General Duke Posted September 25, 2003 Banaanbax lagu waday in ay qabtaan hogaamiyaasha kasoo horjeeda shirka nabad oo baaqday maanta Baryahaan dhan ayaa waxaa ka socday magaalada Muqdisho qaban qaabo balaaran oo lagu doonayey in laqabto banaanbax balaan ee looga soo horjeedo shirka nabad ee Soomaalida uga socda Nairobi ee Kenya ,kaasoo ay qaban qabinayeen dowlada KMG waqtigeedii dhamaday iyo hogmiyaasha kala ah Muuse Suudi Yalaxoow , Bare Hiiraale oo ayagu ku qanacsaneen habka lagu maamulaayo shirka . Banaanbaxaan ayaa lagu balan sanaa in uu dhaco maanta oo Khamiis ah taariikhduna tahay 25 /9/2003 si loogu helo taageero badan oo ah shacabka Muqdisho oo ayagu ka daalay wax qabad laanta hogaamiyaashooda, hogaamiyashaasoo u bartay markii ay dan kaleeyihiin uun lesugu yeero banaabax marka kalana madaafiic ooda looga dhigo ayadoona loo naxariisaneynin . Banaanbaxii maanta ayaa baaqday kadib markii ladareemay in aynan soo xaadireynin dadweyno aada u fara badan kuwaas oo intoodabadan kaniyad xun in aanan meeshaas waxba kasoo baxeynin, shacabka ku nool Muqdisho ayaa kadhoowraayo in ay wax uun kasoo baxaan shirka nabada ee Soomaalida uga socda Nairobi , kadib markii ay rajadoodina soo noolaatay markii ay maqleyn hadalkii kasoo yeeray wasaarada arimaha dibada ee Marekanka in ay taageersan yihiin shirka nabada ee Nairobi taasoo aan cadeyn markii hore mooqifka Marekanka .. hadal heynta Muqdisho ayaa ah maanta hadalka mareykanka oo ah shirkaan mareykanka ayaa taageersan wuu soconayaa kuwii hore oo kale ma ah ,taasoo aad kadareymeysid shacabka kuwa ku faraxsan shirka nabada in ay wax kasoo baxaan kadib markii ay waayeen cid ka shaqeneyso danahooda qaska ah webmaster@dayniile.com Quote Share this post Link to post Share on other sites