NASSIR Posted May 13, 2008 Col. Indhayare, a former police chief of Puntland expressed a great dismay of the current Puntland Crisis and the dwindling public trust. He calls for an immediate intervention of the international community and urges them to pay a close attention to the growing piracy, instability, inflation and the lucrative human smuggling business. The erosion of public confidence, exacerbated by the recent illegal and merciless extradition of political dissidents who escaped from persecution, have also made it worse. Nowadays, a ragtag militia under the rubric of the "Defense army of Puntland " has repeatedly and indiscriminately been firing civilians in Bosaso. G/ Sare Indha yare oo ku sugan Xafiiskiisa Siyaasi ruug cadaa ah oo Reer Sanaag ah ayaa dhaleeceeyay Puntland Bosaaso:-Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Puntland G/Sare Maxamed Jaamac Maxamuud( Indhayare) ayaa ka hadlay sababihii keenay inuu ka tago xilkii uu ka hayay Maamulka Puntlad, G/Sare Indhayare oo u waramayay Warbaahinta Sanaag ayaa sheegay in Maamulka Puntland markii dhidibada loo taagay Sanadkii 1998- uu ka mid ahaa ragii Udubada u taagay Maamulkaasi. Masuulkaasi waxa uu aad u dhaliilay Cade Muuse oo uu sheegay inuu cagta ku walaaqayo Maamulka Puntland. "Puntland markii la dhisay waxa lagu qabsaday hab Beeleed, iyada oo markaasi qorshu ahaa in la wadaago Maamulka markaasi la unkay balse wax dhacday in Maamulkii mardanbe isu rogay mid ku kooban hal Beelee, taasina ay ugu wacan tahay Masuuliyiinta Sa Sare ee Puntland oo ugu horeeyo Cade Muuse Xirsi" Saasi waxa yiri G/ Sare Indhayare. Indha yare ayaa waxa kaloo uu sheegay inuu dhawaan wada tashiyo la yeeshay Duqayda Gobolka Sanaag kuwaasi oo ay isla soo qaadeen sidii looga tashan lahaa Ayaamaha Gobolka, waxa uu farta ku fiiqay inaan wax ciidamada ah iyo Maamultoona aanay ka joogin Gobolka Sanaag isla markaana aan loo ogolaan doonin inay farigaliyo Puntland Gobolka Sanaag, Xaalad kasta oo Gobolka ka jirta ay ka falan qoondoonaan Isimada Gobolka oo kaashaanaya Siyaasiyiinta. Maxamed Jaamac Maxmuud (Indhayare) ayaa waxa uu aad ugu hadlay Xaalad Amaan ee Puntland oo uu sheegay inuu aad uga soo daray tan iyo intii Cade Muuse hogaanka Puntland la wareegay, Indhayare ayaa sheegay inuu qaaday talaabooyin wax ku ool ah intii xilka ka hayay Puntland oo ku aadan Amaanka. Waxa uu intaasi ku daray inaanay Puntland haatan ahayn meel loo dhan yahay oo ay ka jirto Cadaalad iyo kala danbayn, ayna Beesha Caalamka ugu baaqayaan inay soo fara galiyaan Xaaladaha haatan ka taagan Puntland, waxa uu ku eedeeyay Dhibaatooyinkaasi ka taagan Puntland inay log wayn ku leeyihiin Masuuliyiinta ugu saray Puntland. Hadalka Masuulkan rug cadaaga ah ayaa waxa uu ku soo adayaa xili ay dhawaan tacshiirad huwiyiin Ciidama ka amar qaata Wasiirka Amniga ee Puntland C/laahi Siciid Samatar dad rayid ah oo aan waxba galbasan, iyada oo ay wali sii socdaan Gumaadka ay ku hayaan dadka rayidka ah, iyada oo ay taasi marag tahay hadalka Siyaasiyaasi ka soo jeeda Gobolka Sanaag. Radio Dhahar Bosaaso, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites