Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Kheyraadka dabiiciga ah iyo Bey’ada BFS oo warka ka soo saaray heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

War uu Guddiga Kheyraadka Dabiiciga iyo Bii’ada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka soo saaray heshiiska shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa lagu yiri ” Guddiga Kheyraadka Dabiiciga iyo Bii’ada Golaha Shacabku wuxuu u caddaynayaa shacabka Soomaaliyeed in heshiiska shidaalka ee la sheegay in ay wada galeen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga in aanu wax ka ogayn.

Haddii uu jiro heshiiskan wuxuu si cad u baalmarsan yahay shuruucda dalka, waxayna khiyaano ku tahay kalsoonida ummadda iyo xilka qaran ee ay hay’adaha Xukuumaddu u hayaan shacabka Soomaaliyeed, maadaama heshiisyada is-afgaradka ah ee u dhexeeya laba dal ay waajib tahay in loosoo gudbiyo Baarlamaanka JFS.

Guddigu markuu falanqeeyay nuqulka heshiiskan, ayna la tashadeen khubaro madax-bannaan oo aqoon u leh arrimaha shidaalka iyo qandaraasyada la xiriira, wuxuu ogaaday in heshiisku si toos ah uga hor imanayo qodobo muhiim ah oo ka mid ah Sharciga Batroolka.

Guddigu wuxuu la wadaagayaa dareenka ay dadweynaha ka muujiyeen sida Heshiiskan uusan uga turjumeyn danaha jiilkan iyo jiilka mustaqbalka ee ku saabsan ka faa ideysiga kheyraadka shidaalka dalka.

Ugudambayn, Guddiga Kheyraadka isaga oo gudanaya waajibaakiisa dastuuriga ah wuxuu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu yeeri doonaa Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya si ay fasiraad uga bixiyaa heshiiskan”.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this