Sign in to follow this  
Camel Mlik

DEBATE ON SOMALILAND BY AFRICAN UNION

Recommended Posts

Debate on Somaliland by African Union

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Wadamada Africa ugu Quwada wayn iyo Wadama reer Galbeedka oo soo jeediyay In Somaliland La Aqoonsado.May-13-2005

 

 

Adisababa-(HWN)-Wararka ka imanaya wadanka Ethopia Casimadiisa Adis-ababa ayaa sheegaya in lagaga doodayo xarunta Mudowga Africa (AU)Sidii Jamhuurayada Somalailand loo aqoon san lahaa ilo Xogogaal ah ayaa Hadhwanaagnews u Cadeeyay inay Wadamada ugu Quwada wayn Qaarada Africa iyo Wadano ku yala Geeska Africa iyo Africadda dhexe ayaa shirkaasi Sicad oo wadix ah oo Gabasho Lahayn uga sheegay in Somaliland La oqoonsado arintani oo ka danbaysay Xubno katirsan AU-da oo Booqasho ku tagay Todobaadkii hore Wadanka Somaliland,Xubnahan ayaa ahaa kuwo in dhahooga kusoo arkay siday Somaliland ugu Bisi shahay ama ay ugu Qalanto in aqoonsi degdeg ah lasiiyo oo ay siiyaaan AU-du,dhinaca kale Warar ayaa sheegaya inay arintaasi soo dhaweeyeen wadamada Reer Gelbeedka ah,hadaba arintani ayaa noqotay Mid Dhabarjab wayn ku noqotay Maamulka Dibad joogta ah ee Madaxda ka yahay Col:C/Laahi Yusuf,Maamulkan ayaa ahaa Mid shirka ka qayb galay si uu Taageero ugu helo Ciidamo Lagu Caawiyo oo Taga Magaalada Muqdisho taasi oo ay Ururka AU-du ay ku sheegeen in aan lagayn doonin Ciidamo Kasocdo Wadama Safka hore (Ethopia,DJibouti iyo Kenya)Balse wararku waxa ay intaas ku darayaan in Ciidamo kasocda Wadamada Ugaanda iyo Suudaan lageyn doono wadanka Somaliya iyada oo lasheegay in Qarashka kukacaya Ciidamadaasi inuu ka badan yahay Boqol Milyan oo US Dallers ah balse waxaan lasheegin halka dhaqaalaha intaas la,eg laga keeni doono iyada oo wadamada Africaanku ay latacaalayaan Ciidamada ay geeyeen koonfurta Suudaan ee Daafuur Loona la yahay Qarash lagu sheegay Sodon Milyan in uu ku kacaayo oo Dolorka Maraykan ka ah.

 

Hadhwanaagnews

Adis-ababa,Ethopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Raisal Wasaare Geedi oo Beeniyey in Midowga afrika ay Wadaan Shirqool ay Ku Aqoon Sanayaan Maamulka Hargeysa.

 

Raisal Wasaaraha Dawladda Soomaaliyeed Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa Cadeeyey in aysan Jirin Shirqool ay Wadaan Midowga Afrika oo La Doonaayo in Lagu Aqoonsado Maamulka Hargeysa.

 

Mr Geedi oo Waraysi Dheer Siiyey Saxaafadda isagoo Ka Warbixinaaya Shirkii Dhawaan Ka Dhacay Adisa Ababa Wadanka Etobia Shirkaas oo ay Dawladaha Afrika Ku Ansixiyeen in Ciidamo Deg Deg ah Loogu Diro Soomaaliya.

 

Mr,Geedi ayaa Sheegay in Dawladaha Aduunku Dawladda Soomaaliyeed Ka Caawin Doonaan Amaanka, ayna Hubka Soomaalidu isu Haysato iyaga Loo Dhiibi Doono, isla Markaana ay Tegayaan Ciidamada Badbaadada Aduunka ama Afrika Gobolada Soomaaliya oo Dhan.

 

Mar Wax Laga Waydiiyey Wefti Dhawaan Tegay Hargeysa oo Afrikaan ah iyo inuu Jiro Aqoonsi ay Afrika Doonayso in La Siiyo Maamulka Riyaale ayuu Sheegay Raisal Wasaare Geedi in aysan Jirin arinkaasi Mr, Geedi oo isticmaalay Marar Badana Ku Soo Cel Celiyey Erayga Hargeysa aadka Looga Jecel Yahay Ku Dhawaaqidiisa ee ah Soomaaliland ayaa Yidhi Soomaaliland Waa Dhul Nabad ah Goboladaasi.

 

Sidoo Kale Wuxuu Sheegay Geedi inuu Ka Soo Shaqeeyey Goboladaas uuna Ku Amaanayo Nabadda Ka Jirta isagoo isticmaalayey eryagii ahaa Soomaaliland inkastoo uu Sheegay in Weftiga Afrikaanka ah ee Tegay Hargeysa uu u Sheegay isaga in ay Doonaayeen ama ay Wadaan in uu Furmo Wadadii Wadahadalka ee Maamulka Hargeysa uga Mid Noqon Lahaa Dawladda Soomaaliyeed ee Hadda Dhisan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this