Sign in to follow this  
Jumatatu

The internal scuffle in the TFG..!

Recommended Posts

Jumatatu   

Xaaladda mas’uuliyiinta ugu sarreysa dowladda federaalka oo maraysa meel adag(kala maan siyaasadeed oo hareeyey)

wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Nairobi ayaa waxey sheegayan in beesha caalamka ay waddo dedaal ay isugu soo dhaweynayso kala aragti duwanaanshaha xoogan ee u dhaxeeya mas’uuliyiinta sar-sare ee dowladda, waxanaa la sheegayaa in xagga fikirka iyo aragtida ay isku dhow yihiin madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo ra’iisul wasaarihiisa Cali Max’ed Geedi, halka guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo aragtiyo ka duwan mas’uuliyiintaasi qabo.

 

Kulamo dhowr jeer qaatay oo ay todobaadkaan ku yeesheen Nairobi mas’uuliyiintii ugu sarreysa dowladda federaalka ayeysan ka soo bixin wax natiijo ah, waxeyna u muuqdaan xubnaha dowladda kuwo kala jiidanaya xubnaha labada gole ee ka tirsan dowladda federaalka.

 

Galabka Shariif Xasan taageera ayaa la sheegay in ay yihiin xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho, kuwaasoo Shariifku u soo diray caasimadda iyo qaar yar oo ku sugan Nairobi, halka qeybta taageersan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay intooda badan ku sugan yihiin Nairobi, kuwo kalena ay joogaan deegaanada Bay iyo Bakool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Guddoomiyaha baarlamaanka & ra’isul wasaaraha oo xalay goor dambe la soo gaarsiiyey warqad ka timid madaxweynaha(Nuqul ka mid ah warqadaasi)

Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa xalay goor dambe soo gaarsiiyey qoraal labo bog ka kooban guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan & wasiirka 1-aad Cali Max’ed Geeddi xalay goor dambe, waxaana warqadani oo aanu nuqul ka mid ah helnay lagaga codsanayaa guddoomiyaha baarlamaanka in uu meelmariyo codsiyo ka yimid dhinaca madaxweynmaha oo ku saabsan in baarlamaanku ka doodo qodobo muhiim ah oo uu soo jeediyey madaxweynaha oo ay ku jiraan qodobo horay muran badan kaga dhex-dhaliyey xukuumadda & baarlamaanka.

 

Warqadan xalay soo gaartay Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa noqoneysa warqadii labaad ee guddoomiyaha baarlamaanka kaga timaada madaxweynaha & xukuumadda, waxaana guddoomiyaha baarlamaanka shalay gacanta loo geliyey Mooshin ay ku saxiixan yihiin 100 xildhibaan oo ay ku codsanayaan in muddo 24 saac gudahood in guddoomiyuhu kulansiiyo baarlamaanka, iyadoo ilaa xilligan oo ay ka soo wareegatay 24 saac uusan wax jawaab ah ka bixin guddoomiyaha baarlamaanka warqadii shalay.

 

Qoraalka madaxweynaha uu u diray guddoomiyaha baarlamaanka & wasiirka 1-aad ayaa u qornaa sidatan:-

 

18/04/2005

21:50

 

TRANSITIONAL FEDERAL GOVERNMENT

 

OF THE SOMALI REPUBLIC

 

OFFICE OF THE PRESIDENT

 

To: Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan

 

Guddoomiyaha baarlamaanka

 

ee Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

To: Mudane Cali Max’ed Geeddi

 

Wasiirka 1-aad ee xukuumadda federaalka KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

CC: Kooxda iskeed isku xilqaantay ee beesha caalamka

 

CC: Wakiilada dowladaha xubnaha ee IGAD

 

Mudanayaal,

 

Ka dib markaan idin la yeeshay kulanno wadatashi ee kala gaar gaar ah & mid wadajir ahba, isla markaana soo bandhigay talooyin ku aadan sidii looga gudbi lahaa khilaafaadka & xanibaadaha, loona heli lahaa xal dhex-dhexaad ah ee xukuumadda dhexdeeda & baarlamaanka dhexdiisaba,

 

ANIGOO MADAXA KU AH baahida deg degga ah ee loo qabo midnimadeenna ku wajahan meel marinta nabadda, midnimada & xasiloonida Qaranka,

ANIGOO XUSUUSAN. Xilka Qaran & waajibaadka aynu u wada dhaaranay:

 

I. Waxaan idinku adkeynayaa baahida loo qabo in la gaaro heshiis & meelmarin qorshe siyaasadeed Buuxa oo la xiriira nabadgelyada & rarista hay’adaha dowladda federaalka KMG ah gudaha dalka ay wasaaraduhu gaaraan, baarlamaankuna meelmariyo,

 

II. Qorshe sharciyeedkaas oo qodobadiisu ka kooban yihiin kuwa hoos ku qoran, waxaa loo baahan yahay in laga doodo, la qeexo isla markaana laga wada shaqeeyo:

 

Qeybaha qorshe sharciyeedku ka kooban yahay

 

1. Go’aankii golaha wasiirada arrimaha dibedda ee IGAD

 

2. qorshaha dib u guurista dalka

 

B. Nabadeynta, dib u heshiisiinta & maamul ka dhisida degmooyinka & gobolada dalka.

 

T. Goobaha KMG ahaan xukuumaddu ku soo sii shaqeyn doonto: Baydhabo & Jowhar & Muqdisho oo laga furay xafiis Qaran oo fulinaya barnaamijkia nabadeynta magaala madaxda.

 

J. Barnaamijka magaala madaxda Qaranka ee Muqdisho ee hadda horyaala golaha wasaaradda.

 

3. Hub ka dhigista & xareynta maleeshiyooyinka oo laga hirgelinayo muddo saddex (3) bilood gudahood ah

 

4. Balanqaad cusub oo xabdad joojin & hub ka dhigis ah oo ay saxiixayaan dhammaan xubnaha xukuumadda, baarlamaanka & cid kasta oo haysata maleeshiyooyin hubeysan, ciddii jebisa balanqaadkaas la saxiixayna waxaa la horgeyn doonaa maxkamadda dembiyada caalamiga ah.

 

5. Waa in la sameeyo hab lagu hubiyo meel marinta xabbad joojinta & hub ka dhigista oo ay hogaaminayaan dalalka IGAD, Midowga Afrika, dalalka Jaamacadda carabta iyo xubno kooban oo ka tirsan beesha caalamka.

 

6. Marka lixdanka (60-ka) beri ee baarlamaanku dhammaado, baarlamaanku wuxuu fadhigiisa ugu horeeya ku yeelanayaa meel kasta oo nabad ah ee dalka gudihiisa ah. Haddii amniga & nabadeynta magaalada Muqdisho aaney meel marin 60-kaas cisho, isla markaana aaney soo cadeyn hay’adaha ku xusan qodobka shanaad (5-aad) ee isla warqaddan, shirka baarlamaanka waxaa lagu qabanayaa Jowhar ama Baydhabo.

 

7. Marka ay timaado xaalad degdeg ah, baarlamaanka waxaa isugu yeeraya madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya sida uu qabo xeerka KMG ah.

 

III. Waxaan ka rajeynayaa guddoomiyaha baarlamaanka federaalka KMG ah & wasiirka 1-aad in ay qaadaan talaabooyin muhiim ah, si loo meelmariyo dhammaan qodobada aan kor ku soo sheegay.

 

IV. Anigoo tixraacaya baaqii aan ka soo saaray xafiiskeyga 9-kii bisha April 2005, mar labaadna ugu mahadcelinaya doorka wax-ku-oolka ah oo ay ka geysteen xalinta arrimaha kor ku xusan, ayaan mar kale waxaan ka codsanayaa kooxdii ka tirsaneyd beesha caalamka oo sida gaarka ah isugu xilsaartay howlahan in ay sii wadaan dedaalkooda wax-ku-oolka ah si looga mira dhaliyo natiijo la taaban karo oo soo af-jarta khilaafaadkan.

 

Mahadsanidiin

 

C/llaahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Dhex-dhexaadin cusub oo ay Nairobi ka billaabeen wakiilada beesha caalamka u jooga shirka(Madaxweynaha & Guddoomiyaha oo laga codsaday in ay

Wakiilada beesha caalamka u jooga shirka oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka, Talyaaniga & Ingiriiska ayaa xalay kulamo kala gaar gaar ah la yeeshay madaxweynaha dowladda FKMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed & Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo kulamada ay la yeesheen labada dhinac ay kala hadleen sidii wadahadal loogu dhammeyn lahaa khilaafka ka dhex-taagan dowladda federaalka oo gaaray in dowladdu u kala jabto laba garab oo mowqifyo kala fog-fog ka istaagay arrimo muhiim ah oo la doonayey in ay hal aragti oo ay maslaxada & danta Qaranku ku jirto isla gaaraan.

 

Warar ku dhow dhow kulamada ay xalay la yeesheen madaxweynaha & guddoomiyaha baarlamaanka wakiilada beesha caalamka ayaa sheegaya in ay u soo jeediyeen madaxweynaha in uu ogolaado in baarlamaanku leeyahay go’aaminta meesha loo guurayo, waqtiga la guurayo & dalalka ay ka imaanayaan ciidamada Soomaaliya loo dirayo, waxeyna intaasi sii raaciyeen in go’aankii 17/03/2005 uu ahaanayo sidii uu baarlamaanku u ansixiyey oo aanan la hor keeneyn mar dambe baarlamaanka, balse uu baarlamaanku ka doodayo qodobada kale, waxeyna u soo jeediyeen madaxweynaha in khilaafaadka wadahadal lagu dhammeeyo oo aanan lagu degdegin mooshin, halka guddoomiyaha baarlamaanka kulankii ay la yeesheen ay u soo jeediyeen in aanan xaaladda khilaafka la sii murjin, waxeyna weydiiyeen sababta uu ku diiday in uu u hogaansamo qodobada ku qoran warqadii uu xalay madaxweynuhu u soo diray, iyadoo labada dhinac ay isla go’aamiyeen in wadahadalada la sii wado inta xal laga gaarayo farqiga labada dhinac ku kala dhex-jira.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

No comment on your news, saaxib. It’s all probably genuine anyway. However, I still don’t understand why Somali news reporters always sound like some drunken old Somali lady (if such a person existed) that makes up news as she goes along!

 

wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Nairobi ayaa waxey sheegayan

“ Waxa lay yedhi†is written all over that report of yours. Ya yedhi dee? :(

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

^^^^Looooooooooooooooooooooool...!

Waryahe adiga af-Soomaaliga ka baro mesha....keep on reading beyond “ Waxa lay yedhi†and you will enhance you skills in afka hooyo.! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Wakiilada Beesha Calamka oo u digay Cabdulaahi Yuusuf

yusuf_prsd.04.gif

 

 

Wakiilada beesha caalamka u jooga shirka Magaalada Nairobi oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka, Talyaaniga & Ingiriisk ayaa uuga Digay Madaxweynaha Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Wasiirka 1-aad Cali Maxamed Geedi in ay is ka ilaaliyaan Waxwalba oo ay Dowladu ku Fashilmi karto iyo dagaal ka qarxa soomalia .

 

 

Magaalada Nairobi ayaa waxaa ka socda guux fara badan oo ku saabsan Shirkii Xalay Dhex maray Cabdullahi Yuusuf iyo Wakiilo ka socda Beesha caalamka ee joogay Shirka .Wakiiladan ayaa waxaa ka mid ah wadamada Mareykanka, Talyaaniga & Ingiriiska .

Shirkan xalay ka socday ayaa waxaa looga hadlay arimo fara badan oo ka mid ah Khilaafka u dhaxeeya Masuuliyiinta sar sre ee Dowlada KMG iyo sidii ay Dowladu ay uugu guuri lahayid dalka soomaalia .

 

Warar ku dhow dhow kulamada ay xalay la yeesheen Madaxweynaha & guddoomiyaha baarlamaanka wakiilada beesha caalamka ayay sheegaya in ay u soo jeediyeen Madaxweynaha in uu ogolaado in baarlamaanku leeyahay go’aaminta meesha loo guurayo, waqtiga la guurayo & dalalka ay ka imaanayaan .

 

dhinaca kale Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Arbacada u kicitimi doono Magaalada Muqdisho sida ay noo sheegeen rag ku dhaw dhaw Guddoomiyah baarlamaanka Shariif Xasan.

 

Wakiilada beesha caalamka ayaa kula taliyay cabdulaahi Yuusuf in uu is ka daayo hadalada usan meel u dayin oo uu ku hadlo wax markaas maskaxdiisa ku soo dhaca sida hadaladii uu ku hadlay 3 Maalin ka hor oo uugu hanjabay Hogaamiyaasha Muqdisho .

 

markii la fiiriyo Is qab qabsiga Dowlada ayaa waxaa halkaas ka ogaan kartaa in aysan dhicin Dib u heshiisin rasmi ah oo u dhaxeeya cabdulaahi Yuusuf iyo hogaamiya Kooxedyada oo hada sita Magac wasiir .

 

waa wax lala yaabo in Wasiir iyo madaxweynaha dowladda FKMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ay wada murmaan sidaas waxaa yiri Sargaal ku sugan Shirka oo u dhashay wadanka Talyaaniga mar uu u waramayay idaacda ku taalo DalkaTalyaaniga.

 

Dhinaca kale Aqoon yahano ay ka mid yihiin Porf:Aaxme Ismaaciil samatar ayaa kula taliyay Cabdulaahi Yuusf in uusan ku dag dagin Ciidamo iyo in uusan ka badalin Caasimada magaalada Muqdisho .

 

Si kastaba hooshu ha dhacdo waxaad moodaa in ay Dowladu Fashil ku dhawdahay hadii uu cabdulaahi Yuusuf uusan ka tanaazulin hadalada iyo in u heshiis la galo Hogaamiya Koxedyada Muqdisho Sida Maxamed Qanyare,Muuse Suudi ,Cismaan Caato,Jaamac cali Jaamac,Jini Boqor, iyo inta la mid ah .

 

Hadii uu la gali waaya waxaa halkaas ka dhacayo dagaal faraha la is ka ga kubto oo u dhaxeeya Taageerayaasha Cabdlaahi Yuusuf oo Gacan ka heli doono Maxamed Dheere iyo Cade Muuse in kasoo aan la hubin in ay Dowlada Ethoobiya ay si toos ah u soo galayso Dagaalka laakin ay uuga qayib qadanayso Xag Hub iyo Taageerayaasha Muuse Suudi oo gacan ka helayo Indha cade iyo Naxkamadaha islaamiga oo uu Hogaaminaayo Sh.Xasan dahir Aways oo soo raaca Maxamed Qanyare iyo Cismaan Caato oo ku dhawaad haysta 200 oo baabuurta Dagaalka ah iyo ilaa 1000 Nin oo hubaysan sidaas waxaa yiri shirwac oo wax ka dhiga Jaamacad ku taalo Magaalada Muqdisho oo ku xeel dheer arimaha siyaasad .

 

waa xog Dhab ah oo anu ka soo uruurinay Siyaasiin iyo Aqoon yahano dagan Wadanka Ingriiska ,Maraykanka iyo Soomalia .

 

Posted on Tuesday, April 19 @ 15:45:56 CEST by editor

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this