Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo ku baaqay in laga hortago go’aanno qaraar oo Soomaaliya ku soo wajahan

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa markale ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee ay Soomaaliya marayso iyo go’aamada adag ee horyaalla madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah, loona baahan yahay in la qaato go’aamo mideysan, ka hor inta aysan beesha caalamku qaadan go’aamo aan dan ugu jirin siyaasiyiinta iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

“Dal boqorogaando laguma maamulo, xaqiiqdana waa in la wajahaa. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in ay xaqiiqda indhaha la raacaan. Haddii taas la waayo, waxa dhici doona xaalad ka sii xun oo aan cidna dan ugu jirin. Kahor inta aysan taasi dhicin, aan miiska wadahadalka isugu nimaadno,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay: “Cid kasta oo diyaar u ah in ay dalkooda kaalin togan ka qaadato ha laga aqbalo, haddii uu sax yahayna waa loo oggolaanayaa, haddii kalena walaalihiis ayaa ka qabanaya. Kala qoqobid meesha ma taallo, reer Puntland-na waxay diyaar u yihiin in kaalintooda ay si cad u muujiyaan.”

Hadalka Deni ayaa yimid laba maalmood kadib markii uu shuruud ku xiray ka qayb-galka shirka dhowaan lagu qaban doono magaalada Muqdisho, kaas oo uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Deni ayaa sheegay in Puntland ay sii maqnaan doonto inta ay dowladda dhexe uga soo laabaneyso heshiisyadii ay horay uga baxday, kuwaas oo sababay khilaafka labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland ayaa si cad u sheegay in uusan ka qayb-gali doonin Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado inuu ka dhaco Villa Somalia kowda bisha May, shirkaas oo uu guddoominayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madasha Wadatashiga Qaran waxa aan uga maqanahay waa wixii lagu heshiiyey oo laga leexday. Ilaa lagu soo noqdo wax heshiis ah, cidina dib uma noqonayso. Xasan Sheekh ha ka dhabeeyo ballanqaadkii gogosha, hana ku soo laabto wixii lagu heshiiyey,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xarriiqay in gogoshii uu horey Garoowe u dhigay ay weli taallo, isla markaana ay diyaar u yihiin wada-hadal iyo heshiis dhab ah.

Madaxweyne Deni ayaa ka maqnaa shirarka Golaha Wadatashiga Qaran tan iyo bishii December 2022, kadib markii uu sii xumaaday khilaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka. Xiriirka labada dhinac ayaa si weyn u xumaaday, iyadoo wada-shaqeyntii iyo isgaarsiintii hoos u dhac weyn ku yimid sababo la xiriira khilaafaadka siyaasadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this