Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: DF Soomaaliya oo guul wayn ka gaartay dagaalkii Wargaadhi

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadale (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guul wayn ka sheegatay dagaal culus oo ay saaka Al-Shabaab kula gashay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay halkaas weerareen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo, isla markaana uu xigay dagaal toos ah ayaa waxaa jab culus lagu gaarsiiyay xubnihii weerarka soo qaaday, ka gadaal markii ay jilibka u dhigeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Abaanduulaha Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor Maxamed Ibraahim Intarfeer oo dagaalka wax ka hoggaaminayay ayaa muuqaal kasoo duubay jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan isaga oo taagan aargada Wargaadhi, wuxuuna sheegay inay cashir u dhigeen Al-Shabaabkii soo weeraray deegaankaasi, ayna dib uga celiyeen deegaanka.

“Saaka waxaan joognaa halka lagu magacaabo Wargaadhi waad arkeysaan aargada, kooxdaha Khawaarijta ayaa waxa ay soo weerareen deegaanka, balse ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka way iska caabiyeen” ayuu yiri Abaanduuluhu.

Sidoo kale wuxuu beeniyay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay qabsadeen magaalada, isaga oo meesha ka saaray warar been abuur ah oo goor sii horreysay la faafiyay.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa beenta iyo borobagaanka lagu hayo halaga dhaafo Al-Shabaab meeshaan way soo weerareen, laakiin wax guul ah oo ay ka qaadeen ma jirto, iyaga oo indho xun ayay meesha isaga tageen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale, qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab badan lagu laayay Wargaadhi, isla markaana ay hadda socoto qiimeyn guud,

“Qiimeynta khasaaraha gaaray Khawaarijta oo meydadkooda ay dhooban yihiin goobihii lagu dagaalamay ayey ku howlan yihiin Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Wargaadhi, waxaana bulshada la wadaagi doonaa xogta khasaaraha rasmiga ah ee saakay la gaarsiiyey cadowga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana si buuxda Wargaadhi oo ah taliska labaada ee ugu wayn ee Shabeellaha Dhexe, kadib qabsashadii Aadan Yabaal gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa xaq-u-dirirka ee dadka deegaanka.

Al-Shabaab ayaa horay u qabsatay Aadayaan Yabaal, waxayna weli isku sii fidineysaa qaybo kale oo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Si kastaba, Labada Shabeelle ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this