Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Isku Shaandheyn Lagu Sameeyey Golaha Wasiirrada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday isku shaandheyn lagu sameeyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, iyadoo la magacaabay mas’uuliyiin cusub oo xilal kala duwan loo wareejiyey.

Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka 2-aad ee XFS.

Cabdisalaam Cali Dhaay, oo horey u ahaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka 2-aad ee XFS, ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFS.

Axmed Macallim Fiqi, Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee XFS, ayaa loo wareejiyey jagada Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS.

Isbeddelkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta shaqada xukuumadda, iyadoo la isku dayayo in lagu dardargeliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla dowladda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this