Sign in to follow this  
Deeq A.

Ololaha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Doorashada Qof iyo Cod oo kusii fidaaya degmooyinka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada Qof iyo Codka ah ayaa si rasmi ah uga socda magaalada Muqdisho tan iyo 15-kii April 2025, waxaana ololahaasi uu haatan si tartiib tartiib ah ugu fidayaa degmooyin kala duwan oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Maanta oo ay tahay 23-ka April, diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa si habsami leh uga socota lix degmo oo muhiim ah.

Degmooyinka Waabari, Xamar-Jajab, iyo Cabdicasiis ayaa ah kuwa ololaha si rasmi ah uga socda, halka degmooyinka Shibis, Xamarweyne, iyo Boondheere ay sidoo kale si wanaagsan uga wadaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Mas’uuliyiinta doorashada ee heer gobol iyo degmo ayaa sheegay in ololahan uu yahay mid muhiim u ah hirgelinta nidaamka dimuqraadiga ah ee Qof iyo Cod ah, iyagoo xusay in dadweynuhu ay si wanaagsan uga qeyb qaadanayaan.

Dadka ku nool Muqdisho ayaa muujinaya xiisaha ay u qabaan ka qeybgalka doorasho xor iyo xalaal ah, waxaana la dareemayaa firfircooni ka jirta xarumaha diiwaangelinta, iyadoo lagu arkayo dad safaf ugu jira inay helaan fursadda ay codkooda uga dhiiban karaan mustaqbalka dhow.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa ugu baaqay shacabka ku nool degmooyinka aan weli laga bilaabin diiwaangelinta inay isu diyaar garoobaan, iyagoo ballan qaaday in ololuhu uu gaari doono dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this