Sign in to follow this  
Deeq A.

Mileeshiyaadka Daacish oo dilay xubno Soomaali ah oo isku dayay in ay ka baxsadaan

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1745739943277.jpg?resize=720%2C40

Wararka ka imaanaya buuraha Calmiskaad gaar ahaanna nawaaxiga Miraale ayaa sheegaya in ay dhexdooda is laayeen firxadka argagixisada Daacish, ee halkaasi ku go’doonsan.

Xubno ka tirsan mileeshiyaadka Daacish oo Soomaali ah ayaa Sabtidii isku dayay in ay baxsadaan, balse waxa meel fog ka toogtay xubno ajaanib ah oo dusha ka ilaalinayay godka ay ku dhuumanayaan, sida ay tilmaamayaan ilo wareedyo amni.

Wararku waxay sheegayaan in kooxdu dishay xubnihii isku dayay in ay baxsadaan oo dhammaantood Soomaali ah, waana markii saddexaad oo ajaanibta Daacish ay dilaan xubno Soomaali ah tan iyo intii uu bilowday hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Calmiskaad.

Dhinaca kale, dowladda Puntland ayaa sheegtay in uu dhammaadyahay hawlgalkii sifaynta firxadka Daacish, islamarkaana uu dhawaan bilaaban doono hawlgalka xiga ee ciribtirka argagixisada Al-shabaab, sida uu Sabtidii shaaciyay madaxweyne Deni.

PUNTLAND POST

The post Mileeshiyaadka Daacish oo dilay xubno Soomaali ah oo isku dayay in ay ka baxsadaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this