Sign in to follow this  
Deeq A.

FBI oo xidhay Garsoore lagu eedeeyay caawinta soo galooti sharci la’aan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

FBI oo xidhay Garsoore lagu eedeeyay caawinta soo galooti sharci la’aan ah Laanta dambi baadhista Maraykanka ayaa xidhay garsoore lagu magacaabo Hannah Dugan oo ka howlgasha gobolka Wisconsin, ka dib markii lagu eedeeyay in ay isku dayday caawinta soo galooti aan sharciyeysneyn oo ka soo muuqday maxkamadeeda si aan loo xidhin. Qoraal la soo dhigay barta X, oo la tirtiray daqiiqado ka dib ayaa agaasimaha FBI Kash Patel uu ku eedeeyay Dugan inay u ogolaatay Eduardo Flores-Ruiz oo u dhashay Mexico, wajahayayna ilaa saddex dambi, inuu ka baxsado qolkeeda maxkamadda. Flores-Ruiz ayaa markii dambe la xidhay, waxaana uu ka soo muuqday maxkamada Milwaukee dhageysi loo qorsheeyay 18-kii Abriil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this