Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo sheegtay in ay diyaar u tahay inay joojiso dagaalka Qasa, haddii ay Xamaas shuruudeeda oggolaato

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Israa’iil Zeev Elkin Xukuumadda Netanyahu waxay diyaar u tahay in ay si degdeg ah u joojiso dagaalka marinka Qasa si ay dib ugu soo laabtaan dadku .

Shuruudda arrintaas ay ku xirayaan ayuu sheegay inay tahay in Xamaas ay xukunka iyo maamulka Qasa bannayso oo ay hubka dhigaan, balse Xamaas dhankeedu diyaar uma aha inay hubka ka dhigto, arrintaasina ma aha mid ay ku gorgortamayaan sida ay masuuliyiinteedu horay u sheegeen.

Israa’iil ayaa sanadkii labaad xasuuq ka wadda marinka Qasa, ayadoo tirada dhimashadu ay 50 kun oo qof sare u dhaaftay, islamarkaana dhismeyaashii marinka Qasa ay gebi ahaanba burbureen.

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this