Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudi Carabiya oo hakisay fiisayaasha Xajka ee 14 dal oo Soomaaliya ay ku jirto

Recommended Posts

Deeq A.   

Jeddah (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si kumeel-gaar ah u hakisay bixinta fiisayaasha Xajka muwaadiniinta kasoo jeeda 14 dal.

Kahor bilaabashada xilliga Xajka ee 2025, waxa uu Sacuudiga hakiyay fiisayaasha dalal ay kamid Iiraan, Nigeria, Itoobiya, Soomaaliya, Koongo, Liibiya iyo Suudaan.

Go’aankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Sacuudi Carabiya ku dooneyso in ay ku xoojiso ammaanka gudaha iyo maaraynta tirada badan ee xujeyda isugu yimaada sanad walba mid ka mid ah isu-imaadyada ugu weyn dunida ee diimeed.

Sida ku cad awaamiirta cusub ee la soo saaray, muwaadiniinta kasoo jeeda dalalkan la hakiyay ma heli doonaan fiisayaal noocyadooda Cumrada ama booqashada muddada lagu jiro xilliga Xajka.

Intaa waxaa dheer, Sacuudi Carabiya waxay digniin adag u dirtay dadka kasoo jeeda dalalkan, iyadoo sheegtay in qofkii lagu qabto inuu ku negaado gudaha dalkaasi isaga oo dhaafay muddadii fiisihiisa uu wajahayo ciqaabo adag sida ganaax lacageed, xabsi, iyo masaafurin.

Hay’adaha ammaanka Sacuudiga ayaa sidoo kale digniin siiyay dhammaan booqdayaasha kale, iyagoo xusuusiyay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo ilaaliyo sharciyada socdaalka iyo xeerarka dalka.

Sacuudiga ayaa sheegay in talaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah badbaadada xujeyda, si looga hortago culeysyada ama khataraha ka dhalan kara xad-dhaafid tirada dadka imanaya inta lagu jiro Xajka.

Xeerarkan cusub ayaa si gaar ah diiradda u saaraya hubinta nidaamka, badbaadada iyo ilaalinta tartiibka isu-imaatinka xujeyda sanadkan, taasoo qeyb ka ah istiraatiijiyad ballaaran oo Boqortooyadu ku dooneyso in ay ku maareyso arrimaha Xajka mustaqbalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this