Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Laascaanood Demonstrates

Recommended Posts

Laascanood(QARAN)-Waxa maanta magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool ka dhacay mudaharaad balaadhan oo ay dadweynaha magaalada degani ay ku mareen dhamaanba jidadka magaalada, mudaharaadkaasi ama dibad baxaasi oo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dadka yar ee iyagu dhagaxaanta iyo taayirada dhigaaya wadooyinka magaalda qaarkood, dadweynahan oo ka koobnaa noocyada kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Laascanood, ayaa dareenkooda ku muujiyay mudaharaadkaasi.

 

Sidoo kale mudaharaadkan ayaa maanta ku dhamaaday si nabadgalyo leh, kaasi oo ay dadweynaha magaaladu aad ugu taageersanaayeen maamulka cusub ee gobolka Soo, oo ay ku taageerayeen in lala shaqeeyo oo aan la khilaafin.

 

Dhanka kalena maanta waxa magaalada Laascanood soo gaadhay kolonyo baabuurta xamuulka qaada oo farabadan kuwaasi oo siday raashin aad u tiro badan, mar aanu arintaasi wax ka waydiinay wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta qaranka isaga oo ku sugan magaalada Laascanood waxa uu noo sheegay in raashinkani uu isugu jiro, sonkor,bariis, bur, iyo noocyda kalagadisan ee cunatda la quuto kaasi oo ka kooban ayuu yidhi 125,tan oo cuntadaasi ah, waxiir ku xigeenku mudane Axmed Haashi waxa uu noo sheegay in sidoo kale ay maanta magaalada soo gaadheen daawooyinka xoolaha oo loogu talo galay gobolka kuna filnaan kara mudo dhawr bilood ah.

 

Waxa sidoo kale uu qarannews u sheegay in arimihii ay u yimaadeen ay aad iyo aad u fiicantahay, isla markaasina ay wax waliba u socdaan sidii loogu talo galay, dhamaana kulamadoodii hawlood ee ay u socdeen ay meel fiican marayaan, waxa uu xusay oo noo sheegay in ay sidoo kale raashinka iyo macaawimooyinka dadka reer Sool, loogu talo galay ay si joogto ah u socon doonaan oo ayna intani ahayn wax markaliya ah ee qorshaha xukumadu ayahay in gobolka la soo gaadhsiiyo gobolada kale ee dalka.

 

Shalayna waxa ay waftiga xukumada oo uu hogaaminaayo wasiirka hawlaha guud iyo gurayayntu ay cisbataalka magaalada Laascanood ku wareejiyeen daawooyin kala gadisan oo uu cisbatalku isticmaali doono in ka badan Lixbilood.

 

Xidhiidhka u dhaxeeya dadweyanaha reer Laascanood iyo maamulkooda cusub ayaa ayanba ayaanta ka danbaysa isku soo dhawaanaaya oo isfahmaaya taasi oo dadajin doonta in si wax ku ool ah wax looga qabto adeegyada bulshada ee ay dadweynahu u baahnyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this