Sign in to follow this  
Deeq A.

Taariikhda horay ma u dhacday in ciidamo nabad ilaalin ahi ay dal boqolkiiba boqol nabad ka dhigeen ?.

Recommended Posts

Deeq A.   

Howlgallada nabad ilaalinta ah ee dunida casriga ahi waxay billowdeen sanadkii 1948-dii, xilligaas oo carabta iyo maamulka Israa’iil oo ay dagaallo ka dhex qarxeen ay Qaramada Midoobay u dirtay ciidamo kala dhex gala, waxaana howlgalkaas lagu magacaabi jiray (UNTSO).

Caadiyahan waajibaadka ciidamada nabad ilaalinta ah waxaa kamid ah inay yareeyaan halista nabad-gelyada ee ka jirta dalka loo dirayo, in la ilaaliyo ammaanka dadweynaha, in laga hortago si xun u isticmaalka kheyraadka iyo hantida dadka ka dhexaysa, in xal loo raadiyo dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa dhawaale, in la hirgeliyo nabad-gelyo buuxda, iyo in la kor-joogteeyo heshiis xabbad-joojin ah oo laba dal ay gaareen.

Laga Soo billaabo 1948-dii dhawr dal ayaa ciidamo nabad ilaalin ah loo diray, halka kuwo kalena dullaamo caalami ah lagu qaaday, balse dalalkaas ilaa hadda kuma jiro mid nabad-gelyado buuxdaahi ay ka jirto, waxaana kamid ah DRC Congo, Lebanon, Jamhuuriyadda Afrikada dhexe,koonfurta Sudan, bariga dhexe, Iraq, Mali iyo dalal kale.

Howlgalka nabad ilaalinta ee dunida ugu waqtiga dheeri waa “UNDOF” oo ah ciidamo Qaramada Midoobay ay sabadkii 1973-dii geysay xad beenaadka u dhexeeya Suuriya iyo Israa’iil, balse ilaa hadda dhibaatadii soohdintaas ka jirtay way taagantahay.

Sidoo kale howlgallada “MONUSCO” oo ilaa 1999-kii ka jiray dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa lagu tiriyaa mid kamida howlgallada ugu cimriga dheer, ilaa haddana colaado u dhexeeya dowladda iyo jabhadda M23 ayaa ka socda inta badan gobollada dalka, ayadoo Xukuumadda ay ka taliso caasimadda iyo magaalooyin kale oo aad u tiro yar.

Dalka Lebanon 1978 ayaa la geeyay ciidamo nabad ilaalin ah ilaa haddana xasillooni siyaasadeed iyo nabad-gelyo buuxda midkoodna kama jiro dalkan ku yaalla gobolka Bariga dhexe, waxaana xasradaha gudaha ah u dheer weerarada joogtada ah ee Israa’iil.

Dalalka Mali, South Sudan, Soomaaliya, iyo Iraq, waxaa hadda howlgallada ciidamo shisheeye oo in ka badan 10 sano ku sugnaa, ilaa haatanna ma muuqato guulo wax ku ool ah oo ay ka gaareen soo celinta nabadda, xal u helidda dhibaatooyinka gudaha, iyo burburinta kooxaha dowladda ka soo horjeeda.

Si kastaba ha ahaatee mid xaqiiqda ahi waa in dadka Soomaaliyeed uu xalka dhibaatada haysataahi ayaga gacanta ugu jiro, islamarkaana ciidamo shisheeye aysan wax macne leh u qaban karin.

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this