Abdiyare Posted August 6, 2003 Koox dalxiisayaal ah oo ka socda wadanka Ingiriiska oo ku sugan Gobolka Sanaag.Aug-05-03 HWN: Waxaa maalmahan ku sugnaa gobolka Sanaag gaar ahaana magaalada Ceerigaabo koox dalxiisayaal ah,oo ka soo kicitimay dalka Ingiriiska kuwaasoo ujeedada dalxiiskoodu tahay sidii ay u daawan lahaayeen kaymaha quruxda badan ee Gobolka Sanaag,Buurta Daalo,geedaha dayibka ah iyo ugaadha kala gedisan. Kooxdan dalxiisayaasha ah ayaa ku wareegay qaybaha kala duwan ee magaalada Ceerigaabo iyo deegaanka ku gedaaman waxaanay sheegeen in ay aad ula dhaceen waxa ay ku arkeen gobolka Sanaag,iyagoo intaasna ku daray inay ka heleen jawiga cimilada ee gobolkaa iyo dadka ku dhaqanba. Kooxdan dalxiisayaasha Ingiriiska ah oo ku qaadanaya fasaxooda si ay daraasad ugu sameeyaan gobolka Sanaag iyo guud ahaanba Somaliland ayaa waxay xuseen in nabadgelyada Somaliland ka jirtaa ay tahay mid heer sare ah waxaanay sheegeen in ay meel kasta oo ay jeclaysteenba soo mareen waxyaabo ay jeclaysteena ay arkeen kuwaasoo ku amaanay dadka Somaliland sida ay uga suurogaliyeen wadankooda nabad caam ah. Dhianaca kale ,waxaa waayadan dambe ku soo qulqulayay Somaliland dad kala duwan oo ka soo jeeda beesha caalamka kuwaasoo badanaa indha indhayn u yimaada Somaliland,iyadoo ay intaasi dheer tahay arday ajanabi ah oo cilmi baadhis u yimaada Somaliland kuwaas oo sida ay sheegeen markii hore ugu bixi jiray cilmi baadhistaa wadamada kale ee Afrika,laakiin sheegay in ay ka heleen J.Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites