Deeq A. Posted yesterday at 03:12 AM Wasaaradda gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya waxaa dhowaan loo magacaabay danjire Axmed Macallin Fiqi, ka dib isku shaandhayn lagu sameeyay qaar kamid ah golaha xukuumadda. Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo hadda ah Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS ayaa horay u soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed, ayadoo lagu ammaanay hawlkarnimo shaqo iyo firfircooni hoggaamineed. Wasiir Fiqi ayaa horay u soo qabtay xilka Agaasimaha Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka, waxayna masuuliyiintii la soo shaqeeyay ku tilmaameen mid kamid ah madaxdii ugu waxqabadka feecnaa ee soo maray NISA intii lagu jirey sanadihii 2012 iyo 2013 oo kamid ahaa xilliyadii ugu adkaa nabadgelyada dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Wasiir Fiqi sidoo kale wuxuu mar ahaan jirey Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug, ayadoo lagu xasuusto dib u habayntii laamaha ammaanka maamulkaas iyo kaalintii uu ku lahaa xoojinta Wada-shaqeynta hay’adaha nabadgelyada Puntland iyo Galmudug. Intii Wasiirka arrimaha gudaha ahaa sidoo kale wuxuu kaalin weyn ka qaatay wajigii koobaad ee dagaalkii kooxda Al-Shabaab looga saaray degmooyin iyo badan oo ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle. Fiqi dadka si feecan u yaqaani waxay ku tilmaameen nin wax weyn ka badeli kara Wasaaradda gaashaandhigga oo sanadihii dambe la durayay tayada hoggaamineed iyo habacsanaan shaqo. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites