Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye cusub oo loo doortay Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ee Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulan uu maanta yeeshay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddiga ee xarunta guddoonka iyo guddiyada Villa Hargeysa, waxa ay xubnaha guddiga ku doorteen Guddoomiyaha cusub ee guddiga oo ay u doorteen Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) oo bedeli doona guddoomiyihii hore ee guddiga Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo dhowaan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Guddoomiyaha cusub ee guddiga maaliyadda kula dardaarmay inuu dardargeliyo shaqada guddiga, isaga oo xubnaha kale guddiga ku booriyay in ay guddoomiyaha cusub la shaqeeyaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this