Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiir Jaamac oo fursadiisa Turkiga ku balaarinaya dekedaha dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Türkiye ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş, isagoo kala hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka horumarinta dekedaha, dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadista adeegyada gaadiidka badda, si loo taageero kobaca dhaqaale ee Soomaaliya.

Wasiir Jaamac ayaa bilaabay olole taageerada Turkiga uu ugu balaarinayo dhanka dekedaha Soomaaliya iyo gaadiidka Badda, maadaama uu dowladda u hayo malafka xiriirka Turkiga.

Waxaa la sheegaa in Wasiir Jaamac uu xiriirka Turkiga uga saameyn badan yahay masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sanadihii uu joogay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo bishii hore laga soo bedelay ayuu Wasiir Jaamac aad ula shaqey jiray Turkiga, waana masuulka ay Turkidu ugu aaminaada badan yihiin.

Hadda wuxuu bilaabay qorshe uu uga faa’iideysanayo xiriirkii adkaa ee Turkiga, wuxuuna raadinayaa fursado ay ku maalgasha karaan dekedaha dalka iyo gaadiidka badda, sida maraakiibta iyo doomaha oo Soomaaliya ay baahi weyn u qabto.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa kulankii maanta markii uu soo dhamaaday aad uga mahadceliyay Dowladda Türkiye taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo adkeeyay go’aanka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa xaqiijiyay diyaar garowga Türkiye ee ku aaddan taageeridda dadaallada horumarineed ee Soomaaliya, isaga oo muujiyay muhiimadda iskaashi waara oo labada dal dhexmara.

Ugu dambeyn, labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo wada-shaqeynta si loo sii dardargeliyo horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jamaac ayaa weli wax laga weydiiyaa danaha ku geedaaman xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana la sheegay in aad uu isaga ilaaliyo in masuul kale uu xiriir iyo galaangal ku dhexyeesho Turkida.

IMG_6907.jpeg?resize=696%2C463&ssl=1 IMG_6906.jpeg?resize=696%2C463&ssl=1 IMG_6905.jpeg?resize=696%2C463&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this