Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay muhiimada istaraatiijiyadeed ee uu leeyahay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaaha dhexe?

Recommended Posts

Deeq A.   

d1492c80-21bb-11f0-9060-674316cb3a1f.png

Si kastaba ha ahaatee, sarkaal ka tirsan ciidamada – Xuseen Cali ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in mitidiintu ay qabsadeen magaalada Wargaadhi ka dib “dagaal ba’an”.

“Ciidamadeena waxaa ka dhintay 12 nin oo u badan dagaalyahanda qabaa’ilka. Ugu yarran 20 ka mida dagaalyahada alshabab aya sidoo kale la dilay,” ayuu yiri Cali “laakiin aakhirkii Al-Shabaab waxay heleen gurmad dheeri ah waxayna u suurtagashay inay magaalada la wareegaan.

Wuxuu sheegay in ciidanka milatariga Soomaaliya ay la daalaa-dhacayaan dirista gurmad, maadaama waddooyinka ay mari lahaayeen ay maraan deegaano ay maamulaan Al-Shabaab.

Laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda , oo ay garab siinayaan duqeymo cirka ah, ayuu sheegay inay ku guuleysteen in ay dib u qabsadaan qaybo ka mid ah magaalada ilaa duhurkii.

Toddobaadkii hore, Al-Shabaab ayaa weerartay magaalada Aadan Yabaal oo qiyaastii 245 km u jirta waqooyiga Muqdisho, taas oo milatarigu u isticmaalayey saldhig ay kaga duulaan Al-

Maxay tahay muhiimada saldhiga Wargaadhi?

Jeneral Biixi

Xigashada Sawirka,General Maxamed Biixi

Qoraalka sawirka,Taliyihii hore ee Ciidanka Dhulka Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

Deegaanka Wargaadhi, waxaa uu ku yaallaa gobolka Shabeellada dhexe ee maamulka Hirshabelle. Waa deegaan kulansaday dhowr istaraatijiyadood oo muhim ah oo badda iyo berigaba leh, taas oo dadka ku xeeldheer deegaanka ay ku tilmaameen dhuun muhim u ah dhanka isku gooska marka laga eego adeegsiga wadada badda.

“Wargaadhi, waa meel xeebta u jirta 20-KM waa dhul bannaan ah oo xeebta raacsan, deegaanka Masaajid Cali-Gaduud wuxuu u jiraa 20-KM, Nuur-dugle wuxuu jira isla 20-KM, Caddale uwxuu u jiraa 55 ilaa 60- KM, waa meel Istaraatiijiya”ayuu BBC-da u sheegay taliyihii hore ee Ciidanka Dhulka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

Wuxuu intaa raaciyey in Militari ahaan ay tahay meel istaraatiijiyad ah oo ku taalla meel ku haboon u kala gudbinta sahayda ciidanka.

“Ilaa Xarardheere, Ceel dheer, Aadan Yabaal, Daaru-nimca, Al-kowsar, dhulka dhexda ku jira ilaa meesh ala yiraahdo Galcad ilaa dhulkaas ayaa looga kala gudbin karaa sahayda. Garoon diyaaradeed ayaa laga sameeyey oo ay ku dagaan diyaaradaha Qumaatiga u kaca, iyo dhufays weyn ayaa laga sameeyey oo shidaalka iyo raashinka laga daadgureeyo sidoo kale waxaa la gayn karaa ciidamada gurmadka oo meelahas oo dhan meshii wax ka dhacaan u gurman karaa marka waa meel muhiimad gaara ku taalla”ayuu yiri Jeneral Biixi.

Booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Wargadhi

Jeneralka, wuxuu intaa ku daray in badda iyo bariga laga ilaalin karo deegaanka iyo deeganada ku xeeranba.

“Marka iyada la joogo waxaa la ilaalin karaa magaalooyinka aan soo sheegay ilaa Caddaan-lixay, Ruun-nirgood, Masagawaa, Ceeldheer, hoos haddii loo soo daggo Nuur-dugle, Towfiiq ilaa Xaaji Cali guulane, dhulkaas oo dhan baa laga ilaalin karaa laga daadgureyn karaa ciidamada, Ciidamada u socda safarka dheer ilaa Xarardheere ayaa ku nasan kara kuwa ka yimid baa ku nasan kara, waa meel aad ugu haboon gurmadka iyo nasashada ciidanka, shidaalka ka qaadashadiisa waa meel bartanka ah” ayuu intaa raaciyey Jeneral Biixi.

Kooxda alshabaab oo dagaal kula jirta ciidamada dowladda ayuu shegay in iyagu aysan sidaas u adeegsan karin oo aysan awooddaas lahayn.

Waddo muhiim ah oo dhanka xeebta marka kana timaada gobolada Banaadir, Shabeellda dhexe ilaa gaarta bartamaha Soomaaliya oo marta Wargaadhi ayaa ka sii dhigaysa mid leh muhiimad isku socod oo muhim ah.

Sida ay baahisay warbaahinta qaranka bishii Jully sanadkii 2014-kii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday deegaanka Wargaadhi isagoo kormeeray saldhiga ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin Wargaadi.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this