Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuseen Deyr oo sheegay in Somaliland ay tahay “dal guulaystay oo ku yaalla mandaqad ay caqabado badani ka jiraan.”

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in Somaliland ay tahay “dal guulaystay oo ku yaalla mandaqad ay caqabado badani ka jiraan.”

Afhayeenku wuxuu tilmaamay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ku naalloonayso amni iyo xasilooni, iyadoo ka badbaaday colaadaha baahsan, fawdada iyo sharci la’aanta hadheeyey deriskeeda Soomaaliya.

Afhayeenka madaxweynaha Somaliland wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter) oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA,waxaannu shaaciyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay dhigtay taariikh horusocodnimo oo ay ku muujisay xasillooni, dimuqraaddiyad iyo koboc dhaqaale, taas oo si cad u kala soocaysa iyada iyo qaar ka mid ah dalalka ka jira gobolka ay ku taallo ee colaaduhu la degeen. Xuseen Deyr, wuxuu ka xaal-warramay in soddonkii sannadood ee la soo dhaafay shacbiga iyo hoggaanka Somaliland oo isku duubani ay sees adag u taageen nabadgelyada isla markaana laga qabtay dalka doorashooyin xor ah oo xukunka la iskugu wareejiyay si nabdoon. “Waxa Somaliland hirgelisay dhaqaale ku sallaysan suuqa xorta ah, isla markaana si wax ku ool ah ula shaqeeyeen saaxiibbada caalamiga ah—iyagoo mar kasta ilaaliya xukunka sharciga, dawlad-wanaagga, xuquuqda aadamaha iyo heshiisyada caalamiga ah,” ayuu ku yidhi Afhayeenka madaxtooyada Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr).

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this