Sign in to follow this  
Liqaye

Dowladda Ethiopia oo sheegtay in ay dib u dhigeeyso Waqtigii ay ciidamadeeda kalka be

Recommended Posts

Liqaye   

Shabelle: ADDIS ABABA

Dowladda Ethiopia ayaa ogolaatay Qorshe ay wadaan golaha amniga iyo nabadgalyada Midowga Africa oo ah in ay sii joogaan dalka Soomaaliya illaa laga helayo Ciidamo Badala.

 

 

 

Dowlada Ethiopia waxaa ay si kooban u ogolaatay in ciidamadeeda ay sii joogaan gudaha dalka Soomaaliya illaa ay dalka Soomaaliya yimaadaan ciidamo caalami ah oo badala.

 

 

 

Gudoomiyaha midowga Africa Jean Ping iyo gudoomiyaha Gudiga nabadagalyada iyo aminga ee midowga Africa Ramtane Lamamra ayaa waxaa ay magaalada Qaahira kulan kula yeesheen Jaamacada Carabta si ay ugala hadlaa arimaha Soomaaliya.

 

 

 

Gudoomiyaha midowga Africa Jean Ping ayaa waxaa uu sheegay in arintaasi ay kala hadleen Dowlada Ethiopia qorshaha ku aadan sii joogitanka Ciidamadeeda ee gudaha dalka Soomaaliya.

 

 

 

Sarkaal sare oo ka mid ah wasaarada arimaha dibada ee Ethiopia oo ka gaabsaday magaciisa ayaa waxaa uu sheegay in xukuumada Addis Ababa ay ogolaatay in ciidamadeeda ay dib ugu sii Baaqi yeesho gudaha dalka Soomaaliya maadama qorshaha uu ahaa in ay ka baxaan dabayaaqada Sanadkani,tan iyo inta laga helayo ciidamo badala kuwa Ethiopia.

 

 

 

Laakiin sarkaalkaasi waxaa uu sheegay In dowlada Ethiopia ay ka walaacsan tahay in ciidamadeeda ay sii joogaan dalka Soomaaliya oo la waayo ciidamo badala iyo Burburka ku yimid dowlada kmg Soomaaliya.

 

 

 

Dowlada Ethiopia iyo wadamada Gobolka Geeska Africa ayaa walaac ka muujiyay guul darada ku timid dowlada Kmg Soomaaliya.

 

 

 

Gudoomiyaha Gudiga nabadagalyada iyo aminga ee midowga Africa Ramtane Lamamra ayaa waxaa uu qorsheeynayaan in uu socdaal ku tago xarunta QM ee magaalada New York si uu gudiga Aminga ee QM iyo xoghayaha Guud ee QM ugala hadlo xaalada Dalka Soomaaliya.

 

 

 

Sarafka Lamamra ayaa waxaa la sheegay in uu ku saleeyasan yahay sidii dhaqaalo loogu uruurin lahaa Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM kuwaasi oo lagu talo jiro in ay badalaan Ciidamada Ethiopia.

 

 

 

Gudoomiye Ramtane Lamamra warqad uu horay ugu diray QM ayaa waxaa uu sheegay in dowladaha Uganda iyo Burundi oo ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya ay balan qaadeen in ciidamo Gaaraya 850-askari dalkiiba in ay dalka Soomaaliya u soo diraan si ay uga qeyb qaataan ciidamada nabad illaalinta u jooga dalka Soomaaliya.

 

 

 

Dadka indha indheeya siyaasada ayaa sheegay in ay taasi suurto galin karto in ciidmada Ethiopia ay ka baxaan dalka Soomaaliya.

 

 

 

Saraakiisha Midowga Africa ayaa sheegay in ay wadaan qorshe qarash loogu uruurinayo ciidamada nabad illaalinta ee Midowga Africa waxana dowlada Norway ay sheegtay in ay arintaasi ka soo jawaabi doonto goor dhow.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Saan-saan bixitaan oo laga dareemo Milatariga Itoobiya ee Muqdisho kusugan.

 

(Mogadishu, Khamiis ,4,December, 2008,(Hornafrik Media)

 

Ciidamada Itoobiya ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo ay ku banaynayaan fariisimo ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho,halkaasoo lagu arkayay saaka dadweyne aad u fara badan oo ku qamaamay goobahaasi.

 

Boqolaal dad soomaali ah oo u badan caruur iyo haween ayaa saaka isagu soo baxay xaafado ka tirsan Degmada yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho halkaasoo ay meelaha qaar, labo sano fadhiisimo ku lahaayeen ciidamada Itoobiya.

 

Goobaha ay ka baxeen ciidamada Milatariga Itoobiya waxaa ka mid ah Ex-Boostadii hore iyo Hotel Towfiiq halkaasoo saaka ay dadweyne aad u badan ku yaaceen.

 

Inkastoo ciidamada Itoobiyaanku aysan ka fogayn fariisimada ay ka baxeen oo ay u muuqdaan, ayaa hadana dadweyneha soomaalida ah ee saaka tagay meelaha ay ka baxeen ciidamadaasi waxay ku dhaaqeen inay burburiyaan gabaadyadii ciidamada ay ka sameysteen meelaha ay saak ka baxeen,

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa hada kusugan ex-Maxkamadihii hore ee deegaanka Towfiiq waana goob wax aan ka badeyn toban tallaabo u jirta Somali-Post.

 

Shan fariisin oo ay ciidamadaasi ku lahaayeen wadada Laamiga ah qarkeeda ayaa ilaa hada la xaqiijin karaa inay dib uga gurteen,hase ahaatee ma kala cada hadii ay sii socon doonto ka guurista ciidamada Itoobiyaanka dhamaan goobaha ay ka degan yihiin Muqdisho.

 

Sidoo kale in ka badan 10 gaadiidka dagaalka iyo kuwa ciidamada qaada, ayaa saaka lagu arkayay wadada dheer ee isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye waxaana ciidamadaasi ay ka baxeen Magaalada Muqdisho.

 

Qeybaha kala duwan ee Bulshada soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay ka bixitaanka xiligaan ee Ciidamada Itoobiya oo muddo 2 sano ah duulaan ku joogay caasimada.

 

Dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Itoobiyaanka yaa qeyb ka ah sida la shaaciyay heshiiskii dowlada KMG ah ee Somalia iyo isbahaysiga dib u xoreynta ay ku gaareen dalka Jabuuti, iyadoo dhanka kale dowladda Itoobiya ay sheegtay in Ciidamadeeda ay kala baxayso Somalia dhamaadka bishaan aan ku jirno.Ku laabo bogga hore

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Somalia: Ethiopian Troop Withdrawal is 'Crocodile Tears,' Says Prof - Samatar

 

Somalia — A Somali intellectual, Professor Abdi Ismail Samatar, who has an American citizenship, described the Ethiopian troop withdrawal as "crocodile tears" saying that Ethiopia is not committed to pull out its troops from Somalia.

 

In an interview with Shabelle Media Network Professor Abdi Ismail Smatar told Shabelle from the United States that the Ethiopian soldiers in Somalia caused insecurity problems in Mogadishu.

 

"If the Ethiopian troops withdraw from Somalia there will not be security vacuum," Professor Samatar Said. Ethiopians are them selves creating security problems, he added.

Relevant Links

 

* East Africa

* Arms and Military Affairs

* Conflict, Peace and Security

* Ethiopia

* Somalia

 

He also criticized the peace agreement signed in Djibouti between the Alliance for the Re-liberation of Somalia ARS and the transitional federal government.

 

He pointed out that the international community is not doing enough efforts to help Somali people He argued the composition of 250 parliamentarians is not good for Somalia.

 

Professor Abdi Ismail Samatar lives and works in the United States. Somalia: Ethiopian Troop Withdrawal is 'Crocodile Tears,' Says Prof - Samatar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this