Sign in to follow this  
A_Khadar

Sir culus oo laga helay dagaalkii ka dhacay Buuhoodle

Recommended Posts

A_Khadar   

Sir culus oo laga helay dagaalkii ka dhacay Buuhoodle

 

 

 

Baadhitaan aad u balaadhan oo ka socda dagaalkii ciidamada Etoobiya ka rideen magaalada ayaa durbaba waxaa soo baxay dhacdooyin iyo xidhiidh dhex maray madaxda ugu saraysa maamulka Somaliland iyo madaxda sar sare oo ka tirsan maamulka kilinka 5aad ee ismaamulka Soomaalid.

 

Sida wararku xaqiijinayaan waxaa la cadaynayaa in xidhiidh lacag badan la isku waydaarsaday uu dhex maray madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyo laba nin oo kale oo ku kala magacaaban wasiirka Arimaha gudaha ee kilinka 5aad iyo nin kale oo lagu magacaaba Cabdi Illey oo isna ku magacaaban taliyaha guud ee ciidanka Boliska ee kilinka 5aad ee ismaamulka Soomaalida.

 

Labada nin ee madaxda ka ah Ismaamulka Soomaalida oo la sheegay in ay isku raas ama qoys ka soo jeedaan kana soo jeeda gobolka Godey ayaa waxaa la sheegay in loolan siyaasadeed oo aad u xuni uu u dhexeeyo ninka madaxda ka ah Ismaamulka Soomaalida ee lagu magacaabo Dauud Maxamed Cali oo ka soo jeeda gobolka Wardheer.

 

Labadaa nin waxay is tuseen in magaalada Buuhoodle oo aan qiyaas ahaan (200KM) wax badan ka fogayn magaalada Wardheer la dhigo ciidamo xanibaya gaadiidka si aan wax dad ah ugu kala socdaalin labadaa magaalo inta doorasha dalkaa Etoobiya dhamaanayso si codka uu helayo ninka lagu magacaabo Dauud oo ka soo jeeda gobolka Wardheer ay u naaqusanto.

 

Madaxweyna Daahir Riyaalena waxaa meesha ugu jirtay in ciidamada maamulkiisu ay wakhtigaa xuduudka la xidhay weerar ka soo qaadan magaalada Laascaanood oo ay si fudud u qabsadaan magaalada Buuhoodle maadaama aanay jirin wax dad ah oo ka soo ciidaminaya dhanka Hawdka oo dadka degaankani u badanyahay taas oo ay fadhiyaan ciidamadii Etoobiyaanka ahaa ee loogu talo galay jid gooyada.

 

Hadaba yaa wax u hagaageen, yaase meeshaa ku guul daraystay labadii dhinac ee qorshaha wada galay ee dhanka Kilinka 5aad iyo maamulka Hargeyse.

 

Waxaa lagu soo waramayaa in aan wax doorasho ah ka dhicin inta u dhaxaysa labada magaalo ee Buuhoodle iyo Wardheer oo dadkii dhulkaa deganaa ay caydhiyeen masuuliyiintii hor socotay doorashooyinka wadanka Etoobiya gadood ay ka qabaan mashaqada ka dhacaday magaalada Buuhoodle awgeed.

 

Taasina waxay si wanaagsan u wiiqday sidii horeba loogu talo galay madaxweynaha kilinka 5aad Dauud Maxamed Cali, waxaana la sugayaa sida ninkaasi wax loo gaadhsiiyey iyo waxa ay ka heeleen labadii nine e siyaasadu ka dhexaysay.

 

Dhanka kale waxaa si aad u balaadhan u guul daraystay maamulka uu ka taliyo madaxweyne Daahir Riyaale kadib markii ciidamadii uu ugu talo galay in uu ku qabto magaalada Buuhoodle lagaga hortegey magaalada Widhwidh halkaana uu ka dhacay dagaal aad u balaadhan oo lagu jebiyey ciidamadii maamulka Somaliland.

 

Isku soo wada duuduubo, waxaa hada ku sugan magaalada Buuhoodle sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Etoobiyaanka xil sarena ka hay xisbiga ka taliya dalkaas, baadhitaan aad u weyna ka wada waxii ka dhacay magaalada Buuhoodle.

 

Waxaana sarkaalkaasi ugu horeyntiiba ku dhaqaaqay in uu xidh xidho dhamaan waxii ka hadhay askartii dhibka ka bilowday gudaha magaalada Buuhoodle, iyo in uu waraysi mid mid ah la yeesho ciidamadii Etoobiyaanka ahaa ee goobtaa joogay.

 

Waxaana hada la sheegayaa in xogtii uu sarkaalkaasi raadinayey iyo baadhitaankiiba ay gebo gebo u yihiin, waxii goaan ahana uu ula kacayo magaalada Qabridahar oo ah meeshii uu markii hore ka soo ambabaxay.

 

Waxii arintan ka soo kordhana waxaa hadii eebe idiin soo gudbinaysa Buhodle.net

 

 

Buhodle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this