Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: Government Pays Its Share in the Elections

Recommended Posts

Xukuummada Somaliland ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah ugu shubtay maanta Xisaabta Komiishanka lacagtii Saamiga ahayd ee kaga soo hagaagtay kharashka doorashada oo ahayd 25% [boqolkiiba Shan iyo labaatan], halka ay 75% kalena ay bixin doonaan deeqbixiyayaashu.Lac agtan Xukuummadu shubtay oo dhamayd Soomaaliland Shiling 7,200,000,000 una dhiganta 1Million oo Dollar.

 

Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed qoraal ah oo uu ku saxeexanyahay Guddoomiyaha Komiishanka Qaranka Jaamac Maxamuud Cumar [Jaamac Sweden] oo caawa nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com ee Magaalada Muqdisho.

 

Waxa kale oo warsaxafadeedkan lagu sheegay inay komiishanka bilaabeen sidii ay Xisbiyada qaranku uga wada shaqeyn lahaayeen shan qodob oo qaarkood la isla-qaatay dhameystirkooda sida ku cad warsaxafadeedkan.

 

Waxaanu u dhignaa warsaxafadeedkii oo dhameystirnaana waxa uu u dhignaa sidan:

 

“Wada hadaladii u bilaabmay Axsaabta qaranka 16-kii bishii May ee lagu falan-qeynayey dhameystirka hawlaha doorashada Madaxtooyada ee Somaliland waxa ka dhashay heshiiskii Axsaabta qaranka ee 27 May ee diyaargarowga doorashada Madaxtooyada.

 

Iyada oo heshiiska laga anba-qaadayo, komiishanka qaranku waxay bilaabeen in xisbiyada qaranka ay kawada shaqeeyaan dhameystirka arrimaha soo socda:-

 

1. Guddida farsamada ee diiwaangelintu waxay isku raaceen hawlgalka hab-raaca dhameystirka hawlaha Server-ka [Parameters].

2. Waxa Gebo-gebo taagan xeerkii hab-dhaqanka axsaabta qaranka ee doorashada madaxtooyada.

3. Waxa la isla qaatay dhameystirka wixii gal-daloolo sharci ah si loo sameeyo lifaaq wax ka bedel ee doorashooyinku 20/2001 iyo xeerka diwaangelinta.

4. Waxa dhameystirmay oo ay dawladu bixisay Saamigii kharashka dawlada ee doorashada Madaxtooyada, oo lagu shubay xisaabta komiishanka, taas oo dhan SL SH. 7,200,000,000 una dhiganta 1-Million oo Dollar.

5. Komiishanka qaranku waxa uu dadweynaha, Axsaabta, Dawlada ku baraarujinayaa inay hareeraha iska taagaan siddii looga midha-dhalin lahaa qabsoomida doorashada Madaxtooyada oo qaban-qaabadeedii la guda-galay.”

 

Arrintan ayaa ku soo beegantay wakhti ay Guddida doorashooyinku iyaga dhexdooda is-haystaan, isla markaana qaarkood ay laba xubnood ka mid ah todobada xubnood ee komiishanka doorashooyinka in xilka laga-qaado, kuwaas oo kala ah Maxamed Yuusuf Axmed, Iyo Axmed Maxamed Xaaji Daahir [bidaar] kadib markii lagu eedeeyey inay jabiyeen xeerkii u yaalay komiishanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

. Waxa dhameystirmay oo ay dawladu bixisay Saamigii kharashka dawlada ee doorashada Madaxtooyada, oo lagu shubay xisaabta komiishanka, taas oo dhan SL SH. 7,200,000,000 una dhiganta 1-Million oo Dollar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Jacaylbaro:

quote: . Waxa dhameystirmay oo ay dawladu bixisay Saamigii kharashka dawlada ee doorashada Madaxtooyada, oo lagu shubay xisaabta komiishanka, taas oo dhan SL SH. 7,200,000,000 una dhiganta 1-Million oo Dollar.

Sual JB :

Xisbiyada kalena ma into kale aya laga raba in ay bixiyan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Jacaylbaro:

Maya ,,,, it is just the government and the rest was paid by the Donors ...

20 years of peace, prosperity, and being "Africa's best kept secret" and 25% of an election's expenses is what the government considers its responsibility. So what is so independent about Somaliland? :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Gabbal,

 

Somaliland is poor and you know that. So save your time in asking question you already have answers to. Somaliland is prospering on HornAfrican standards. (:

 

JB,

 

what this means? are we finally ready to roll the ball.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this