Sign in to follow this  
General Duke

Arab league supports TFG denounces clowns...

Recommended Posts

MUQDISHO: Caamir Muusaa: "Caalamka waxaan ugu baaqayaa inay taageeraan dowladda Soomaaliya ayna ka caawiyaan sidii..."

Posted to the Web Apr 04, 18:11

 

Muqdisho (PP) – Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in kooxaha xag-jirka ah ee ay sheegeen inay ku sugan yihiin Soomaaliya aysan wax kaalin ah ku yeelan shirka dib u heshiisiinta Qaran ee ka dhacaya bishan bartamaheeda Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Caamir Muusaa oo ah Xoghayaha Guud ee Jamciyadda Carabta oo ka qabgalay kulankii Kooxda xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya oo ka dhacay Qaahira ee looga hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa ka sheegay in kooxo uu ugu yeeray inay yihiin kuwo xag-jir ah oo xiriir la leh Argagaxisada kuna sugan Muqdisho aysan wax nasiib ah ku yeelan shirka dib u heshiisiinta Qaran ee ka dhacaya Muqdisho bishan April.

 

“Caalamka Waxaan ugu baaqayaa inay taageeraan dowladda Soomaaliya ayna ka caawiyaan sidii ay u dhisi lahayd hay’adaheeda shaqo, isla markaana ay gacan ku siiyaan sidii ay uga hortagi lahayd kooxaha ka wada Soomaaliya rabshadaha” ayuu yiri Caami Muusaa oo hadal ka jeediyay kulankaas.

 

Dhanka kale kulankaas oo uu shir guddoomiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Norway Raymond Johansen ayaa sheegay in la adkeeyo xabbadjoojinta looga dhawaaqay Muqdisho, ayna beesha calaamku ka shaqeyso sidii Soomaaliya loogu dabbaali lahaa nabad iyo kala dambeyn waarta.

 

Xubnihii kulankaas ka qaybgalay ayaa way dhammaantood isku raaceen in xoojiyo nabadda Soomaaliya, isla markaana Dowladaha Afirkaanka ah ay dhameystiraan ciidammadii ay ugu talogaleen in la geeyo Soomaaliya si ay nabad soo celinta qayb uga qaataan, dunidana ay caawiso ciidammadaas Afrikaanka ah ee gaaraya 8-kun oo Askari.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kooxda Xariirka Soomaaliya Oo Ku Baaqay Xabad Joojin Ay Gaaraan Dhinacyada Soomaaliya Isku Haya.

Posted to the MOL April 4, 2007, 7:40 am

 

 

Kooxda xariirka caalamiga ee ariamaha Soomaliya ayaa qoraal ay ka soo saareen gabagabada kulankoodii magaalada Qaahira ee dalka Masar ayay ku baaqeen xabad joojin rasmi ah oo Soomaaliya ka hir gasha.

 

Kooxda waxa ay isla qaateen mowqif adag oo ku aadan taageerida dowlada KMG ah ee Soomaliya , waxa ayna ka digeen in la sii joogteeyo falalka milateri ee wiiqaya dadaalada caalamka ee dhanka bani`aadanimada Soomaaliya.

 

Qoraalkooda waxa ay ku canbaareeyeen kooxaha ay ugu yeereen kuwa mayal adag ee caga jugleynta ku haya hay`aadaha federaaliga ee dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

 

Waxa ay isla garteen in siyaasada ka jira Soomaaliya uu yahay mid beel beel ku saleeysan, iyadoo ay tibaaxeen in aan shirka dib u hishiisiinta laga qeyb gilin kooxaha xag jirka ee Soomaaliya.

 

Xog hayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la soo dadajiyo shirka dib u hishiisiinta kaasi oo uu sheegay in uu yahay furaha xalka.

Kooxdaan xariirka Soomaaliya ee kala ah Mareykanka, Ingiriiska ,Talyaaniga, Tanzaaniya ,Swedan, Nowey iyo Qaramada Midoobay ayaa dhinaca kale canbaareeyay dilkii Muqdisho loogu geystay askariga reer Uganda iyo diyaaradii lagu soo riday Muqdisho ee laga lahaa dalka Belarusia .

 

Waxa ayna kooxda isla gaartay in la taageero ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya loo dirayo si ay u suura gasho in Soomaaliya ay ka baxaan ciidamada Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in kooxaha xag-jirka ah ee ay sheegeen inay ku sugan yihiin Soomaaliya aysan wax kaalin ah ku yeelan shirka dib u heshiisiinta Qaran ee ka dhacaya bishan bartamaheeda Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Xoghayaha Guud ee Jamciyadda Carabta Caamir Muusaa oo hadal ka jeediyay shirka Kooxda xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya oo ka dhacay Qaahira ee looga hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa ka sheegay in kooxo uu ugu yeeray inay yihiin kuwo xag-jir ah oo xiriir la leh Argagaxisada kuna sugan Muqdisho aysan wax nasiib ah ku yeelan shirka dib u heshiisiinta Qaran ee ka dhacaya Muqdisho bishan April.

 

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Norway Raymond Johansen oo shirkaas socoshadiisa madax ka ahaa ayaa sheegay in la adkeeyo xabbadjoojinta looga dhawaaqay Muqdisho, ayna beesha calaamku ka shaqeyso sidii Soomaaliya loogu dabbaali lahaa nabad iyo kala dambeyn waarta.

 

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

 

xuurshe114@hotmail.com

 

Muqdisho-Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
ka sheegay in kooxo uu ugu yeeray inay yihiin kuwo xag-jir ah oo xiriir la leh Argagaxisada kuna sugan Muqdisho aysan wax nasiib ah ku yeelan shirka dib u heshiisiinta Qaran ee ka dhacaya Muqdisho bishan April.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

As colonel Gadaffi said:

 

" The Arab league agenda is set by Condoleeza Rice". The are of no particular importance, when it comes to Muslim matters. The very presence of American enovys shows who was behind the talk. I remember they also condemned the Hezbollah seizing of two Israeli soldiers. They have no sway or importance on Somali matters period!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this