Liqaye Posted January 5, 2007 Starting on saturday the T.F.G will start disarming mogadishu by force, any posts on this matter should be done here so as to make it easier for people to know what is going on. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted January 5, 2007 Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay maalinta Sabtida ee soo socota Hubka xoog uga dhigeyso Dadka Muqdisho Khamiis, January 04, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay maalinta sabtida ah bilaabi doonto howlgal ay ku uruurineyso hubka, iyadoo howlgalkaasina ay wada fulinayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka. Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in ay dowladda go’aankaas qaadatay kadib markii ay dadka ka dhego adeygeen amar ay siisay oo ahaa in ay hubka iska dhigaan, isla markaana ay kala geeyaan Xarunta Villa Baydhabo iyo Dekeddii hore ee Muqdisho. Wasiir ku xigeenka waxaa uu sheegay in ay dhamaatay mudadii ay dowladda u qabatay oo seddex maalmood ahayd, ilaa iyo haatanna aysan jirin wax hub ah oo xarumahaas la geeyay, sidaas darteedna wuxuu sheegay in ay dowladda ku qasban tahay in ay xoog hubka ku qaado. Wuxuu intaa ku daray Wasiir ku xigeenka in dowladda Federaalka ay leedahay awood ay hubka ku qaaddo, isagoo xusay in ay awooddaas u sii dheer tahay sida uu u yiri awoodda ciidamada dowladda ay saaxibada yihiin. Maalinta berri ah ayuu sheegay Salaad Cali Jeelle in ay ku darayaan mudadii ay u qabteen dadka Muqdisho inay hubka isaga dhigaan, isagoo sababta ay ugu darayaana ku sheegay in ay dadka Soomaaliyeed iska Jimceystaan oo ay Salaadda Jimcaha tukadaan. Salaad Cali Jeelle waxaa uu ka codsaday dadka Muqdisho ku dhaqan in ay la shaqeeyaan, isla markaana ay u soo sheegaan meelaha uu hubka yaallo, si ay ugu sahlanaato ciidamada dowladda in ay qaadaan, wuxuuna carrabka ku dhejiyay in ay maalinta Sabtida ah hubka intiisa badan qaadi doonaan, inta soo hartayna maalmaha kale ee ku xiga. Laakin waxaa la isweydiin karaa mudada ay u qabatay Dowladda Federaalka dadka Muqdisho inay hubka isaga dhigaan ma tahay mid ku filan, waxaa su’aashaasi ka jawaabaya Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo sheegaya in ay mudadaasi tahay mid aan ku filneyn, wuxuuna caddeeyay in marka la qaadayo loo baahan waqti iyo qorshe lagu qaado, walow uu isagu dhowr jeer ku cel celiyay in hubkiisa uu ku wareejinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted January 5, 2007 Dadka ku dhaqan Muqdisho oo ka walaacsan Iska horimaadyo laga cabsi qabo iney ka dhashaan hub ururinta qasabka ah ee dowladda federaalka ka fulineyso caasimada Dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxa saacadihii ugu dambeeyey soo food saaray cabsi iyo walaac fara badan oo ay ka qabaan iska horimaadyo ka dhalan kara hub ururinta dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay iney maalinta beri ah si qasab ah uga fulineyso gudaha magaalada Muqdisho ka dib markii ay dhamaatay 3-dii maalmood ee ra'isul wasaare Cali Maxamed Geeddi uu u qabtay qeybaha kala duwan ee bulshada Muqdisho in hubkooda ku soo wareejiyaan dowladda federaalka loona cayimay baro hubkaasi la isugu geeyo, iyadoo dadkuna ay arintaasi fikrado kala duwan ka bixiyeen. Arintan ayey dad badan u arkaan mid lagu deg degay oo xiligeedii si aad ah uga soo hormartay, iyagoo iswydiinayaa sababta dowladda federaalku markii ay timid magaaladan Muqdisho ay ugu deg degeyso in hubka ka dhigis laga sameeyo magaalada Muqdisho, xili aysan waxba ka qaban xaalada amaanka caasimada oo faraha ka baxay tan iyo intii dowladda federaalka oo kaashaneysa ciidamo Itoobiyaan ah ay la wareegtay gacan ku heynteeda, iyadoo magaaladana ay ku soo bateen falal isugu jira dilal dhac iyo isbaarooyinkii lacagaha baada ah looga qaadi jiray gaadiidka oo meelo badan dib loogu soo celiyey, kuwaasoo magaalada laga waayey mudadii 6-da bilood aheyd ee golaha maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ay gacanta ku hayeen caasimada iyo qaar ka tirsan gobolada dalka, waxaana dad badan ay qabaan haddii ay hubkooda wareejiyaan iyadoo nabadgelyadoodana aysan jirin cid damaanad qaad buuxa ka bixineysa in taasi ay la mid tahay in burcada loo beylihiyey xoolahoooda iyo naftooda oo hubkii ay isaga difaaci lahaayeena laga qaaday, waxayna dad badan u arkaan in hubka laga qaado xiligan uu gacanta u geli doono koox gaar ah. Dhinaca kale, hub ururinta ku kooban magaalada Muqdisho oo dalka intiisa kalena aaney la qabin ayaa la rumeysan yahay in jawi kalsooni la'aan ah ay ka dhex abuurayso beelaha qaarkood oo weli kala shakisan, iyadoo taa bedelkeedna ay dad badan tilmaamayaan iney ka haboonaan laheyd in marka hore dowladdu abuurto jawi nabadgelyo iyo mid dib u hehiisiineed oo abuuri karta kalsooni ay dadku hubkooda ku soo wareejiyaan, iyagoo ka digaya haddii beelaha qaar hubka laga qaado, kuwo kalena loo daayo ay taasi noqon doonto mid cadaalad daro ah oo keeni karta in mar kale ay dagaalo ka qarxaan magaaladan Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee dhaliisha loo jeedinayo dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan hub ka dhigidsa qasabka ah ee maalinta beri ah la shaaciyey in laga fulinayo magaaladan Muqdisho ayaa sii xoogeysanaysa, iyadoo waxgarad badan oo ku dhaqan caasimada ay dowladda kula talinayaan in arintan aan lagu deg degin oo marka hore nabadgelyada ay tahay in wax laga qabto, qorshe mar kaliya hubka looga wada dhigayo guud ahaan dalkana la sameeyo, si dadku ay ugu wada qancaan oo iyagoo raali ah ay hubkooda ugu soo wareejiyaan gacanta dowladda, waxaana waxgaradkaasi ay uga digeen dowladda federaalka Soomaaliya haddii ay ku dhaqaaqdo sida ay hadda wax u wado in taasi ay keeni karto in beelo badan ay bilaabaan iney is difaacaan, iyagoo u arkaya in hub ka dhigis iyaga u gaar ah lagu sameynayo, taasoo horseedi karta in iskam horimaadyo cusub oo lagala horyimaado dowladda federaalka, xili aysan weli kasban kalsoonida shacabka marka la eego waxqabadkeeda. Xafiiska Muqdisho Dayniile.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted January 5, 2007 Geedi oo sheegay in hub ka dhigista gobollada oo dhan laga hirgelinayo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted January 5, 2007 Ra’iisal Wasaare Geedi oo maanta Qudbad Niyad dhis ah u jeediyay Qaar ka mid ah Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Jimco, January 05, 2007(HOL): Ilaa 3837 Askari oo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu rigeeyay Barxadda Xaruntii Xisbiga ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ugu qudbeeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu horkacayay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi. Ciidamada la isugu geeyay Xarunta Xisbiga oo aaney ahayn markii ugu horyesya oo halkaasi loogu qudbeeyo ayaa waxay isugu jireen kuwo howl-gab noqday, kuwo ku sii socda iyo kuwa weli shaqeyn kara balse aan daryeel heysan. Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamuud Salaad Nuur ayaa Ciidamadaas u qudbeeyay waxayna u jeediyeen hadal niyaddooda dib u soo nooleeyay oo ahaa in la tayeynayo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa u sheegay Ciidamadii uu la hadlayay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dooneyso Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed in ay noqdaan sidii ay ahaan jireen xiligii hore, wuxuuse ka codsaday Ciidamada in ay diyaar u noqdaan in ay la shaqeeyaan Dowladda, iyadoo dowladdana ay xuquudooda miiska saari doonto. Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu u sheegay Ciidamadii uu kula hadlay Xaruntii Xisbiga in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu yahay nin Mileteri ah oo aan moogeyn Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga qudhiisana uu yahay Dhal Mileteri, sidaas darteedna ay kalsooni muujiyaan. Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu arko Ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed oo is-abaabulaya, kuwaasi oo sida uu yiri ay xuquuqdooda xaqiri jireen maamulladii dalka soo maray iyo weliba Maxkamadihii Islaamka oo uu ku eedeeyay in ay necbaayeen saraakiisha Ciidamada iyo dadka aqoonyahannada ah. Waxaa uu ku baaqay in laga joojiyo Siyaasadda dowladda Federaalka xanta ah in ay dowladda dooneyso in ay kaliya hub ka dhigis ku sameyso Magaalada Muqdisho, wuxuuna warkaasi ku tilmaamay kuwo aaney waxba ka jirin, wuxuuna caddeeyay in ay dowladda hub ka dhigista dalka oo dhan ka sameyneyso, balse waxa magaalada Muqdisho loogu soo hormariyay ay tahay iyadoo Muqdisho ay tahay Caasimaddii Dalka oo aan la kala lahayn. Wuxuu ku cel celiyay Ra’iisal Wasaare Geedi in ay Ciidamada u diyaargaroobaan ka qeybqaadashada hub ka dhigista iyo sugidda ammaanka, isagoo xusay in ay dowladdu dhawaan dib u howlgelineyso Saldhigyada Booliska, iyadoo maalintii shalay ahaydna la dhaariyay Xubno ka tirsan Golaha Garsoorka Dowladda Federaalka, kuwaasi oo iyana howshooda qabsan doona. Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee kaalmeynaya Dowladda Federaalka, isla markaana ay iska iloobaan wixii kala raacay labada ciidan sanado hore, isagoo caddeeyay in ay Ciidamada Itoobiyaanka iyo dowladdoodaba doonayaan in ay wixii horay u dhacay ku bedeshaan derisnimo wanaag iyo walaaltinimo. Sidoo kalena waxaa Ciidamada la hadlay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka qeybqaataan hub ka dhigista maalinta berri ah ay dowladda bilaabeyso, isagoo sheegay in Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa la rabo in ay dadka hubka ka qaataan, kuna ilaaliyaan. Kulankan dhexmaray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalinta berri ah ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo kuwa Itoobiyaanka ay doonayaan in ay Muqdisho ka sameeyaan Hub ka dhigis ka soo gudubtay seddex maalmood oo dadka Muqdisho degan loogu baaqay in hubka iska geeyaan Xarunta Villa Baydhabo iyo Dekeddii hore ee Muqdisho. Ugu dambeyntiina Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tan iyo markii ay bur burtay Dowladdii hore aan helin wax daryeel ah ayaa maanta waxay awoodi waayeen in ay Qudbaddii Mas’uuliyiinta dhegeystaan iyagoo taagan, iyagoo sida sawirka ka muuqda iska fariistay markii ay cabaar taagnaayeen. Xiligii Dowladdii Carta ee uu Madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan ayay heleen xoggaa daryeel ah, intii ka dambeysayna waxaa loo sheegi jiray qudbooyin ballanqaadyo wata oo aan wax loogu qaban, waxaana horay isugu keenay Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho ee Dowladda Federaalka ka tirsanaa xiligii ay Dowladda Federaalka Muqdisho iyo Jowhar kala deganeyd iyo Maxkamadihii Islaamka oo soo xusuustay markii ay dagaalka la gelayeen Ciidamadii Itoobiyaanka ee ka awood roonaaday, maanta oo ugu dambeysayna waxay ballanqaad kale ka heystaan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadana la eegi doono waxa ay u qabato. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted January 5, 2007 Dadka ku nool Gobalka Banaadir oo siyaabo kala duwan oga hadalay qaabka loo qaadayo Hubka yaala Magaalada Muqdisho January 05- 2007 HornAfrik, Mogadishu Dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa ku tilaamay arrinta hub aruurinta ee laga samaynayo gudaha Magaalada Moqdisho inay tahay mid u gaar ah oo kaliyah Magaalada tan Muqdisho islamarkaana ayna la qabin gobalada kale ee dalka Soomaaliya. Iaydoo maalinta barintana ay shaaca kaqaaday dowlada KMG ah inay bilaabi doonto howl galo hubka lagu aruurinayo kagadaal markii ay mudadii 3 cesha aheed ay ku e keed shalayto. Inta badan dadka reer Muqdisho oo iyagu ku kala sugan Meelaha la iskugu yimaado ee Magaalda Muqsdidho ayaa waxay siyaabo kala duwan oga hadleen qaadbka ay u arkaan sida suura gal ay u tahay in hubka la aruuriyo Waxaana dadka qar ay sheegayaan inay tani tahay mid lagu degdegay xiligaana aan loo baahnayn in qaabkaan loo aruuriyo iyadoo islamarkaan ay gobalada qaarkood ay si aad ah u buuxaan hub.kale Qaar kamid dadkaasi oo Hornafrik u waramayey iyagoo jooga Goobahooda Ganacsiga ayaa sheegay intooda badan arrinta hub aruurinta ee dowladdu ka dhawaajiday inay tahay mid lagu deg degay islamarkaana waxa ay sheegeen in ka hor loo baahnaa in ay wax qabato Amaanka si loo helo isku halayn loo dhiibi hubka Cilmi dheere oo asagu ah dadka Ku dhaqan Gobalka Banaadir ayaa Hornafrik u sheegay ama ku timaamey in arrinta hub aruurintu tahay mid wanaagsan balse loo baahnaa ka hor in Amaanka waxlaga qabto. Halka dadka qaarna ay aaminsan yihiin inay haboontahay in dadka qoryaha haysta la dhiira galiyo si markaas ay u sahlanaato in si fudud looga aruuriyo Hubka Magaalada oo dhan Inaksoo dakaan ay diidanaasho ka muujinayaa hubka in laga aruuriyo ayaa horey Ray'san wasaaraha Dowlada KMG ah Soomaaliya Cali Maxmed Geedi waxa uu labdii bishaan ayni ku jirno uu sheegay in hubka yaala Magaalada Muqdisho la iskugu geeyo goob uu cayimay xiligaas mana jiraan ilaa iyo hada cid si toos ah u gudbsay hub iyadoo wasiir kuxigeena gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle uu sheegay in maalinta barita ah oo ay taariikhu ku beegantahay January 05- 2007 laga bilaabi doono hub aruurinta Magaalada Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted January 6, 2007 C/llaahi Sheekh Xasan “Hub ka dhigista waxaa sameyn kara ciidan Qaran oo lagu kalsoonaan karo, reer Puntland reer Muqdisho hubka kama dhigi karaan….” Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo ka mid ahaa gudigii hubka ka dhigista ee shirkii Nairobi ayaa ka hadlay hubka dhigista ay dowladda federaalka ah ku dhawaaqday in ay ka hirgalinayso magaaladan Muqdisho ayaa sheegay in isagu uu qabo hub ka dhigista in loo wajaho si xeeledeysan oo laga fogaanayo eex, iyadoo laga fogaanayo wixii xasaasiyad abuuri kara. “Axdiga ku meel gaarka ah ee lagu soo heshiiyay waxa u qabaa in arrinta hubka dhigista loo wajaho si xeeladaysan oo ku jirin eex iyada oo laga fogaanayo wax keeni kara xasaasiyad hubka dhigistana laga hirgaliyo goob kasta hal maalin iyo hal saac xattaa aan u dhaxayn karin daqiiqado” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo intaa ku daray in loo baahan yahay in arintaaso in meelo gaar ah aan lal beegsanin. “Haddii aan axdiga lagu heshiiyay la raacin waxaa imaan kara wax aan wanaag ahayn, waxaan xusuustaa hadal u dhawaan yiri Cadde Muuse oo ahaa sidan (maxkamadaha waxaan u arkaa ****** shaar diimeed soo gashaday) marka anaga waxaan u aragnaa ciidamada hub ka dhigista sameyanaya ee Putland oo shaar Itoobiya soo gashaday isla markaana dowlad sheeganaysa hubka dhigistana waxaa samayn kara ciidan Qaran oo lagu kalsoon yahay, Reer Putland reer Muqdisho hubka kama dhigi karaan sababtoo ah adinka waxaad tihiin reer Puntland anagana waxaan nahay reer Muqdisho” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo intaa raaciyay “Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Puntland waxay dagaal ka soo bilaabeen Puntland ilaa Xamar ay ka yimaadaan ma jirin meel ay hub ka dhigis ka sameeyeen haddiiba hubka la dhigayo waa in laga soo bilaabaa Soomaali-land ka dib Putland sidaasna lagu yimaadaa Muqdisho ma jirto in cirifka hore laga soo gudbo cirifka kale laga bilaabo” ayu yiri C/llaahi Sheekh Xasan. Xigasho Xog-Ogaal Cabdishakuur Cilmim Xasan, Muqdisho, Somalia cabdishakuur48@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted January 6, 2007 Dad ka careysan hub uruurinta dowladdu sheegtay iney ka bilaabeyso Muqdisho oo gooyey qaar ka tirsan waddooyinka caasimada Qaar ka tirsan waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa saaka markii hurdada laga soo toosay la arkay iyagoo go'an kadib markii saqdii dhexe xalay ay ku gubeen taaayero iyo waxyaabo kale dadweyne ka careysan hub ururinta dowladda federaalku ay horey u shaacisay in maanta laga bilaabayo magaaladan Muqdisho, inkastoo ay saaka soo baxday in dib loo dhigay. Waddooyinka saaka la gooyey oo ay ka mid ahaayeen Km-4 ilaa Warshada caanaha iyo waddada wadnaha ayaa sidoo kale yiilay dhagxaan iyo waxyaabo kale oo lagu gooyey, iyadoo gaadiidka dadweynahana ay meel gees ah ka marayeen waddada, iyagoo qaarkoodna dhex jibaaxayey waddooyinka yar yar ee xaafadaha ku yaala iyagoo ka baqaya in dad careysan ay waxyeeleeyaaan baabuurtooda. Dadweyne fara badan ayaa saaka iyagoo raxan raxan u socda hor tubnaa hareeraha waddooyinka iyagoo ay ka muuqatay caro iyo niyad jab ay ka qabaan qaabka ay dowladda federaalku u wajaheyso hub uruurinta ay sheegtay iney ka bilaabeyso magaaladan Muqdisho oo ay tilmaameen iney ka muuqdaan dhaliilo shaki badan abuuray, isla markaana ku soo beegantay xili ku habooneyn oo dowladda federaalkuna aysan wax la taaban karo ka qabaninin nabadgelyada, xasiloonida iyo dib u heshiisiinta. Cabdishakuur Cilmim Xasan, Muqdisho, Somalia cabdishakuur48@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites