Deeq A. Posted 20 hours ago Telefishinka dawladda Iran, ayaa ku warramay inuu qarax weyn ka dhacay dekedda Shahid Rajaee ee magaalada Bandar Abbas oo kun kilomitir koonfurta ka xigta Tehran, iyadoo la sheegay ugu yaraan 47 qof inay ku dhaawacmeen, balse lama sheegin waxa dhaliyay qaraxa iyo dabka qabsaday dekedda Shahid Rajaee. Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Maariv, ayaa isagoo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan Israa’iil, wuxuu sheegay inaysan Israa’iil wax lug ah ku lahayn qaraxa ka dhacay dekedda magaalada Bandar Abbas, ee dalka Iran , halkaa oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 406 qof. Ma jirto warbixin ka soo baxday hay’adaha ammaanka Iran oo lagu soo bandhigay waxa uu ka dhashay qaraxa dekedda Shahid Rajaee. Source Share this post Link to post Share on other sites