Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTLAND oo ka hortimid qorshe culus oo ay damacsan tahay DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ayaa si weyn uga horyimid qorshe culus oo ay damacsan tahay Dowladda Federaalka, kaas oo la xiriira arrimaha bani’aadanimada.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland oo iyadu faafisay bayaanka ayaa walaac xoogan ka muujisay in adeegyada dowladda dhexe, gaar ahaan howlaha gargaarka lagu xiro qaadashada kaarka ay bixiso Hay’adda Qaran ee NIRA.

Puntland ayaa sheegtay inay la socoto kulan dhex-maray madaxda NIRA iyo Hay’adda SoDMA, kaas oo lagu soo bandhigay soo jeedin ah in la mideeyo diiwangelinta dadka barakacayaasha ah (IDPs), isla markaana gargaarka bani’aadanimo lagu xiro nidaamyo diiwaangelin oo heer Federaal ah.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in soo jeedintan ay ka hor imaaneyso awoodaha sharci ee Dowlad Goboleedyada Dalka, waxayna Puntland ku dooday inay xaq u leedahay diiwaangelinta iyo maareynta dadka ku nool gudaha deegaannadeeda.

“Soo jeedi-mahani waxay si toos ah uga hor imaanayaan awoodaha dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka aha Federaalka (FMS), kuwaas oo si cad mas’uul uga ah diiwaangelinta iyo maareynta dadka ku sugan dhulkooda” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda Gargaarka Puntland ayaa sidoo kale ku eedeysay dowladda dhexe inay siyaasadeyneyso gargaarka bani’aadanimada, ayna aad uga xun tahay.

“Dowladda Puntland waxa ay si cad u diideysaa isku day kasta oo lagu siyaasadeynayo gargaarka bani’aadanimo iyo isku-dabaridka kaalmada” ayaa mar kale lagu yiri warka.

Hadalkan kasoo yeeray Puntland ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu faray hay’adaha dowladda in aysan adeeg gaarsiin cid aan qaadan aqoonsiga ay bixiso Hay’adda NIRA oo ay horay u diiday xukuumadda Puntland.

Labada dhinac oo siyaasad ahaan si weyn iskuugu hayaya ayaa haddane mar kale isku qabtay arrimaha bani’aadanimada, taas oo uga sii dareysa xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Garoowe.

Dhowaan dowladda dhexe ayaa Madaxweyne Saciid Deni ku eedeysay in uu ku kacay xadgudub wayn oo ka dhan ah dowladnimada Somaliy, kadib markii uu ku dhowaaqay dhismaha hay’adda aqoonsiga Puntland ee (PID), oo uu ka garab dhisay hay’adda NIRA.

492499138_1111696587654322_5527565693880

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this