oo isaguna ka hadlay Munaasibadaasi ayaa waxa uu ka waramay muhiimada ay warbaahinta dunidu u leeyihiin dhinac kasta , isagoo sheegay in maanta dunida gaadhay in xataa Mobil-kii aad Idaacadihii ka dhagaysato,halka Somalilnad ku dedaalayso in ay gudaha dalkeedii u hesho Idaacad wada gaadha.

 

‘’Anigoo Wasiirkii Warfaafinta iyo wacyi gelinta ah waxa Nasiib wanaag ii ah inaan ku soo beegmo Marxalad rag badani ku soo tabceen, dad badanina u soo dhinteen dalka Maanta heerkan taagan in dhiigoodii lagu soo dhisay in aanu ka sheekaysano in aanu Idaacad iyo TV dadka Somaliland leeyihiin ku fikirayno in la gaadhsiiyo dalka oo dhan’’ ayuu yidhi Wasiirka Waraafintu , waxaanu intaa ku daray in Idaacadan cusubi tahay 25 KW, taasi oo ka awood badan tii hore ee dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya’’ .

 

Isagoo sii sharaxayana waxa uu yidhi ‘’Waxaan filayaa in Idaacad cusub ninka Koonfur Afrika Jooga iyo ka dalalka Khaliijka carabta joogaa inay dhagaysan karaan, shabakada Internet-kana waxaanu ku tijaabinay in iyada lafteeda toos looga dhagaysto , taasina waxaanu ugu Bushaaraynaynaa ummada reer Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa jooga inay naga dhagaysan doonaan laga bilaabo afarta wig ee soo socda wixii ka dambeeya’’.

 

Waxa uu intaa ku daray in ay TV-ga qarankana ku dedaalayaan sidii dalka oo dhan loo gaadhsiin lahaa, kaasi oo uu sheegay inay hawshiisu garab socon doonto Rakibaada Idaacadan cusub.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu u mahad naqay Madaxweyne ku xigeenka , Masuuliyiintii uga horeysay isaga Wasaaradda , Golayaasha Baarlamaanka , Shacbiga iyo dhamaanba Martidii ka soo qayb gashay dhagax dhiga dhismaha Warlaliyahaas, Masuuliyiinta iyo Hawl wadeenada Wasaaradda Warfaafinta.

 

Waxa kale oo munaasibadaa ka hadlay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cali Cilmi Geelle iyo Agaasimaha Waaxda Idaacada Maxamed Siciid Muxumed oo ka waramay Idaacadan oo ah Short Waves, 25 kw qiimaha ay leedahay iyo Baahidii loo qabay Idaacad dalka oo dhan gaadha in la helay Maanta, waxaanay Masuuliyiintani si qoto dheer uga hadleen Masaafada laga dhagaysan karo Idaacadan cusub iyo awoodeeda war lalineedba.

 

Sidoo kale waxa ka hadlay xafladaasi Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo Mudane Xaaji Cabdi Xuseen oo golaha Guurtida ah.

 

Xafladii dhagax dhiga waxa ka soo qayb galay Wasiiro, Mudanayaal labada gole Baarlamaan ah iyo Golaha Deegaanka, Asxaabta Qaranka , Masuuliyiin fara badan oo hay’adaha dawlada kala duduwan ah, masuuliyiinta Raadyow Hargeysa, Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Ururada Wadaniga ah iyo marti sharaf kale.

 

By: Riyaad Maxamed Yuusuf

Xoghayaha Fulinta Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this