Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland xaq ayay u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaan Fariina u diray maamulka bariga Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20250426-WA0003.jpg

Madaxweynaha Puntland, oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xidhayay ciidamo oo ka qabsoontay Boosaaso ayaa sheegay in dadka reer Somaliland xaq u lee yihiin doodda ku saabsan in ay danahooda ka tashadaan.

Madaxweyne Siciid Deni oo ka hadlayay arrimaha ku aaddan doodda Somaliland ee ku dhisan gooni isu taaga ayaa sheegay in ay xaq u lee yihiin in ay dood keenaan iyo in ay danahooda ka tashadaan,

“Somaliland waa dad iyo degaan aan deris nahay, doodooda anigu halkan waxba ku tiigsan mayo, laakiin xaq bay u lee yihiin in ay dood keenaan danahooda in ay ka tashadaanna xaq bay u lee yihiin” ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay arrinta ku saabsan doodda Somaliland ee ku dhisan goonni-goosadka.

“Somaliland waxaan rabnaa in aan derisnimo kula noolaano, waxaan rabnaa walaalnimo in aan kula noolaano, waxaan rabnaa isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga labada dhinac in uu socdo, waxaan u baahanahay in aad si midaysan dadka Soomaaliyeed danihiisa uga tashanno” ayuu sii raaciyay Siciid Deni.

Waxa kale oo madaxweyne Dani uu fariin kulul u diray maamulka SSC Khaatumo isaga oo sheegay in xiligii dagaalkii Goojacadde ee ay Puntland ka qayb gashay markuu uu dhamaaday in ay SSC Khaatumo sheegeen in gogol la dhigaauo oo cidii ka qayb gashau dagaalkaasi talada wax laga siin doono taasina ma dhicin.

Waxana uu fariin cad uu ugu sheegay in ay cadeeyaan in ay iyagu kaligood tashadeen taasi oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this