Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Sharif Ahmed requests AMISOM to send MORTARS into the city

Recommended Posts

Muqdisho:Madaafic xoogan oo caawa Muqdisho la isku Dhaafsanayo

11. maj 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )-Madaafiic xoogan ayaa caawa ku socota xaafada badan oo Caasimada markii uu qaboobay dagaalkii socday.

 

madaaficda ayaa ah kuwa ay is dhaafsanayaan mucaaradka iyo dawlada , waxaana kooxaha mucaradka ay duqeyn ba'an u gesyten xarunta madaxtooyada Somalai , waxaana dhinaca madaxtooyada ka soo dhacay jawaabo ku socda xaafada ay tuhmayaan ciidamada Amisom in ay ka soo dhacayaan madaaficda.

 

madaaficda ayaa khasaare u geysanaya inta badan dad badan oo rayid ah kuwaas oo ay guryahooda ugu tageyso.

Degmooyinka Shibis iyo Boondhere madafic lagu soo riday waxaa ku geeriyooday dad shacab ah , waxaana uu dilay madfac soo dhacay qoys ka koobnaa 4-ruux oo ay laba caruuri tahay.

 

madaaficfda madaxtooyada ka so dhaceysay ayaa iyana dad badan ku laayey xaafadaha S/xoolaha iyo tawfiiq .

Dhinaca kale dagaalka galay mnaalinti shanaad ayaa waxaa uu yeelanayaa jawi u muuqda in uu ku so uruurau xaafadaha W/Muqdisho taas oo loo aaneynayo Xisbul islaam iyo Shabab oo soo qabsaday dhaman xarumibhi dawlada ee K/Muqdisho.

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: AMISOM oo bilowday Duqeymo ka dib qeylo dhaan uga timid Shariif Sheekh Axmed iyo Ciidamadooda jooga Madaxtooyada Soomaaliya.

11. maj 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )- Duqeymo culus ayaa ka socda magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen Mucaaradka iyo muxaafidka dawladda Soomaaliya.

 

Duqeymahan ayaa ka socda goobihii ay dagaaladu ka jireen 5-tii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana dagaalada ku naf-waayay dad badan oo kor udhaafaya 70 qof, sida ay xaqiijinayaan Ilaha caafimaadka ee wargalka ah.

 

Duqeymaha hada ka socda magaalada Muqdisho ayaa ah kuwa ay isweydaarsanayaan dhinacyada iska soo horjeeda ee dagaalamayay maalmihii ugu dambeeyey, waxa ayna ka soo dhacaysaa agagaarka garoonka diyaaradaha iyo Aqalka Madaxtooyada sida ay sheegayaan Warar madax banaan oo laga helayo ilaha xaqiiqada ku dhow.

 

Sarkaal magaciisa AllPuntland ugu soo koobay Xasan Deyde ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha ciidamada AMISOM ee jooga ay soo gaartay qaylo dhaan ka timid ciidamadooda ku sugan gudaha magaalada, gaar ahaana Aqalka Madaxtooyada taasoo ku aadan in ay ku soo dhawaadeen Xoogaga ka soo horjeeda, taasna ay keentay in ay ciidamada AMISOM rasaasta culus ay isticmaalaan.

 

Sarkaalkan ayaa sheegay in ay mucaaradka adeegsadeen laftigoodu hub waa weyn oo aad looga dareemayo caasumada Soomaaliya ee Muqdisho, ayagoo ku garaacaya Aqalka Madaxtooyada iyo goobaha aadka ugu dhaw ee ay joogaan dhinaca ka soo horjeeda.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Muqdisho: AMISOM oo bilowday Duqeymo ka dib qeylo dhaan uga timid Shariif Sheekh Axmed iyo Ciidamadooda jooga Madaxtooyada Soomaaliya.

Oh my God, what is he doing now... He's killing the last drops of his sense now...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada AMISOM oo duqeyn ba'an u geystay Xaafadaha dadka rayidka.

 

Ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika ayaa dagaaladii manta ilaa caawa kaga qeyb qaatay Madaafiic ay si ba'an ugu duqeeyeen Xaafadaha dadka rayidka, iyadoona duqeyntaas ay ka dhasheen qasaarooyin kala duwan oo naf iyo maalba isugu jira.

 

Inkastoo aanay AMISOM maalmihii u dambeeyay aanay ku lug laheyn dagaalada, hadana waxay manta markii ugu horeysay adeegsadeen Artilary casri ah, waxaana dadka Muqdisho ay dib u soo xusuusteen duqeymihii arxan darada ahaa ee ay Ciidamadii Ethiopianka ku duqeyn jireen Xaafadaha dadka rayidka.

 

Wararka ayaa sheegaya in Fariisimaha Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho laga soo ganayay Madaafiicda, taasoo ka dambeysay markii Xoogaga Mucaaradka ay Hoobiyeyaal ku gaaraceen meelo ay ka mid tahay Madaxtooyada.

 

In ka badan 10 ruux ayaa ku dhimatay Duqeynta Madaafiicda, waxaana isa soo taraya qasaaraha aan la ogeyn, xilli Magaalada tahay habeen oo ay adag tahay in si rasmi ah loo adeegsadoo.

 

Musiibada ugu daran ayaa galabta gelinkii ka dhacday Suuqa Towfiiq, halkaasoo Madaafiic tiro ah ay ku hoobteen, waxaana ay sababeen dhimashada dhowr Haween oo iibinayay Caano.

 

Dadka qaar ayaa ku waramaya in Ciidamada Brundi iyo kuwa Uganda ay xarumahooda ka soo ganayeen Madaafiic xoogan, oo sida roobkii oo kale xaafadaha ugu hoobanayay.

 

Madaafiicdan duqeynta ah ayaa waxay sababeen in barakac hor leh uu ka dhaco xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid oo aheyd halkii uu ahaa yoolka dagaalka.

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Paragon: TFG was attacked in Baidoa and had to fight to clear these clowns.

 

Sharif was sleeping with the enemy and now it has turned on him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo iyo Duqeyn weli ka socda Magaalada Muqdisho

11 May 11, 2009 - 2:28:26 PM

 

Ugu yaraan 10-qof ayaa lagu dilay; 10-kalena waa lagu dhaawacay dagaalo maalintii shanaad ku dhexmaraya Muqdisho kooxo doonaya inay afgambiyaan dowlada Somalia iyo ciidamada dowlada.

 

Dagaalada ayaa ka dhacay degmooyinka Yaaqshiid, Hodan iyo Wardhiigley, waxaana kooxaha dagaalamaya ay isku adeegsadeen hubka culus oo ay ku jiraan hoobiyeyaal.

 

Madfac ku dhacay guri ku yaala xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa sababay dhimashada gabar dhalinyaro ah iyo dhaawaca gabar kale, kuwaasoo isku diyaarinayay inay barokacaan, iyadoo madafiic kale ay dhowr qof dileen.

 

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa ku jira dhinacyada dagaalamaya, iyadoo dagaalkii ugu xooganaa uu Isgoyska Fagax ku dhexmaray kooxda Xisbul Islam iyo ciidamada Maxkamadaha ee gacansaarka la leh Xukuumada.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamadu ay isku jiraan masaafo aad u dhow, uuna dagaalku weli ka socdo halkii uu ka bilowday [isgoyska Fagax], dagaalo kale oo geystay dhaawacyo ayaa iyaguna ka dhacay xaafado ka tirsan Wardhiigley iyo Hodan.

 

Mid ka mid ah dagaaladan waxaa lagu qaaday ciidamada AMISOM ee fariisinka ku leh kuliyadii hore ee Jaalle Siyaad, iyadoo kooxaha mucaaradku ay weerar ku qaadeen saldhigaas.

 

Wasiirka warfaafinta Somalia Farxan Cali Max'ud oo saxaafada la hadlay ayaa ku eedeeyay kooxaha mucaaradka ah inay soo kireysteen kooxo shisheeye ah oo u dagaalama; kuwaasoo xiriir la leh argagaxisada.

 

Dagaalada ka socda Muqdisho maalintii shanaad ayaa sababay inay dhintaan dad ku dhow 60-qof, kuwaasoo u badan rayid, iyadoo ay ku dhaawacmeen sida laga soo xiganayo saraakiisha caafimaadka 155-qof oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo halis ah.

 

Kumanaan qof ayaa ka barokacay guryahooda, kuwaasoo baqdin ka qaba in dagaalada socda ay khasaare ka gaarto, waxaana weli haawanaya xaafadihii lagu dagaalamay maalmihii ugu dambeeyay.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Originally posted by General Duke:

Paragon: TFG was attacked in Baidoa and had to fight to clear these clowns.

 

Sharif was sleeping with the enemy and now it has turned on him.

I think if you search for my responses to the Baidoa war, I totally objected to it from the get go. My advice was to reconcile. That was before indha-cade called a jihaad on all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this