Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir xasaasi ah oo u furmay madaxda dowladaha ay ciidanka ka joogaan Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Kampala (Caasimada Online) – Magaalada Entebbe ee dalka Uganda waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni ee gobolka, iyadoo la tixgelinayo marxaladda cusub ee ay Soomaaliya wajahayo.

Shirkan ayaa waxaa martigelinaya Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, waxaana uu kulminayaa madax sare oo ka kala socda dalal dhowr ah oo ka qeyb qaadanaya howl-galka nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in la dardar-geliyo taageerada howl-galka cusub ee AUSSOM, kaasoo badalay kii hore ee AMISOM.

Wafdi ka socda Masar ayaa shirkan ka qeyb-galay, iyagoo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi, Dr. Mostafa Madbouly, oo matalaya Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi. Sidoo kale, waxaa madasha joogay Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya iyo mas’uuliyiin kale oo sare.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isna goobjoog ka ah shirkan, isagoo matalaya dal uu ka socdo howlgalka xasillinta ee lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirka, taasoo si gaar ah u taaban doonta xaaladda amni ee dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada oo ugu horreyso Al-Shabaab.

Shirka Entebbe ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad amniyeed oo adag, iyadoo kooxaha xagjirka ah ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka. Arrintan ayaa sii adkaynaysa baahida loo qabo iskaashi amni oo xooggan oo u dhexeeya dalalka gobolka.

Kulankan ayaa loo arkaa fursad muhiim ah oo lagu mideynayo aragtiyada madaxda Afrikaanka ah ee ku aaddan sidii loo heli lahaa maalgelin iyo taageero joogto ah oo lagu dardar-gelinayo howl-galka AUSSOM, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta oo ka hana qaada Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this