Abdinasir Kadawo Posted May 14, 2009 Garowe,Puntland:Waxa a xafiiska Madaxweynaha DGPl ka soo baxay xeer Madaxweyne oo Lambarkiisu yahay 32,kuna saabsan magacaabida agaasimaha Guud ee hay’adda daryeelka Bulshada Puntland. Magacaaabida Mas’uulkan ayaa waxa ay ka dambaysay ka dib markii ee golaha xukuumadda DGPl ay isku raaceen shirkii Khamiislaha ahaa in la dhiso Hay’ad u adeegta Bulshada Puntland sida Agoomaha,Danyarta,cu ryaamiinta iyo dadka waayeelka ah. Hadaba xeerkan ayaa waxa uu u qornaa sidatan: Xeer Madaxweyne Lr32 ee May10,2009,kuna saabsan Magacaabidda Agaasimaha Guud ee Hay’adda daryeelka Bulshada Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Puntland qodobkiisa 54aad faqradiisa 19aad. Markuu arkay: Baahida weyn ee loo qabo Agaasin guud oo ka hawlgala Daryeelka Bulshada. Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa xaga agaasinka hawlaha bulshada. Wuxuu xeeriyey: 1.in Cabdishakuur Maxamuud Cilmi loo magacaabay Agaasimaha guud ee Hay’ada Daryeelka Bulshada Puntland(Puntland agency for social welfare-PASWE). 2.xeerkani wuxuu dhaqan gelaya marka uu saxeexo Madaxweynuhu. Dr:Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud. Wuuna saxeexay Madaxweynuhu. Quote Share this post Link to post Share on other sites