Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda deegaanka Wargaadhi

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saaka jab xooggan u geystay kooxda Shabaab kadib markii ay si geesinimo leh uga hortageen weerar ay kooxdaasi ku soo qaadday deegaanka Wargaadhi .

Ciidanku waxay muujiyeen feejignaan sare iyo karti dagaal, iyagoo si degdeg ah u fashiliyey weerarkii kooxda. Dagaal culus kadib, waxaa kooxda laga saaray deegaanka, iyadoo laga dilay xubno badan oo ka tirsanaa, halka kuwo kalena ay dhaawacmeen.

Intaas kadib, waxaa la fuliyey duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen diyaarado dagaal, kuwaas oo si toos ah u beegsaday fariisimo muhiim ah oo kooxda Shabaab ku lahayd nawaaxiga Wargaadhi. Duqeyntaasi waxay sababtay burbur baaxad leh iyo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray kooxda.

Waxaa sidoo kale la duqeeyay xubno ka mid ah Kooxda oo dib u laabtay markii lagu jabiyay dagaalkii Saaka. kuwaasoo laga gubay gaadiidkii ay wateen.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa sheegay in guushan ay markhaati u tahay awoodda iyo heegan joogtada ah ee ciidanka Qaranka.

Wuxuu sidoo kale bogaadiyey sida ay uga go’an tahay ciidanka in ay ka hortagaan weerarada noocaan oo kale ah.

“Ciidankeennu waxay mar kale muujiyeen geesinimo, firfircooni iyo u heellan inay difaacaan shacabka Soomaaliyeed. Guusha laga gaaray weerarkii Wargaadhi waa mid kamid ah tallaabooyinka xoreynta dalka,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Wasiirku wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, ayna sii xoojiyaan taageerada ay u hayaan ciidanka Qaranka si dalka looga ciribtiro kooxda Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hadda magaalada ka wadda Howlgallo Nadiifin ah.

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this