Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Somaliland oo shaacyey in uu ka fogaanayo colaadaha ka aloosan…

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa si cad u sheegtay inaanay qayb ka noqon doonin colaadaha ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan dagaalka Gaza.

Tani waxay timid kadib markii warar soo baxay ay muujinayeen in Maraykanku doonayo in qayb ka mid ah dadka reer Gaza loo raro Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Daily Euro Times ku sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay iskaashi caalami ah, balse aysan diyaar u ahayn inay gasho wax khilaaf hubeysan oo saameynaya Bariga Dhexe.

Cabdiraxmaan wuxuu si cad u sheegay in Somaliland aysan aqoonsigeeda u adeegsan doonin sidii badeeco la kala bedelanayo, balse ay ku istaagi doonto mabda’ iyo sharaf. Wuxuu carabka ku adkeeyay in aqoonsigu u baahan yahay inuu ku salaysnaado xaq-dhowrka qarannimada iyo doonista shacabka Somaliland.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray inay Somaliland mar walba diyaar u tahay wadahadal kasta oo lagu dhisayo nabad iyo iskaashi caalami ah, balse aysan aqbali doonin in la geliyo gorgortan ku saabsan khilaafaadka murugsan ee Bariga Dhexe.

Dhanka kale, Wasiir Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in Somaliland ay xidhiidh la yeelan karto Israa’iil, haddii ay danta qaranka iyo nabadda gobolka sidaas ku jirto, iyadoo aan la dayacin rabitaanka shacabka Somaliland.

Wararka sheegaya in dadka reer Gaza loo raro Somaliland ayaa soo ifbaxay 14-ka Maarso 2025, kadib markii wakaaladda wararka ee AP ay daabacday in Maraykanka iyo Israa’iil ay ka fikirayaan qorshe lagu rarayo dadkaasi, iyada oo Somaliland, Suudaan, iyo Soomaaliya laga faa’iidaysanayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa beeniyay in Somaliland la ogeysiiyay ama la weydiistay inay qayb ka noqoto qorshahaasi, wuxuuna sheegay in aysan jirin wax wadahadal ah oo arrintaas lagala yeeshay Somaliland.

Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay inaanay Somaliland marnaba u dulqaadan doonin in lagu daro mashruucyo xasaasi ah oo dhaawici kara sumcadda iyo mabda’a qaranka, taas oo uu tilmaamay inay tahay wax laga fiirsado.

Sidoo kale, warbaahinta qaar ayaa horay u qoray in Somaliland ay u dhowdahay inay aqbasho dadka reer Qasa si ay aqoonsi uga hesho Maraykanka, taasoo keentay caro ka dhalatay waddamada Carabta ee taageera Qasa.

Rajada Somaliland ee aqoonsi caalami ah

Warbixin dhawaan uu qoray New York Times ayaa sheegtay in wadahadallo horudhac ah ay socdaan oo u dhexeeya Washington iyo Hargeysa, kuwaas oo ka mid tahay in Maraykanku saldhig ciidan ka samaysto magaalada Berbera, si uu ugu beddelo aqoonsi rasmi ah oo uu siiyo Somaliland.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo in Madaxweyne Trump uu gacan ka geysto aqoonsiga Somaliland, isagoo Trump ku tilmaamay hoggaamiye lala heshiin karo.

Waxaa sidoo kale la filayaa in wufuud sare oo ka socota Somaliland ay u safraan Maraykanka bilaha soo socda, si ay ugu xoojiyaan dadaallada ay ugu jiraan inay helaan aqoonsi rasmi ah oo caalami ah.

Wasiir Cabdiraxmaan ayaa xusay in socdaalkiisii uu dhawaan ku tagay Maraykanka uu qeyb ka ahaa qorshaha lagu kobcinayo xiriirka labada dhinac, isla markaana masuuliyiin Maraykan ah ay u caddeeyeen inay Somaliland ula macaamilaan si toos ah marka ay timaaddo arrimaha gobolka.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa sii labanlaabtay dadaallada ay ku doonayso inay kaga hortagto aqoonsiga Somaliland, iyadoo adeegsanaysa fursado dhaqaale iyo xiriir diblomaasiyadeed oo ay u bandhigayso Washington.

Somaliland waxay ku adkaysatay inay u taagan tahay ilaalinta madax-bannaanideeda, kana go’an tahay inay ka fogaato xaaladaha murugsan ee caalamka, si ay u gaadho aqoonsi rasmi ah oo ay ugu istaagto garab la’aan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this