Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu ku saabsan yahay Shirka looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya ee maanta ka furmaya Uganda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu uga qaybgalayo shirka dalalka xubnaha ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo maanta, iyadoo lagu gorfeyn doono horumarka iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee hawlgalka AUSSOM oo ah mid muhiim u ah xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu socdo shirka la wadaagi doona madaxda kale ee ka qaybgaleysa guulaha ay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed iskaashiga uga gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale diiradda saari doona sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo taageerada dalalka deriska ah iyo kuwa Midowga Afrika si Soomaaliya looga ciribtiro khatarta argagixisada una suurtagasho nabad waarta iyo horumar.

Shirka Kampala ayaa muhiimad weyn u leh wadamada ka qayb qaadanaya hawlgalka AUSSOM, waxaana lagu falanqeyn doonaa xoojinta wadajirka, taageerada amniga iyo qorshaha kala guurka ee ay Soomaaliya ku wajahdo mas’uuliyadda buuxda ee sugidda amnigeeda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this